DALKA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA NABAD ILAALINTA.
(SAWIRKA)-RW-LUBNAAN.
(BEIRUT)-Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa Talaadada maanta ah dib u xaqiijiyay ka go'naanta Lubnaan ee dib u cusboonaysiinta shaqada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan si ey u taageeraan Qaraarka Qaramada Midoobay 1701 iyo ilaalinta Amniga xuduudaha. Hadalkiisa waxa uu daba socday dhacdo ey ciidamada nabad ilaalinta ee UNIFIL ey ku sheegeen iney iska horyimaadeen shaqsiyaad dhagax-tuur ah oo ey ku guda jireen kormeer ey ku marayeen koonfurta Lubnaan, waxa uuna ku tilmaamay weerarada soo noqnoqda ee ka dhanka ah ciidamadooda kuwa aan la aqbali karin. Salam ayaa dhaleeceeyay weeraradii lagu qaaday UNIFIL, isagoo ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay isla markaana lala xisaabtamo. Waxa uu ka digay in falalkan oo kale ey khatar ku yihiin xasiloonida koonfurta Lubnaan iyo danaha Qaranka, isaga oo faray Hay’adaha Ammaanka iney soo gudbiyaan kuwa weerarka soo qaaday una gacan geliyaan Hay’adaha Garsoorka.
ISHA-AN.