JABUUTI IYO YEMAN OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO XASILOONIDA.

(SAWIRKA)-MW-GEELLE IYO MW-RASHAAD.

(ADEN)-Dr. Rashad Maxamed AL-Culeymi ahne Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha, ayaa maanta oo Jimce ah khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Intii uu socday wad hadalka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada kala duwan. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka Gobolka iyo arrimaha danta guud. Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyadu isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Xubnaha Golaha iyo Xukuumadda, ayaa si weyn ugu mahad-naqay mawqifka ey Jamhuuriyadda Jabuuti ku garab taagan tahay shacabka Yemen iyo hoggaankooda sharciga ah, oo ey ka mid yihiin tas-hiilaadka deeqsinimada leh ee loo fidiyey muwaadiniinta Yemen ee ku nool, kuna sii kala gudba dhulkeeda, taaso ka tarjumaysa xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeyo labada shacab ee walaalaha ah Yeman iyo Jabuuti.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku celceliyay in dalkiisu uu garab taagan yahay Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha iyo dawladda Yeman,mowqifka adag ee uu ka taagan yahay garab istaagga shacabka Yemen iyo himilooyinka ey ka qabaan Amniga, Xasilloonida, iyo Nabadda, iyo sida uu dalkiisu u doonayo in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah si looga hortago caqabadaha guud iyo sii wadida bixinta dhammaan tasiilaadka suurtagalka ah ee mawaadiniinta Yeman.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WAREEGII LIXAAD EE WADA HADALADA MARAYKANKA IYO IRAAN OO BAAQDAY.

Next
Next

ISRA’IIL OO WEERARTAY DHULKA SURIYA MAR KALE.