(SYRIA):ISMIIDAAMIYE GACANTA LAGU SOO DHIGAY.

(SAWIRKA)-ISMIIDAMIYE LA QABTAY.

(SYRIA)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa shaaca ka qaaday sheegtayne tafaasiil cusub oo ku saabsan dadkii ka dambeeyay Qaraxii Kaniisadda Maar Ilyaas ee Axadii la soo dhaafay gilgilay magaalada Dimishiq oo ey ku dhinteen 25 qof."WAXAY KA YIMAADEEN XERADDA AL-HAWL IYAGOO SOO MARAY CIDLADA" Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Nuuradiin AL-Baba, ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ragga weerarka geystay ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl, iyagoo sii maray saxaraha.m Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray, in ciidamada ammaanku ey weerar ku qaadeen goobo ey Daacish ku dhuumaaleysanayeen oo ey ku jireen hub iyo bakhaaro qaraxyo ah, kuwaasoo qaarkood la doonayay in lagu qarxiyo gudaha caasimadda. Waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah shaqsiyaadkii ku lug lahaa Qaraxii Kaniisada Maar Ilyaa la dhex-dhigay, isla markaana la qabtay nin isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu isku qarxiyo Xaramka Sayyada Saynab ee ku yaalla baadiyaha Dimishiq, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Syrian Arab News Agency (SANA). Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay mooto ey ku xirn yihiin bambooyin oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado dad rayid ah oo ku shirayay magaalada Dimishiq. Waxa uu sidoo kale sharaxay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in qofka uu si rasmi ah xiriir ula leeyahay kooxda Daacish uuna hogaamiyo Mohammed Abdul-Ilah AL-Jumayli (Abu Imad AL-Jumayli) oo lagu naaneyso “Gudoomiyaha lamadegaanka” oo degan AL-Xajar AL-Aswad. Wuxuu daaha ka qaaday in labada ruux ee is qarxiyay ee fuliyay qaraxii Kaniisada aysan ahayn Suuriyaan, wuxuuna sheegay iney ka yimaadeen Xerada AL-Hawl oo saxaraha ka yimid iyagoo kaashanaya AL-Jumayli, iyagoo ka faa’ideysanaya habacsanaan dhanka ammaanka ah ka dib markii la xoreeyay. Ruuxa isku miidaamiyey Kaniisadda ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in goobta lagu weeraray, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad sababay in mid ka mid ah qolalka la dhex dhigo, mid kalena uu ku dhaawacmo.

"ANSAAR AL SUNNA" WAA URUR KHAYAALI AH.

Dhanka kale, qirashada is-miidaamiyaha la qabtay ayaa horseeday in la soo xiro AL-Jumayli, waxaa la galay afar goobood oo dheeraad ah, lagana qabtay walxaha qarxa, iyo in la fashiliyo qorshe cusub oo la doonayay in lagu qarxiyo. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo bandhigtay sawirkii ugu horeeyay ee mid ka mid ah raggii is-qarxiyay, iyadoo sheegtay iney ahaayeen laba qof oo is-qarxiyay: mid ka mid ah ayaa fuliyay qaraxii Kaniisadda, midka labaadna waxaa la qabtay isagoo u socday inuu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo macbadka Sayidka Saynab ee baadiyaha Dimishiq. Baadariga ayaa sidoo kale sheegay in ururka la magac baxay "Ansar AL-Sunna" oo bayaan uu soo saaray uu ku sheegtay mas'uuliyadda weerarka uu yahay urur been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo caddeeyay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ey fuliyeen Daacish.

"ARGAGIXISADU MA HELI DOONTO MEEL EY GADAABSATO."

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xaqiijisay iney sii wadayaan baacsiga cid kasta oo wax u dhimeysa ammaanka Suuriya, iyadoo xustay in faah faahin dheeri ah ey ka bixin doonaan baaritaanada marka ey soo dhamaadaan. Waxay xustay in "Suuriya ey ahaan doonto oo ey ahaan doonto dhul dulqaad iyo nabad...Argagixisaduna ma heli doonto meel ey sal dhigato," sida lagu sheegay War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweynaha Suuriya ayaa ballan qaaday in kuwii ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kaniisadda Maar Ilyaas ey heli doonaan "ciqaab cadaalad ah," isagoo ugu baaqay dadka Suuriya iney "Is garab istaagaan oo ey u midoobaan" ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka, maalin ka dib weerarka ayaa loo aaneynayaa xubin ka tirsan Daacish. Kaniisadda Maar Ilyaas waxay ku taal agagaarka dhowr Kaniisadood oo ku yaal xaafadda Doweyla, halkaasoo dadka deggan badankood ey yihiin Masiixiyiin. Waa qaraxii ugu horeeyay ee lala beegsado goobaha cibaadada Islaamka iyo Masiixiyiinta tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii Desembar.

XIGASHO-AA.

Next
Next

LUBNAAN OO QABATAY SARKAAL SARE OO DAACISH AH.