URURKA JAAMICADA CARABTA OO BAYAAN KA SOO..
(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(ISTANBUL)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyey duqeymaha ey Israa’iil ku hayso Iran Jimcihii, waxayna ku boorisay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka hadda galay maalintiisii 9-aad. Waxay ku booriyeen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago iney sii xumaato oo laga shaqeeyo sidii xabbad-joojin buuxda loo heli lahaa. Wasiirada arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku shiray magaalada Istanbul si ey uga wada hadlaan horumarada la xiriira colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan weeraradii Israa’iil ey ku qaaday Iran oo bilowday 13-kii Juun. War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee la soo saaray shirka deg degga ah ka dib ayaa lagu sheegay in weerarka Israa’iil uu ka dhigan yahay “Xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah Madax-bannaanida dal xubin ka ah Qaramada Midoobay iyo khatar ku ah Nabadda iyo Ammaanka Gobolka.” Waxay ku boorisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iney si deg deg ah wax uga qabtaan oo ey u qaataan mas'uuliyadahooda si loo joojiyo dagaalka, iyadoo ka digtay in haddii taas la sameeyo kari waayo ey gobolka gelin karto xasillooni darri qoto dheer. Wasiirada ayaa ku baaqay in dib loogu laabto wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, waxa ayna taageero u muujiyeen dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu dhimayo xiisada. Bayaanku waxa uu la xiriiriyay colaaddii u dambaysay oo ey Israa’iil ka waday Marinka Qaza, oo ey ku dalbanaysay in la joojiyo hawlgallada milatari ee Israa’iil, gargaar bini’aadannimo oo deg deg ah oo joogto ah iyo in la joojiyo falalka sharci-darrada ah ee Israa’iil ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto. Wasiirada ayaa ka digay in hab-dhaqanka Israa’iil uu gobolka ku soo dhawaynayo colaad ballaaran. Waxay dib u xaqiijiyeen iney taageerayaan Hindisaha Nabadda Carabta ee 2002 si loo aqoonsado Israa’iil si loogu beddelo dawlad Falastiin oo Madax-bannaan oo ku taal Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza. Waxa ey sidoo kale ku baaqeen in la sameeyo dadaallo hor leh oo lagu gaarayo xalka labada dowladood. Waxay ku baaqday "in la cambaareeyo cid kasta oo ku xadgudubta hawada dalalka gobolka, lagana fogaado in la beegsado Xarumaha Nukliyeerka ee hoos yimaada ilaalinta Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah." Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen " Sida ey lagama maarmaanka ugu tahay dhammaan dalalka gobolka si ey ugu biiraan heshiiska ka hortagga hubka Nukliyeerka."
ISHA-ANADOLU.