SHIRKADA DIYAARADAHA INGIRIISKA OO JOOJISAY DUULIMAADYADDA…

(SAWIRKA)-SHIRKADA DIYAARADAHA INGIRIISKA.

(LONDON)-Shirkadda Diyaaradaha dalka Ingiriiska ee British Airways ayaa joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay magaalooyinka Dubai ee Imaaraatka Carabta iyo Dooxa ee Dalka Qadar, waxaana taasi ey keentay inuu hakad ku yimaado isu socodkii hawada ee gacanka Persia ka dib markii Mareykanka uu duqeeyay saddex goobood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla dalka Iran, taasoo keentay in Tehran ey wacad ku martay iney ka aargoosan doonto. Shirkadda duulimaadyada ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa hakisay duulimaadyo dhowr ah oo ey ku tagi jirtay Dubai, waxaana ey u weecisay labo diyaaradood oo ku wajahnaa imaaraatka xilli habeen ah, sida lagu sheegay xogta laga helayo Flightradar24. Hal diyaarad ayaa ka duushay garoonka Heathrow fiidnimadii Sabtida, waxaana loo weeciyay Zurich ka dib markii ey timid hawada Sacuudiga subaxnimadii hore ee Axadda, sida laga soo xigtay goobta la socodka duulimaadka. Diyaarad kale oo ku sii jeeday Dubai ayaa ku laabatay Heathrow ka dib markii ey gaartay Masar, sida laga soo xigtay Bloomberg, warbixin ey aragtay AL-Carabiya Business. Shirkadda ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay caasimadda Qatar ee Dooxa Axaddii, waxayna joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay dalka Baxrayn ilaa dhammaadka bishan sababo la xiriira xayiraad dhanka shaqada iyo hawada ah. Dhowr diyaaradood oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa hakiyay duulimaadyadii ey ku tagi jireen Imaaraadka iyo Qatar todobaadkii hore ka dib markii Israa’iil ey billowday duqeymo ey ka geysaneyso Iiraan. Shirkada Diyaaradaha ee British Airways ayaa ku dhawaaqday iney wax ka beddeshay jadwalkeeda duulimaadka dhacdooyinkii u dambeeyay si loo hubiyo badbaadada macaamiisha iyo shaqaalaha diyaaradda. Tallaabooyinkani waxay muujinayaan welwelka sii kordhaya oo qayb ka mid ah Bariga Dhexe oo inta badan loo arko iney badbaado tahay oo laga ilaaliyo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ey Axaddii la beegsadeen saddexda goobood ee Nukliyeerka ah ee Iran, wuxuuna ku hanjabay weeraro kale haddii Tehran aysan is dhiibin, isagoo Mareykanka si toos ah u soo jiitay dagaalka dalkaas uu kula jiro Israa'iil inkastoo uu muddo dheer ballanqaaday inuu ka fogaanayo dagaallo cusub. Iran ayaa ku hanjabtay iney weerari doonto saldhigyada Mareykanka ee gacanka Carabta, haddii Washington ey soo farageliso oo ey xirto marin biyoodka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga saliidda oo ey xad wadaagaan Imaaraadka iyo Cumaan. Qatar ayaa martigelineysa saldhigga ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay gobolka, halka Bahrain ey martigelineyso guutada shanaad ee ciidamada badda Mareykanka. Bahrain ayaa sheegtay Axadii iney u hawlgelinayso shaqo fog 70% dhammaan Wasaaradaha iyo Waaxaha dawladda iyadoo la eegayo horumarka Gobolka Bariga Dhexe.

ISHA-AA.

Previous
Previous

QAAR KA MID AH WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY DAGAALKA IRAAN IYO ISA’IIL.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANJABAAD ADAG U DIRAY MARAYKANKA.