WAREEGII LIXAAD EE WADA HADALADA MARAYKANKA IYO IRAAN OO BAAQDAY.

(ASWIRKA)-CARAQJI IYO BADR.

(MASCAT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Cumaan ee Masqat ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimha Dibadda dalkaasi Badr AL-Busaciidi uu shaaca ka qaaday in wareega lixaad ee wada hadaladda Iraan iyo Maraykanka aan lagu qaban doonin magaaladda Masqat berrito oo Axad ah,iyadoo la eegaayo xiisadda weerarka ey Isra’iil ku beegsatay dalka Iraan. Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Diblomaasiyadu iyo wada hadalku yihiin wadada kaliyah ee lagu gaari karo nabad waarta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan ayaa sheegtay ineysan wax faa’iido ah lahayn “In Maraykanka uu wada hadalo Nukliyeer ah kula yeesho Cumaan xilli dhulkeeda uu ka jiro weeraro uga imaanaya Isra’iil. Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan Ismaaciil Baqaay ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray ka hor wada hadalka,kaaso loo qorsheeyey Axada,iney cadahay in xaaladaan oo kale,ilaa ey joogsato gardaradda Isra’iil ee ka dhanka ah Iraan,ka qeybgalka wada hadal lala yeelanaayo kaalmeeyaha ugu weyn lana wadaago dhibaateynta Iraan si aan macno lahay”. Dalka Iraan ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in wad hadalkii Maraykanka ee ku saabsanaay barnaamika Nukliyeerka ee Iraan uu noqday mid macna la’aan ah ka dib markii Isra’iil ey qaaday weeararkeedii Mileteri ee abid ugu weynaa ee ka dhan ah dalka Iraan. Tehraan ayaa sidoo kale Washington ku eedeysay iney taageerto Isra’iil. Shalay,Axmed AL-meymuuni oo ah Agaasimaha daraasaadka iyo cilmi baarista ee Machadka Rasaana ayaa meesha ka saaray in Tehraan ey ku soo laabato wada xaajoodka ka dib markii ey dhumisay qeyb ka mid ah awoodeedii gorgrtanka,sida uu yiri,iyadoo loo maraayo Operation Rising Lion, oo loo arko mid ka mid ah hawlgaladda ugu weynee Isra’iil ee qarsoodida ah iyo dhagarta. Isla xaaladaan,khudbad laga sii daayey Telefishanka fiidnimada Sabtida maanta ah ayuu Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ku sheegay in Isra’iil ey guulo gaartay oo ey garaacday goobta ugu muhiimsan ee tayeynta Iraan. Waxa uu sheeca ka qaaday in weerarada sidoo kale lala beegsaday kooxda hogaanka Saynisyahanada ee hogaaminaya mashruuca Nukliyeerka isaga oo xusay inuusan faahfaahin dheeri ah ka bixin karin.

ISHA-AA.

Previous
Previous

IRAAN OO QABATAY LABA XUBNOOD OO LA SHAQEYNAYEY MOSSAD.

Next
Next

JABUUTI IYO YEMAN OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO XASILOONIDA.