HOGAAMIYEYAASHA URDUN IYO CUMAAN OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-HOGAMIYEYAASHA URDUN IYO CUMAN.

(LONDON)-Suldaan Haytam Bin Tariq ee Cumaan iyo Boqor Cabdallaha II ee Urdun ayaa ka wada hadlay khilaafka Iran iyo Isra’iil iyo saameynta halista ah ee xiisadaha gobolka. Intii lagu guda jiray wacitaanka Isniinta maanta ah, waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in la xoojiyo isuduwidda si loo damiyo dabka iskahorimaadka ee Marinka Gaza iyo xiisadaha socda ee ka dhashay ficillada Isra’iil ee ka dhanka ah Iran, Wakaaladda Wararka Cumaan ayaa soo werisay. Waxay sidoo kale ku baaqeen wadahadal iyo wada xaajood nabadeed si xal siyaasadeed loogu helo arrimaha gobolka ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah, xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, ayey ONA ku dartay. Boqor Cabdallah Urdun waxa uu carabka ku adkeeyay in nabad ka dhalata gobolka aan la heli karin hadii aan xal cadaalad ah oo dhamaystiran laga gaarin qadiyada Falastiiniyiinta oo ku salaysan xal laba dawladood ah,sida ey ku warantay wakaalada wararka ee Petra. Xiisadda Iiraan iyo Israa’iil ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii Mareykanka uu Axaddii duqeymo ka geystay saddex goobood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha Iiraan. Tel Aviv iyo Tehraan ayaa 11-kii maalmood ee la soo dhaafay is weydaarsaday weeraro, taasoo halis u ah dagaal baaxad leh oo ka dhaca Bariga Dhexe.

ISHA-AN.

Previous
Previous

SHIRKADAHA KA HAWLGALA CIRAAQ OO DHIMAY SHAQAALAHOODA.

Next
Next

TAHRIIBAYAAL SOOMAALI IYO ITOOBIYAAN AH OO SOO GAARAY YEMAN.