(SURIYA):QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY GUDAHA KANIISAD.
(SAWIRKA)-GUDAHA KANOOSADDA QARAXA KA DHACAY.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in ugu yaraan 20 qof ey ku dhinteen tobanaan kalena ey ku dhaawacmeen ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku dhex Qarxiyay Kaniisadda Maar Elyaas oo ku taal Xaafadda Dweyla ee caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Axadda maanta ah, sida ey sheegeen maamulka caafimaadka iyo laamaha ammaanka dalka Suriya. Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ismiidaamin ah oo ka dhaca Dimishiq tan iyo markii Bashaar AL-Asad ey xoogaga mucaaradka xukunka ka tuureen bishii December. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in qofka is qarxiyay uu ka tirsanaa kooxda Daacish. Waxa uu galay Kaniisada, waxa uu ku furay rasaas ka dibna uu Qarxiyay Jaakadda uu watay,sida ey ku dartay war ay Wasaaradu soo saartay. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya ayaa cambaareysay weerarkan, waxayna ku tilmaantay isku day lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo wada noolaanshaha dalkaas oo ay ku kala nool yihiin qowmiyado kala duwan. Suuriya waxay u aragtaa "Fal dambiyeedkan, oo lagu bartilmaameedsaday xubnaha bulshada Masiixiyiinta ah, isku day quus ah oo lagu wiiqayo wada noolaanshaha qaranka iyo in lagu carqaladeeyo xasilloonida dalka," ayey Wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan. Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka, waxa uuna ku tilmaantay fal “Argagixiso”. War qoraal ah oo ey soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa “ku nuuxnuuxsaday diidmada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee weerarrada lagu qaado goobaha cibaadada, Argagaxisada dadka rayidka ah, iyo daadinta dhiigga aan waxba galabsan,” waxayna “xaqiijiysay taageerada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee Jamhuuriyadda Carabta ee walaalaha ah ee Suuriya ka dhanka ah dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada.” Wasaaraddu waxay sido kale “ tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Suuriya, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawaca ah iney si deg deg ah u bogsadaan.” Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Suuriya Tom Barrack ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay fal fulaynimo ah. "Falalkan foosha xun ee fulaynimada ah meelna kuma laha cajaladda cusub ee dulqaadka isku dhafan iyo ka mid noqoshada in Suuriyaanku ey samaynayaan," Barrack ayaa ku dhigay bartiisa X weerarka ka dib. "Waxaan sii wadeynaa taageerada dowladda Suuriya si ey ula dagaalanto kuwa doonaya iney xasillooni darro iyo cabsi ka abuuraan dalkooda iyo gobolka ballaaran." Ilo dhanka ammaanka ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in labo nin ey ku lug lahaayeen weerarka, oo uu ku jiro midkii is qarxiyay. Daacish ayaa tan iyo markii la riday AL-Asad ka dambeysay isku dayo dhowr ah oo lagu qaaday Kaniisado ku yaalla dalka Suuriya, balse tani waxay ahayd tii ugu horeysay ee lagu guuleysto, sida ilo kale oo dhanka ammaanka ah ey u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters. Wakaaladda wararka ee Suuriya oo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 52 qof ey sidoo kale ku dhaawacmeen qaraxa. Muuqaal toos ah oo laga soo qaaday goobta difaaca madaniga ah ee Suuriya, Koofiyadaha Cad, ayaa muujiyay muuqaalo burbur ah oo ka yimid gudaha Kaniisadda, oo ey ku jiraan dabaq dhiig leh iyo jeexjeexyo fiiqan iyo dhagaxyo. Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac, oo hogaaminayay duulaanka ka dhanka ah AL-Asad ka hor inta uusan la wareegin bishii Janaayo ee sanadkan waji ku meel gaar ah, ayaa ku celceliyay inuu ilaalin doono dadka laga tirada badan yahay. "Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaaraynaynaa Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Argagaxisada ahaa ee lagu qaaday Kaniisadda Ortodokiska ee Maar Elyaas ee ku taal magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya," ayey Wasaaradda arrimaha dibadda ee Giriiga ku sheegtay bayaan ey soo saartay. "Waxaan dalbaneynaa in mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ey qaadaan tallaabo deg-deg ah si ey ula xisaabtamaan kuwa ku lugta leh isla markaana ey fuliyaan tillaabooyin lagu dammaanad qaadayo ammaanka bulshooyinka Masiixiyiinta ah iyo dhammaan kooxaha diimaha, taasoo u oggolaanaysa iney ku noolaadaan cabsi la'aan." Daacish ayaa horey u bartilmaameedsatay dadka laga tirada badan yahay ee diimaha, oo uu ku jiro weerar weyn oo lagu qaaday xujeyda Shiicada ee Sayeda Zaynab sanadkii 2016-kii mid ka mid ah qaraxyadii ugu caansanaa intii lagu jiray xukunka AL-Asad. Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu hoosta ka xariiqayaa awoodda joogtada ah ee kooxda si ey uga faa'iideysato daldaloolada amniga inkasta oo ey burburtay gacan ku haynta dhulkeeda iyo dadaallada ka dhanka ah Argagixisada.
ISHA AL-CARABIYA.