LUBNAAN OO QABATAY SARKAAL SARE OO DAACISH AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Ciidamada Lubnaan ayaa Talaadadada maanta ah ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen Hogaamiyihii Kooxda Daacish ee dalka Lubnaan, iyagoo xusay inuu ku howlanaa qorsheynta howlgallada amniga wax loogu dhimaayo. Ciidanka ayaa bayaan ey soo saareen ku yiri, “Ka dib howlgalo isdaba joog ah oo dhanka amniga iyo dabagalka ah, ayaa Hogaanka Nabadsugida waxa ey gacanta ku dhigeen muwaadin (R.F) lagu naaneyso ‘Qasura’, kaasoo ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan Ururka Argagixisada ah ee Daacish/ISIS. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in gacanta lagu dhigay "Hub tiro badan iyo rasaas, marka lagu daro qalabka Elegtarooniga ah iyo qalabka lagu sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" ee uu gacanta ku hayey. Sida laga soo xigtay ciidanka, Qasoura waxa uu la wareegay hogaanka ISIS ee Lubnaan "Ka dib markii la xiray hoggaamiyihii ka horeeyay, muwaadin (M.K.), oo ey kooxdu u magacawday 'Wali Lubnaan' laguna naaneeso 'Abu Saceed AL-Shami', oo ey la socdaan tiro badan oo hoggaamiyeyaal ah" bishii Diseembar. Ku dhawaaqistan ayaa timid laba maalmood ka dib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kaniisad ku taal Suuriya oo ey ku dhinteen 25 qof. Mas’uuliyiinta ayaa weerarkan ku macneeyay iney ka danbeeyeen kooxda Daacish, halka koox aan aad loo aqoon oo lagu magacaabo Saraya Ansar AL-Sunna ey sheegatay mas’uuliyadda weerarka Talaadadada maanta ah. Daacish iyo kooxaha kale ayaa dhowr jeer dagaalo kala duwan la galay ciidamada Lubnaan labaatankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo duqeymo xiriir ah lala beegsaday Ururka Xisbullah iyo goobaha ey ku xoogan yihiin. Laakin ururka ayaa militeri ahaan looga adkaaday, iyadoo ey weheliyaan kooxaha xulafada la ah sannadkii 2017-kii.
XIGASHO-AA.