INA ADEERKA BASHAAR AL-ASAD OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-WASEEM ASAD.
(SYRIA)-Iyadoo baacsiga dadka ku lugta leh dambiyada ka dhanka ah Suuriya ey sii socdaan tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii hore ee uu madaxda ka ahaa Bashaar AL-asad , ayaa maamulka Suuriya waxa ey xireen Wassim AL-Assad. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ey soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay inEy xabsiga dhigtay wiil uu adeer u yahay Bashaar AL-Asad oo ku sugnaa deegaanka Talkalakh ee ku yaalla xadka Suuriya iyo Lubnaan.
HAWLGAL AMNI OO AAD LOO ADKEEYEY:
Waxa kale oo ey xustay in xarigaasi uu qayb ka ahaa hawlgalo ammaan oo aad loo adkeeyey, kaasoo Ciidanka Sirdoonka Guud oo kaashanaya hay’adaha ey khusayso ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ey ku guulaysteen iney soo qbtaan Asad. Maxbuuska ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee ka Ganacsada Daroogada Suuriya ee firfircoon intii uu socday dagaalka oo uu ku lug lahaa dambiyo dhowr ah oo hoos yimaada nidaamkii hore. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku nuuxnuuxsatay iney si weyn uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada iyo in la helo cadaalad. Dad badan oo Suuriyaan ah ayaa baraha bulshada ku soo dhaweeyay xariga, iyagoo la wadaagay muuqaalo hore oo Asad uu ugu faanayay qaxootiga ka soo cararay dalka si ey uga baxsadaan dhibaateynta maamulkii hore. Tan iyo bishii Disembar ee la soo dhaafay, mas'uuliyiinta cusub ee dalka ayaa billaabay baaritaanno ballaaran oo dalka oo dhan ah si ey u soo qabtaan wax ey ku tilmaameen "Haraadiga" ku lug lahaanshiyaha dambiyada ka dhanka ah rayidka muddada ku dhow 14-ka sano ee colaadda. Dhanka kale, Guddiga Sare ee Nabadeynta iyo Cadaaladda oo loo sameeyay iney la xisaabtamaan dadka ku lugta leh, isla markaana ey dacwadahooda u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka, ayaa soo uruuriyay cadeymo badan oo ku saabsan Saraakiisha, Askarta iyo dadka kale ee la xiray, iyadoo la sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo aan wax dembi ah lagu helin.
ISHA-AA.