XUUTIYIINTA YEMAN OO HANJABAAD ADAG U DIRAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-MAHDI AL-MASHAADH.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Mahdi AL-Mashaadh, oo ah Madaxa kooxda Xuutiyiinta waxa loogu yeero Golaha Sare ee Siyaasadda, ayaa ku hanjabay iney ka jawaabi doonaan faragelin kasta oo uu Maraykanku ku bartilmaameedsado Iran, isaga oo carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ey wajihi doonto wax uu ku tilmaamay “Gardarada ka dhanka ah Iran” si kasta oo sharciga waafaqsan. Bayaanno ey faafiyeen warbaahinta kooxdan fiidnimadii Sabtida oo uu dib u eegis ku sameeysay Warbaahinta maxaliga ah ee Yeman, AL-Mashaadh waxa uu sheegay in Xuutiyiintu ey ka shaqayn doonaan sidii ey uga hortegi lahaayeen cid kasta oo ka qaybqaadanaysa weerarka Iran, isaga oo xusay in "Qof kasta oo ku lug leh ama ka qaybqaata gardarada Israa'iil ey waajib ku tahay iney bixiso qiimaha go'aankooda." Waxa uu intaa ku daray in ka qayb galka Maraykanka ee hawlgal kasta oo militeri oo ka garab socda Israa’iil “eysan waxba ka beddeli doonin marka laga reebo in ey sii hurinayso Washington,” isaga oo ku nuuxnuuxsaday in waxa uu ku tilmaamay “Dabka uu gaari doono waddan kasta” haddii aanay qof kasta u dhaqaaqin sidii uu u joojin lahaa waxa uu u arkay “Qorshaha xadgudubka” oo ey wadaan quwadaha waa-weyn. AL-Mashaadh waxa uu carabka ku adkeeyay in mawqifka kooxdiisa ee ku aadan Iran uu yahay mid adag, waxa uuna intaa ku daray: “Waan ka hortagi doonaa, kana hortagi doonaa fal kasta oo cadowtinimo ah oo lagu beegsanayo Iran, waa mowqif aan horay u shaacinay. Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday galabnimadii sabtida, bayaan rasmi ah oo uu soo saaray afhayeenkooda milatariga, Yahya Sareec , kaasoo uu dib u eegis ku sameeysay warbaahinta maxaliga ah, sida ey diyaarka ugu yihiin iney beegsadaan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan Badda Cas, haddii Maraykanku uu ka qayb qaato weerar kasta oo militari oo ey israa'iil ku qaado Iran. Sareec waxa uu sheegay in “Yemen aysan ka istaagi doonin” weerar kasta oo Mareykanka iyo Israa’iil ey la beegsanayaan Iran, isagoo ku nuux-nuux saday in ciidamadooda ey la socdaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee gobolka, ayna qaadi doonaan tillaabooyinka sharciga ah ee lagu difaacayo Qaranka,” waa sida uu hadalka u dhigaye.
ISHA-AL-MASHHAD.