HAANIBAAL OO QADAAFI OO MAR KALE KA SOOMAY CUNTADA.

(SAWIRKA)-HAANIBAAL IYO SHEEKHA SHIICADDA.

(BEIRUT)-Toban sano ayaa ka soo wareegtay markii Haanibaal Qadaafi lagu xiray dalka Lubnaan isagoo lagu eedeeyey inuu qarinaayo macluumaad ku saabsan halka uu ku dabeeyey Sheekha Shiicada ah ee Imaam Muusa AL-Sadr,iyadoo aan la sii deyn amaba aan la xukumin xukun kama dambeys ahne laga soo saarin. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar AL-Qadaafi uu cunada ka Soomay isaga oo kaga soo horjeeda Xabsiga lagu sii haayo. Wararka ayaa sheegaayo in Haanibaal uu mar kale ka Soomaayo Cuntada ka dib markii maamulka Wasaaradda Cadaaladda dalka Lubnaan ey iska dhegatirtay dalabaadka uga yimid Wasaaradda Cadaaladda dalka Liibiya si loo sii daayo Haanibaal Qadaafi,inkastoo ey diyaar u tahay iney bixiso dhammaan macluumaadka ku saabsan Sheekh AL-Sadr,ilo wareedyo ku dhaw Qoyska Haanibaal Qadaafi ayaa sheegay in Qoysku ku yiraahdeen Masuuliyiinta Lubnaan inuu xika saaran yahay Amniga iyo bedqabka Haanibaal Qadaafi.

KIISKA MUUSA AL-SADR.

Waxaa xusid mudan in Haanibaal uu ku dhawaad muddo 10-sano ah uu xabsiga ku qaatay sabab la xiriirta inuu qariyey macluumaadka kiisa AL-Sadr iyo labadiisii saaxib ee lagu waayey dalka Liibiya sannadkii 1978-dii. Waxaa Haanibaal Qadaafi la xiray bishii Diseembar sannadkii 2015-kii,isagoo ku mashquulsanaay sidii uu heli lahaay Aqoonsiga Qaxootinimo oo Siyaasi ah gudaha dalka Suriya ka hor inta laga afduubin halkaasi oo aan loo gacangelin maamulka Lubnaan. Dhawrkii sano ee la soo dhaafay wiilka uu dhalay Korneel Qadaafi ma uusan bixin wax xog ah oo cusub oo la xiriirta halka uu ku dambeeyey hogaamiyihii Shiicada iyo ragii la socday, waxaane baarayaasha Garsoorka dalka Lubnaan uusan weli soo saarin eedeymaha loo haysto Haanibaal Qadaafi,waxa uuna weli ku xiran yahay qol ku yaalo xabsiga Laanta Warfaafinta kaaso ku yaalo Xarunta Taliska Guud ee Nabad Sugidda dalka Lubnaan. Haanibaal Qadaafi ayaa dhawr jeer galay Cunto ka Soomid sannadadii la soo dhaafay isagoo kaga soo horjeedo Xariga joogtada ah ee Hayadaha Garsoorka Lubnaan. Sidoo kale,dhawr jeer ayaa Haanibaal la dhigay Isbitaalka sababo la xiriiro caafimaadkiisa oo sii xumaanaayo.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

HOGAAMIYE DAACISH AH OO JARMALKU XUKUMAY.

Next
Next

DALKA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA NABAD ILAALINTA.