SHIRKADAHA KA HAWLGALA CIRAAQ OO DHIMAY SHAQAALAHOODA.

(SAWIRKA)SHIDAALKA CIRAAQ.

(BAGHDAD)-Shirkadda Shidaalka ee hawlgasha Basra kuna taalo Koonfurta dalka Ciraaq ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in tiro Shirkado shisheeye ah oo ka hawlgala goobaha shidaalka ey si ku meel gaar ah u daad gureeyeen qaar ka mid ah shaqaalahoodii Ajaanibta ahaa, iyada oo laga cabsi qabo iney cawaaqib xumo ka dhalan karto xiisadda gobolka ee hadda sii xumaatay. Shirkadda ayaa bayaan ey soo saartay ku xaqiijisay in howlaha wax soo saarka eysan saameyn ku yeelan doonin waayo gebi ahaanba waxaa maamulaan shaqaale Ciraaqi ah. Waxay tiri "Shirkadda BP, ee Ingiriiska ah ee ka shaqaynaysay garoonka Rumayla, waxay si ku-meel-gaar ah u rartay qaar ka mid ah shaqaalaheeda Ajnabiga ah, halka shirkadda Talyaaniga ee ENI ey hoos u dhigtay tirada shaqaalaheeda mid ka mid ah xarumaha 260-shaqaale ilaa 98- shaqaale, iyada oo sii waday hawlaheeda iyada oo la kaashanaysa dhinaca Ciraaq." Waxay intaa ku dartay, "Shirkadaha Shiinaha ee ka hawlgala Galbeedka Qurna 1, Seybaa, iyo Fayxa ma eysan bixin mid ka mid ah shaqaalahooda, hawlgallada halkaasna si caadi ah ayey u socdaan." Sida laga soo xigtay shirkadda Ciraaq, wax daad-gureynta ah lagama diwaangelin garoonka Luuk Uweyl ee Ruushka, halka shirkadda Faransiiska ee Total ey daad guraysay boqolkiiba 60 shaqaalaheeda, iyada oo aan taasi saameyn ku yeelan wax soo saarka. Daad-gureyntan ayaa ku soo beegantay iyadoo ey cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka, gaar ahaan ka dib markii Maraykanku uu duqaymo ku bartilmaameedsaday goobo ku yaalla gudaha Iran, taasoo hakad gelisay isu socodkii maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz, isla markaana ku qasbay laba markab oo waa-weyn oo saliid ah iney beddelaan jihada, kana fogaadaan ciriidhiga. Ciraaq waxa ey ku xisaabtamaysaa beeraheeda koonfureed, gaar ahaan Basra, si ey u gaarto yoolkeeda ah in la kordhiyo wax soo saarka saliidda oo la gaarsiiyo 6 milyan oo fuusto maalintii marka la gaadho 2027, waxaa u dheer in la balaariyo wax soo saarka Gaaska Dabiiciga ah si loo gaaro isku finaansho.

XIGASHO-ANADOLU.

Next
Next

HOGAAMIYEYAASHA URDUN IYO CUMAAN OO KA WADA HADLAY…