FANAANAD CAAN KA AH DALKA KUWEYT OO LAGU QABTAY…

(SAWIRKA)-SHAJUN AL-SHAAHIRI.

(KUWAIT)-Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ey shaaca ka qaaday in laanta Amniga Dembiyadda oo ey wakiil ka tahay Waaxda Guud ee la dagaalanka Maandooriyaha ey gacanta ku dhigtay Gabar Mawaadin ah oo heysata waxyaabaha Maanka dooriya iyo waxyaabaha dhimirka la xiriira kuwaaso ujeedadoodu tahay isticmaalka Maandooriyaha. Qabashada Gabadhaan Kuweytiyada ah ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ey socdaan dadaallo lagu sugaayo amniga isla markaasne lagula dagaalmaayo Maandooriyaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kuweyt ayaa sheegtay in xariga gabadha uu qeyb ka yahay baaritaano xiriir ah ey Waaxdaasi ku sameysay gabadha. Tuhmanaha ayaa la tuhmay ka dib markii la helay macluumaad muujinaaya iney haysay waxyaabaha Maanka Doorinaayo iyo walxaha dhimirka wax u dhima. Sidaa awgeed iyo iyadoo la raacayo habraacyadda sharciga ah ee la dejiyey, gabadha ayaa la xiray markii lagu helay iyadoo haysata tiro Xashiish ah,Kookayiin,iyo walxo dhimirka waxyeleeyo. Tallaabooyinka waafaqsan sharciga ayaa laga qaaday gabadha waxaane loo gudbiyey hayadaha awooda u leh. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kuweyt waxay cadeysay in ololaha la dagaalanka Maandooriyaha uu si buuxdo u socdo,iyadoo laga duulaayo hab dhaqanka adag ee dhinaca amaanka ah oo looga gol leeyahay dabagalka cid kasta oo wax u dhimi karta amniga bulshada ee ka hortegaayo waxyaabaha Maanka Dooriya. Wasaaraddu waxay ugu baaqday in cid kasta ey la shaqeyso hayadaha amaanka isla markaasne ey soo sheegaan xog kasta oo qeyb ka qaadaneysa Ilaalinta Qaranka iyo Ilaalinta Amaankiisa. Gabadhaan lagu qabtay Maandooriyaha ayaa ah Fanaanad caan ka ah dalka Kuweyt waxaane lagu magacaabaa Shajuun AL-Haajiri,in kastoo Wasaaradda eysan xusin magaca gabadha lagu qabtay Maandooriyaha.

ISHA-ALQABS.

Next
Next

QAXOOTIGA SURIYA OO DIB UGU SOO LAABTAY DALKOODA.