ISRA’IIL OO WEERARTAY DHULKA SURIYA MAR KALE.
(SAWIRKA)-BEYT JIN.
(ABU DHABI)-Ciidamada Israa'iil ayaa galay Koonfur-galbeed ee dalka Suuriya saacadihii hore ee Khamiista, waxayna halkaas ka soo xireen dhowr qof oo ey milateriga Israa'iil ku sheegeen iney xubno ka yihiin kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa sheegtay iney ahaayeen dad rayid ah. Xariga ka dhacay magaalada Beyt Jin oo qiyaastii 50 kiiloomitir Koonfur-Galbeed kaga beegan caasimadda Dimishiq, ayaa qayb ka ah dib u soo cusboonaada hawlgallada ciidammada Israa'iil ee Koonfurta Suuriya ka dib toddobaadyo xasilloon. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in howlgalkooda habeenimo ee Beit Jin uu ahaa "Mid ku salaysan sirdoon la ururiyey toddobaadyadii la soo dhaafay" oo horseeday in la xiro "Argagixiso badan oo Xamaas ah" oo qorsheynayay "Qorshooyin Argagaxiso badan" oo ka dhan ah rayidka Isra’iil iyo ciidamada Israel ee Suuriya. Warka ka soo baxay militariga ayaa lagu sheegay iney la wareegeen hub iyo rasaas, waxaana maxaabiista loo gudbiyay Israa’iil si su’aalo dheeraad ah loo weydiiyo. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in "daandaansigan soo noq-noqday ey ka dhigan yihiin xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in toddobo qof lagu xiray weerarka Beit Jin, balse waxa ey beeniyeen iney ka soo jeedaan Xamaas, isagoo sheegay iney ahaayeen dad rayid ah oo deegaankaas ka soo jeeda. Afhayeenku wuxuu sheegay in hal qof uu ku dhintay dab ka kacay Israa'iil. Mar wax laga weydiiyay in qof lagu dilay weerarkooda, millatariga Isra’iil ayaa u sheegay Reuters in markii mid ka mid ah xubnaha la tuhunsan yahay uu isku dayay inuu baxsado, rasaas ayaa lagu furay waana ey ku dhacday,mana la aqoonsan."Isra’iil ayaa si weyn uga shakisan dowladda cusub ee maamulaysa Suuriya tan iyo markii la riday hoggaamiyihii hore ee Bashaar AL-Assad bishii December, iyadoo sheegtay iney taageeri karto weerar la mid ah duullaankii Xamaas uu hoggaamiyo Oktoobar 7 2023 ee koonfurta Israa'iil. Bilihii hore ee maamulka cusub ee Suuriya, Israa'iil waxay ciidan u dirtay koonfurta Suuriya, waxayna qaadday duqeymo baahsan laakiin ka dib waxay wadahadal toos ah la bilowday mas'uuliyiinta Suuriya si looga hortago colaadda gobolka soohdinta. Xiisadda ayaa dib u soo cusboonaatay horaantii bishii Juun, si kastaba ha ahaatee, ka dib markii gantaalo laga soo tuuray Suuriya oo ku wajahan Israa'iil. Israa’iil ayaa ka aargoosatay weerarkeedii ugu horeeyay muddo bil ku dhow. 8-dii bishii Juun, Israa’iil waxay duqayn ka geysatay duleedka Beit Jin oo ey ku tilmaantay xubin Xamaas.
ISHA-AA.