TAHRIIBAYAAL SOOMAALI IYO ITOOBIYAAN AH OO SOO GAARAY YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.
(YEMAN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Yemen ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday iney soo degtay doon sidday 86 Tahriibayaal Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo gaaray Xeebta Kida ee degmada Radhuum ee Gobolka Shabwa, taasoo ah mowjado cusub oo dad badan oo Yemen ku soo galay dhanka badda. Warbaahinta amniga ee Wasaaradda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ey u dhasheen labo dal oo Afrikaan ah. (38)-waa Itoobiyaan ayaa lagu diiwaan galiyay oo ey ku jiraan (30)- Rag ah iyo (8)-Dumar ah iyo (48)-Soomaali ah oo intooda badan ey yihiin rag. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in ciidamada ammaanka ee Gobolka Shabwa ey u wajaheen dhacdadan si waafaqsan nidaamka sharciga ah, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu sugayo amniga iyo xasiloonida, loogana hortagayo dhibaatooyinka halista ah ee ka dhashay dhacdadan oo noqotay mid khatar ku ah amniga Qaranka iyo nabadda bulshada. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday hoggaanka sare ee dalka iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka iney si deg deg ah u soo farageliyaan tahriibka ka sii daraya siina kordhaya, kaasoo kasoo qulqulaya dalalka Geeska Afrika ee u soo socda Yemen, iyadoo ey dalka ka jiraan xaalado bini’aadinimo iyo mid amni oo ka dhashay dagaallada socda iyo afgambiga ey maleegayaan Argagixisada Xuuthiyiinta. Wasaaraddu waxay carabka ku adkaysay in qulqulka muhaajiriinta ee sii socda ee sidaan oo kale ah ey culays dheeraad ah ku saarayso ammaanka iyo awoodaha adeeg ee Gobollada xeebaha, waxayna ku baaqaysaa in la qaato mowqif adag oo caalami ah oo lagu xisaabtamayo nooca gaarka ee xaaladda dalka Yeman iyo baaxadda caqabadaha is urursaday kana jira gudaha dalka Yeman. Inta badan dadka u soo tahriiba dalka Yeman ayaa ah kuwa uga sii gudba dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya si ey halkaasi uga bilaabaan nolol ka duwan midii ey ka soo carareen,balse waxaa Yeman ka jira waqtigaan duruufo adag oo dhinaca isu socdka ah waayo dalka Yeman ayaa hadda ah mid kala qeybsan eyna ka jiraan laba maamul oo is diidan,sidaas darteed tahriibku ma aha mid sahlan waqtigaan la joogo dalka Yeman gaar ahaan Gobolada Waqooyi ey Xuutiyiintu maamulaan xuduudna la leh Sacuudiga,laba maalin ka hor ayey ahayd markii meydad Soomaaliyeed laga soo helay Xuduuda Yeman iyo Sacuudiga ka dib markii uu ku habsaday Gentaal ey Isra’iil ku soo riday Xuutoyiinta.
ISHA-SB-MEDIA.