JARMALKA: HOOYO LA LA’AA MUDDO BIL AH OO MEYDKEEDII LAGA HELAY KEYNTA.

(SAWIRKA)-IMAN MAXAMED XASAN.

(GERMANY)-Kiiska haweeney u dhalatay dalka Masar oo lagu waayay dalka Jarmalka ayaa dib ugu soo laabatay safka hore ee warbaahinta Jarmalka ka dib markii meydkeeda laga helay meel kayn ah. In ka badan toddobo bilood ka dib markii la waayay, mas'uuliyiinta Jarmalka ayaa Axaddii helay meydka Iman Maxamed Xasan oo 35 jir ah si kedis ah xilli ey raadinayeen ilmo yar oo dhex mushaaxday kaynta u dhow gurigeeda oo ku yaal Bad Eibling, Koonfurta Bavaria. Eey booliis ah ayaa qoday haraagii Iman, waxayna la yaabeen, oo ey soo bandhigeen meydka qof bani’aadam ah. Gabadha la dilay oo lagu magacaabo Iimaan Maxamed Xasan ayaa iyada iyo mid ka mid ah carruurteeda. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, waxaana ey ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa. Carruurta waxaa la geeyey guri lagu koriyo oo ku yaal Jarmalka. Dhanka kale qoyska dhibbanaha ee Masar ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Jarmalka iyo dhammaan dhinacyada ey khuseyso iney gacanta ku dhigaan saddexda caruur ah ee dhibanaha ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaan ka jawaabin wicitaannadaas, iyadoo la eegayo in saddexda caruur ah ey haystaan ​​dhalashada Jarmalka. Xiisadan ayaa ka bilaabatay markii la waayay Iman Moxamed Xasan oo Jarmalka lagu waayay bishii November ee la soo dhaafay. Gabar la dhalatay haweeneyda la la’yahay ee Masar ayaa ka baxday aamusnaanta, waxayna qaadatay boggaga qurba-joogta Masar ee ku sugan dalka Jarmalka si ey wax uga weydiiso walaasheed. Waxa ey sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ee qoyskan ey la sameeyaan uu ahaa muddo bil ka hor, wixii xilligaasi ka dambeeyayna ey u suurageli weyday in lala xiriiriyo, isla markaana bogaggeeda baraha bulshada eysan shaqeyn. Gabadha la dilay walaasheed ayaa daaha ka qaaday fal-celinta yaab leh oo ninka uu ka qaaday dhacdada. Ka dib markii ey qoysku la soo xiriireen si ey wax uga weydiiyaan sababta ey u maqan tahay xaaskiisa ayaa sheegay iney bil ka hor ka baxday guriga, dibna eysan u soo laaban, eyna ifka kaga tagtay saddex caruur ah oo ey dhashay oo uu ku jiro ilmo yar oo 7 bilood jira. Si kastaba ha ahaatee, ninka ayaa ku guuldareystay inuu u sheego maqnaanshaha xaaskiisa maamulka Jarmalka. Gabar la dhalatay gabadha la dilay ayaa sidoo kale qoraal ey soo dhigtay ku xaqiijisay in ninka walaasheed uu si caadi ah noloshiisa ugu noolaa, isagoo aan ka walaacin maqnaanshaha lama filaanka ah ee xaaskiisa. Geesta kale, qaar ka mid ah dadka u dhow gabadha la la’yahay ee Iman oo ku sugan dalka Jarmalka, ayaa sheegay in khilaaf soo noqnoqday uu soo kala dhex galay iyada iyo ninkeeda, kuwaasoo sababay iney gabbaad u raadsato hooy ey ku nool yihiin dumarka lagu xad-gudbay dalka Jarmalka, iyada iyo carruurteeda. Muddo ayey halkaa joogtay ka hor inta aaney ku noqon gurigii guurka. Waxay aaminsan yihiin in ninku uu yahay tuhmane la'aanta xaaskiisa.

Warbaahun Carbeed ayaa ogaatay in ninka qabay haweeneyda la waayay uu dhowr jeer soo dhigay qoraalo uu ku weerarayo xaaskiisa, ka dib markii la waayay, isagoo ku eedeeyay fal sharaf dhac ah. Taasi waxay keentay in dad badan oo ey garanaysay ey ka jawaabaan eedaymahaas iyo aflagaadadaas, iyagoo ku nuux-nuuxsaday iney tahay geber akhlaaq wanaagsan oo cid walba laga qadariyo.

ISHA-AA.

Next
Next

IRAAN OO QABATAY LABA XUBNOOD OO LA SHAQEYNAYEY MOSSAD.