QAAR KA MID AH WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY DAGAALKA IRAAN IYO ISA’IIL.
(SAWIRKA)-AFAR DAL OO KA HADLAY DAGAALKA IRAAN IYO ISRA’IIL.
(CAIRO)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamadda Sacuudi Carabiya, Masar iyo Baxrayn ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in la dejiyo xaaladda milatari iyo in xabbad joojin laga sameeyo gobolka. Intii lagu guda jiray taleefoon maalintii Axadda ee u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaadhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxrayn Abdullatif bin Rashid AL- Zayani, saddexda wasiir waxay ku baaqeen in mudnaanta la siiyo xalalka siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed oo ah dariiqa kaliya ee looga bixi karo qalalaasaha taagan, lana ilaaliyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka. Waxa ey sidoo kale carabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gobolka uu ku sii socdo fowdo iyo xiisad kale. Wasaarka arrimaha dibadda dalka Masar ayaa sheegay in xiriirka Wasiirradu uu ku dhacay qaab wada tashi iyo isku dubarid ah oo ku saabsan horumarka deg dega ah ee ka socda gobolka, oo ey ugu weyn tahay kororka militari ee u dhexeeya Israa'iil iyo Iran iyo saameynta weyn ee nabadda iyo amniga gobolka. Labada wasiir ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo Madax banaanida dowladaha, mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Saacado ka hor, Wasiirada arrimaha dibadda ee Masar iyo Urdun ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka, iyagoo ka wada hadlay dhacdooyinka xawliga ku socda ee gobolka, gaar ahaan xiisadaha militari ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran iyo khatarta weyn ee uu ku hayo nabadda iyo ammaanka gobolka. Labada wasiir ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay is-dejinta, is-xakamaynta, iyo raadinta wada-hadalka si looga fogaado dhibaato kale. Waxay caddeeyeen diidmadooda wax kasta oo liddi ku ah mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay ama qodobbada sharciga caalamiga ah, iyo baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanida dawladaha. Waxa ey ka digeen khatarta ka dhalan karta in gobolka uu ku sii siqayo fowdo iyo xiisad hor leh iyadoo la eegayo xaaladda cakiran ee hadda taagan. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Masar Abdel Fataax El-Sisi uu taleefoon kula xiriiray Suldaanka Cumaan Haytham bin Tariq Al Sacid oo uu kala hadlay horumarka gobolka. Afhayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in baaqaasi looga hadlay isbedelada gobolka, iyadoo Sisi uu carabka ku adkeeyay muhiimada ey leedahay in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa xiisada ka dhex aloosan Isra’iil iyo Iran. Waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta colaada ku sii fidaya gobolka, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in lagu soo laabto miiska wada hadalka si looga hortago dhiig kale oo daata.
ISHA-AA.