IRAAN OO QABATAY LABA XUBNOOD OO LA SHAQEYNAYEY MOSSAD.
(SAWIRKA)-ASTAANTA SIRDOONKA ISRA’IIL EE MOSSAD.
(TEHRAN)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Iraan iyo Isra’iil Jimcihii la soo dhaafay, waxaa soo baxaayey warar hoose oo sheegaayo in Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil loona yaqaano MOSSAD uu door weyn ka ciyaaray weerarada Isra’iil ee galaaftay Saraakiil sar sare iyo Aqoonyahano dhinaca Nukliyeerka ah,waxaane shalay ilaa maanta soo baxaayey warar sheegaayo in Sirdoonka Iraan ey ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan dadkii la shaqeynaayey Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD. Dawladda Iraan ayaa soo saartay digniin sheegeysa inaan lala macaamilin cid kasta oo xiriir la leh amaba lagu tuhmaayo iney xiriir la leedahay Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD,booliska Iraan ayaa ku dhawaaqay iney laba qofood ka soo xireen Gobolka Albaraz ee waqooyiga dalkaasi. Bayaan kasoo baxay booliska maanta oo Axad ah ayaa lagu yiri”Waa ey ku mahadsan yihiin dadaalka ey sameeyeen qeybta Sirdoonka booliska ee Gobolka Albaraz, waxaane suurtagashay in la soo xiro laba xubnood oo ka tirsan unugyada Mossad”. Booliska Gobolka ALbaraz ayaa intaas raaciyey in labada qofood ee l soo qabtay ey ku hawlanaayeen sameeynta Bambooyin,Walxaha Qarxa iyo qalab elektaroonig ah oo ku sugnaay goob ey ku dhuumaaleysanayeen taaso ku taalo degaanka Saafojubla’a sida ey ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Tasnem. Hayadda Sirdoonka ee Ilaaladda kacaanka Iraan ayaa shalay ka digtay in iskaashi kasta oo sirdoon oo lala yeesho Mossad ama xiriir lala sameeyo shaqsiyaad lala xiriirinaayo Isra’iil iney ka dhigan tahay dembi Qaran qofkii lagu helana uu muteysan doono ciqaab tan ugu daran. Waxaa kaloo uu bayaanka la soo saaray shalay oo Sabti ahayd uga digay in la fuliyo dhaqdhaqaaqyo dhinaca Warbaahinta ah lidne ku ah Iraan iyo dicaayaddo lagu dhiirigelinaayo weerarka Isra’iil ee dalka Iraan.
ISHA-AA.