SARKAAL SARE KANA TIRSANAAY CIIDAMDII BASHAAR EL-ASAD OO LA QABTAY.

(SAWIRKA)-S/GUUTO.DAAS XASAN CALI.

(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in ciidamadda Amaanka ey Xabsiga u taxaabeen Taliye hore lana yiraahdo Daas Xasan Cali Arbacadda maanta ah,sarkaalkan ayaa loo heystaa dembiyo fara badan eyna ka mid yihiin kuwa dagaal,dhaqaale iyo xadgudbyo kale. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suriya bayaan ey soo saartay ayey ku sheegtay in dabagal dheer oo xoogan ka dib ayuu taliska Amniga Gudaha ee Gobolka AL-Laadiqiyah ee Galbeedka Suriya uu Xabsiga dhigay S/Guuto.Daas Xasan Cali oo ahaa Madaxii Laanta Amniga ee Gobolka Diira-El-Zuur bariga dalka Suriya xilligii dawladdii Asad. Wasaaradda ayaa tilmaantay in Daas uu ku lug lahaay dembiyo dagaal,Xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo dembiyo dhaqaale oo ey ugu badan tahay Xatooyadda Shidaalka iyo iibinta xisaabtiisa gaarka ah,Wasaaradda ayaa sharaxday in qofka la qabtay loo gudbiyey Garsoorka awooda u leh si uu talaabo sharci ah uga qaado. Maamulka cusub ee dalka Suriya ee uu hogaamiyo Axmed AL-sharac ayaa dadaal ugu jiro sidii uu u xakamayn lahaa xaaladda Amni ee dalka Suriya,isla markaasne uu uga daba tegi lahaay haraadigii taliskii hore ee qalqalka ku haayey amaanka dalka Suriya gaar ahaan Gobolka Xeebta ah. Taariikhdu markey ahayd 8/12/2024-kii kooxaha Suriya waxa ey soo afjareen gacan ku haynta dalka ee Madaxweyne Bashaar El-asad,waxaane soo dhammaatay xukunkii Xisbiga AL-Cath oo dalka Suriya soo xukumaayey muddo dhan ilaa 61-sanp oo xiriir ah.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

JARMALKA: HOOYO LA LA’AA MUDDO BIL AH OO MEYDKEEDII LAGA HELAY KEYNTA.