Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO BILILIQEYSTAY URURKA SAVE THE CHILDREN.

(SAWIRKA)-URURKA SAVE THE CHILDREN.

(YEMAN)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in hanti lagu qiyaasay 4-Milyan oo dollar oo ey lahayd Hay’adda “Save the Children” ee ku sugan deegaanada ey ka taliyaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta,ayaa la soo sheegayaa iney gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, sida ey ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbaahinta Maxaliga ah. Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa la wareegay dhammaan hantidii ey lahayd Hay’adda “Save the Children” ee ku taalla deegaannada ey maamulaan, ka dib markii Ururka uu ku dhawaaqay in la xiray Xafiisyadii ey ku lahaayeen magaalada Sanca iyo dhowr Gobol oo kale bishii Meey ee lasoo dhaafay. Ilo-wareedyo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee AL-Masdar Online ayaa ku micneeyay in agabka lagala wareegay Save The Children ey isugu jireen qalab iyo hanti uu lahaa Xafiiska dalka ee Sanca, iyo sidoo kale laamo ku yaalla Gobollada Amran, Xajah, Sacdah, AL-Xudeydah, iyo Ibb.  Hantida la qabtay ayaa isugu jirtay Baabuur, Matooro, Kombuyuutar, iyo sidoo kale Dawooyin iyo agab Xafiiseed, waxaana lagu qiimeeyay ku dhawaad ​​4-Milyan oo doolar. Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in horjoogayaasha saameynta ku leh Xuutiyiinta ey si toos ah u kormeereen howlgalada lagu qaaday xarunta Ururkaasi iyo qalabkii lagala wareegay oo ey ka mid yihiin hantidii ey lahaayeen dadkii lahaa guryaha kirada ah, sida Albaabka Birta ah, Caqabadaha amaanka iyo Tirarka Iftiinka, iyadoo ey sii dheer tahay isbadalo kale oo uu Ururku ku sameeyay dhismayaashaasi mudadii uu xilka hayey. Hay’adda “Save the Children” ayaa ku dhawaaqday in ey joojisay hawlihii ey ka waday deegaannada ey Xuutiyiinta ka taliso ka hor dhammaadka bishan Meey, iyada oo meesha ka saartay Qandaraasyadii ku dhawaad ​​400 oo shaqaale ah, sida uu mid ka mid ah shaqaalaha u sheegay warbaahinta AL-Masdar Online. Talaabadan ayaa loo arkay iney jawaab u tahay xayiraadaha sii kordhaya ee kooxda ey ku soo rogeen Hay’adaha samafalka. Shaqaaluhu waxa uu daaha ka qaaday falkii qayru-masuulnimo ee xubnaha saamaynta leh ee kooxda Xuutiyiinta bishii hore, ka dib markii ey weerareen Xafiisyada Ururka oo ey la wareegeen dhammaan Hantidii Ururka. Shaqaale hore ayaa sheegay in tallaabooyinkani ey si weyn u saameyn doonaan shaqaalihii hore iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale bulshooyinka deegaanka ee ku tiirsanaa adeegyada ururka. Waxa uu xusay in Horay sanadkii 2018-kii Maleeshiyada Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Xarunta Ururka ee Magaalada Dhamar oo ey la socdeen xubno daacad u ah Hogaamiyaasha Xuutiyiinta, isla markaana ey bililiqeysteen dhamaan agabkii iyo agabkii Xafiiska. Inta badan hay’adaha ayaa marar badan ku eedeeyey maleeshiyada Xuutiyiinta iney ku xad-gudbeen xoriyadda shaqada bini’aadantinimo iyaga oo xayiraad ku soo rogay howlgallada, xariga shaqaalaha, qaarna jir dil loo geysto. Waxay caddeeyeen in malleeshiyada maamulkeedu ey soo rogaan siyaasado ka hor imanaya hawlaha rayidka iyo kuwa bini'aadantinimo, kuwaasoo la rabo iney noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo madaxbannaan. Waxay ku andacoonayaan in malleeshiyada maamulkeedu aysan ka waaban xarig iyo jirdil ey u geystaan ​​shaqaalaha qaar, su’aalo la weydiiyo, kuwo kalena la baaro mararka qaarkood, lana geliyo ilaalo adag. Kooxda ayaa horay u xiray Dr. Tawfiiq AL-Mikhlafi, oo ah Madaxa Deeqaha Waxbarashada ee Ururka, bishii Janaayo 2024. Waxa uu weli u xiran yahay Adeegga Nabadsugida iyo Sirdoonka oo lagu eedeeyay "Basaasiin" iyo dhowr shaqaale oo kale oo ka tirsan Hay'adaha Caalamiga ah ee Sanca. Dhacdo kale oo dhacday bishii Sebtembar 2023, ayey Xuutiyiintu ka afduubteen Hisham AL-Hakimi, oo ah sarkaalka u qaabilsanaa ammaanka iyo xiriirka dowladda ee Hay'adda, isagoo laga afduubtay waddo Sanca ah, waxayna ka qaateen qalabkii elegtarooniga ahaa. Muddo ku dhow laba bilood oo uu xabsiga ku jiray, ayaa waxaa qoyskiisa lagu wargeliyay inuu ku dhintay xabsiga, iyadoo aan loo ogolayn iney arkaan meydkiisa ama baaritaan madax bannaan lagu sameeyo. Hay’adda Save the Children ayaa dhaqdhaqaaqeeda ka wadda goobaha ey ka taliso dowladda sharciga ah, iyadoo go’aanka xiritaanka deegaannada Xuutiyiinta ey ku soo beegantay iyadoo Mareykanka uu kooxdan u aqoonsaday Urur Argagixiso horraantii sannadkan. Save the Children ayaa Yemen ka shaqaynaysay in ka badan lixdan sano waxayna door muhiim ah ka qaadatay bixinta gargaarka bini'aadantinimo iyo adeegyada muhiimka ah ee caruurta dalka oo dhan.

ISHA-AL-MASDAR ONLINE/YEMAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA MASAR OO XIRTAY AJAANIB KA GANACSANEYAY DAROOGADA.

(SAWIRKA)-CALANKA MASAR.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Xukuumadda Masar ey xabsiga u taxaabtay afar nin oo ajaanib ah kuwaaso si bareer ah u iibinaayey Maandooriyaha gaar ahaan kan loo yaqaano ”CRYSTAL METH” kuna iibinaayey wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Qaahira. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa maanta oo Sabti ah shaaca ka qaaday arrimaha ku xeeran muuqaal si weyn loogu faafiyey baraha bulshada kaaso muujinaayey afar qofood oo ku hawlan ka ganacsiga Maandooriyaha. Wasaaradda ayaa intaas raacisay in la ogaaday afarta qof ey heystaan dhalashooyin aan la shaacin,waxa eyna iibinaayeen Maandooriye gudaha Waaxda Booliska ee magaaladda Nasr ee dhacda bariga caasimadda Qaahira,Isla markiiba waa la aqoonsaday waane la xiray. Warku waxa uu intaas ku darayaa in eedeysanayashu ey degan yihiin magaaladda Nasr,waxaane lagu qabtay tiro darooga ah oo nuuceedu yahay ICE iyo lacag kaash ah. Waxa ey qirteen iney wateen Daroogo ey ka ganacsanaayeen. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ey Xukuumadda Masar xirtay koox ka kooban ilaa sideed qofood kuwaaso tahriibinaayey agab loo isticmaalo soo saaridda Daroogada CRYSTAL METH. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilligaas shaacisay iney gacanta ku dhigtay koox burcad ah oo ka kooban ilaa sagaal xubnood oo ey ku jiraan sideed qof oo Ajaanib ah,kuwaaso ku lug lahaa fal dembiyeed ah soo saaridda walxo firfircoon oo kaniini caafimaad ah oo laga sameeyo darooada ICE si ey dalka uga tahriibiyaan. Hayadaha Amaank waxa ey sii wadi doonaan hawlagalkooda lagula dagaalamaayo Ganacsatada Daroogada CRYSTAL METH iyadoo 2.3-tan oo Darooga ah lagu qabtay 56-hawlgal oo heer sare ah sannadkii 2022-kii,halka hal tan lagu qabtay 35-hawlgal oo heer sare ah sannadkii 2023-kii.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(LIIBIYA): MAGAALA XEEBEEDKA SABRAATA OO DAGAAL KA DHACY.

(SAWIRKA)-RW-C/XAMIID.

(TRIPOLI)-Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah kuna sugan Sabraata ee Galbeedka dalka Liibiya ayaa sheegaayo in sagaal qof ey dhinteen 18-kalane ey dhaawacmeed ka dib markii uu dhacay iska horimaad rabshado wata kaaso labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaaladda. Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii laba kooxoood oo hubeysan ey isku dheceen,waxaane halkaasi ka dhashay qalalaase iyo amni darro. Jawaabtii ugu horeysay ee rasmiga ahayd ayaa ka timid Reysal Wasaaraha Xukuumadda Midnimo Qaran C/xamiid Debeybeh,waxa uuna maanta oo Sabti ah amray Ciidamadda mileteriga ee Gobolka Xeebta Galbeed inuu bilaabo baaritaan deg deg ah oo dhammaystiran kuna saabsan xaaladihii iska horimaadyadda. Reysal Wasaare Debaybah waxaa kaloo uu tilmaamay in amaro la soo saaray Jimcihii shalay lagu faragelinaayo si deg deg ah si loo xalliyo colaada loona sugo amniga magaaladda loona ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah,sidoo kale waxa uu cadeeyey in dawladda dhexe eysan ogolaan doonin cid ama koox kasta iney khalkhal geliso amaanka iyo xasiloonida dalka Liibiya,isagoo carabka ku adkeeyey in sharciga lagu dhaqmi doono iyadoo aan la kala reebin dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrimahaan. Goobjoogayaal ku suga Sabraata ayaa soo sheegay in magaaladda ey saakay deganeed iyadoo dib loo furay wadada xeebta taaso xirneed habeen hore waayo waxaa halkaas ku mudaaharaadayey dad ka caraysan xaaladda Amaanka ee sii xumaaneysa. Ilo wareedyadda ayaa xaqiijiyey in dhawr ciidan oo isugu jira Nabad Sugid oo ey ka mid yihiin Hayadda Taakuleynta Agaasinka iyo Nabad Gelyadda ey xalay isaga bexeen fariisimihii ey ku lahaayeen magaaladda ka dib markii ey dheceen dibadbaxo baahsan oo shacbigu kaga soo horjeedaan qalalaasaha amni ee ku soo beegmay maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Tiro dhallinyaro reer Sabraata ah ayaa xiray wadad xeebta iyo wadooyinka kale ee soo gala magaaladda iyagoo ka cabanaayo rabshadaha sii kordhaayo, waxa eyna dalbadeen in xasilooni lagu soo cleiyo magaalada lana joojiyo hubka lagu dhex heysto wadooyinka magaaladda Sabrata.

ISHA-WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDANKA AMAANKA LUBNAAN OO BURBURIYEY 500-GOOBOOD.

(SAWIRKA)-K/LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayocaasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amaanka ee dalkaasi iney burburiyeen in ka badan 500-Goobood oo Ciidan iyo Bakhaaro hub ah oo ku yiilay Koonfurta Wabiga AL-Liidhaani. Reysal Wasaaraha Lubnaan Nawaaf Salaam,ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyey in ciidanku ey burburiyeen in ka badan 500-Xarumood oo hub ah iyo bakhaaradii ku yiil aaga Koonfureed ee Wabiga AL-Liidhaani tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Ururka Xizbullahi iyo Isra’iil dhammaadkii bishii Noofeembar 2024-kii. RW-Nawaaf Salaam ayaa yiri”Ciidanka Lubnaan waxa ey sii wedi doonaan iney balaariyaan hawlgalkooda ilaa hadda,waxa ey burburiyeen in ka badan 500-Goobo ciidan iyo bakhaaro ku yaalo Koonfurta Wabiga AL-Liidhaani”sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-presse. ‘KU CADAADINTA ISRA’IIL INEY KA BAXDO’:

RW-Nawaaf Salaam ayaa hadalkiisa ku daray oo yiri aan cadeey,”Ma gaari karno Amni iyo Xasillooni ilaa inta Xadgudubyada maalinlaha ah ee Isra’iil ey sii socdaan,qeybo ka mid ah dhulkeyna ey weli heystaan,maxaabiisteyna aan la sii deyn”. “SHAN GOOBOOD OO ISTARAATIIJI AH”: Degaanka AL-Liidhaani ayaa loo arkaa inuu yahay dhul ey aad ugu xoogan yihiin Ururka Xizbullahi,waxaane iska horimaad socday muddo sannada ah uu la galay Isra’iil,waxaane lagu afjaray heshiis xabad joojin ah kaaso dhigaayo in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo hubka Ururka Xzibullahi,heshiiska ayaa sidoo kale dhigaayoin Isra’iil ka baxdo dhammaan goobihii ey soo gashay intii uu socday iska horimaadka ka dhashay dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Si kastaba ha ahaatee,Isra’iil waxay sii haysata shan goobood oo muhiim u ah dhinaca Istaraatiijiyadda,Lubnaan waxa dalbaynsaa iney Isra’iil ka baxdo”. Tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Isra’iil iyo Ururka Xizbullahi,Isra’iil waxa ey sii wadaa duqeymihii ey ku qaadeysay dhawr gobol oo Lubnaan ah,iyagoo sheegay iney beegsanayaan kaabayaasha iyo hogaamiyeyaasha Xizbullahi.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMNIGA SACUUDIGA OO QABTAY XUJAAY AAN HAYSAN FASAX.

(SAWIRKA)-XUJAAYDA OO TAGAN BANKA CARAFA.

(RIYAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegayo in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga G/Sare.Dhalaal ALshalhuub uu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Amaanka ee Xajka ey soo xireen ku dhawaad 397-qof oo Xujaay la daabulayey si ka baxsan sharciga Xajka ama fududeeyey qaadistooda. Afhayeenka ayaa xusay in gudiyadda maamulka ee xilliyadda ey soo saareen ku dhawaad 357-go’aano maamul. G/sare.ALshalhuub ayaa intaas raaciyey mar uu shir jara’id ku qabtay Xarunta mideysan ee Hawlgelinta Xajka,in Ciidamadda Amaanka Xajka ey ka shaqeynayaan fududeynta isu socodka Xujaaydasi waafaqsan Hayadaha saxda ah,iyagoo hubinaayo Amaankooda iyo adeegyadooda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay iney adeegsaneyso Teknoolojiyadda ugu dambeysay si loo hubiyo badqabka Xujaayda,iyadoo ku boorisay Xujaayda iney u hogaamsanaan tilmaamaha oo ey raacaan tilmaamaha la siiyey. Hadalka afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xafiiska Amniga Qaranka Sacuudiga uu sheegayin Indhahooda ey hayaan Xujaayda,kuwa xadgudubyada geystana ey gacantooda ku soo qabanayaan. Hayaddaha Amaanka Sacuudiga ayaa waxaa ka go’an iney ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta goobaha muhiimka ah ee Xajka. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee gurmadka deg dega ah ey qaadi doonaan hawlgalo lagu xaqiijinaayo badqabka Xujaayda,loogana hortegaayo dadka ku soo xadgudba goobaha barakeysan iyadoon fasax u heysan. Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli ey shir jara’id oo gaar ah qabteen Madaxda Amniga Xajka oo eyna kaga hadleen Qorshayaasha Amniga iyo abaabulka sannadkan-1446-da.

ISHA-KSA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA AMAANKA OO GO’AAN KA GAARAYO XAALADA GAZA.

(SAWIRKA)-CALANKA UN-KA

(GAZA)-Wararka laga helaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in Golaha Amaanka uu maanta u codeynaayo Qaraar Xabad joojin Joogta ah in laga sameeyo Marinka Gaza. Golaha ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaca ah cod u qaado Qaraar qabyo ah oo ku baaqaya “Xabad Joojin deg deg ah,shuruud la’aan ah,oo waarta kana dhacda Marinka Gaza,oo ey ixtiraamaan dhammaan dhinacyada”. Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Maraykanka ey u badan tahay inuu diido isticmaalana diidmada Qeyaxan ee Vito. Qaraarkan oo ey soo diyaariyeen tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha kuwaaso xilka haya muddo laba sano ah,waxa uu Qaraarku ku celinayaa dalabkooda ah in la sii daayo dhammaan Maxaabiista u xiran Xamaas iyo kooxaha kale ka dib markii uu dhacay weeraarkii lama filaanka ahaa ee dhacay 7/10/2023-kii kana dhacay koonfur6a Isra’iil. Qaraarka Qabyada ah wuxuu qeexayaa xaaladda bani’adanimo ee Marinka Gaza mid “Musiiba ah” wuxuun sidoo kale ku baaqayaa “in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga qaado dhammaan xanibaadaha gelitaanka gargaarka bani’adanimo ee Marinka Gaza iyo hubinta qeybaha badbaadada aan xadidneyn iyo baahsanaanta oo ey ku jiraan Qaramada Midoobeiyo la hawlgalayaasha bani’adanimada”. Codbixinta oo la qorsheeyey in la qabto gelinka dambe ee Arbacada maanta ah ayaa ku soo beegantay iyadoo maalin kasta ey dheceyso tooogashooyin u eg kuwa maalimla ah ka dib markii la sameeyey goobo gaar ah oo lagu qeybiyo gargaarka oo ku yaalo aaga mileteriga Isra’iil iyadoo taageero ka heleysa Maraykanka iyo Isra’iil, nidaamkan oo ey labada dhinac sheegeen inuu yahay mid loogu talagalay in lagu hareer maro awooda Xamaas. Laakinse Qaramada Midoobe ayaa diiday nidaamkan cusub,iyadoo sheegtay inuusan wax ka qaban dhibaatada Gaajada ee ka sii daraysa ee Marinka Gaza,wuxuuna Isra’iil fursad ah iney kaalmada u isticmaasho sida hubka,waane mid aan waafaqsaneyn madaadi’ida bani’adanimo ee dhexdhexaadnimada,eex la’aanta iyo madax banaanida. Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale ku baaqaya in dib loo soo celiyo dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee bani’adanimo iyadoo la raacayo mabaadi’idaas shaciga caalamiga ah ee bani’adanimada iyo Qaraark Golaha Amaanka. Diblomaasiyiin fara badan oo ka socdo Qaramada Midoobe kana kala socdo wadamo kala gedisan ayaa sheegay iney filayaan in Maraykanku uu diido Qaraarkan.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAROONKA DIYAARADAHA TEL AVIV OO LA XIRAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-GENTAALKA XUUTIYIINTA KU RIDEEN ISRA’IL.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo caasimada Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in afhayeenka Ciidamadda Isra’iil Afikhay Adrici ayaa sheegay in gentaal laga soo tuuray dalka Yeman la qabtay taaso keentay digniino ka soo baxay meelaha gaar. Wakiil Wareedyada Tv-yada Carabta ayaa soo sheegay in Xuutiyiintu ey gentaal ku tuureen Isra’iil balse difaaca cirka ee Isra’iil ee loo yaqaano Arrow uu qabtay,iyagoo soo sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Tel Aviv la xiray ka dib markii laga war helay in Xuutiyiintu ey soo tuureen Gentaal,waxaa la soo sheegayaa in firirka Gentaalka burburay laga maqlay bartamaha Isra’iil. Malintii khamiista ee la soo dhaafay,Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay iney qabteen gentaal laga soo tuuray dalka Yeman,ka dib markii firirka hawada laga maqlay bartamaha Isra’iil iyo qaraxyo laga maqlay hawada magaaladda Qudus. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza, ka dib markii Xamaas ey weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Isra’iil 7/10/2023-kii, kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa tobanaan gentaalo ku weeraray Isra’iil iyo Maraakiibta mareysay Badda Cas,iyagoo ku andacooday iney xiriir la leeyihiin Isra’iil,waxa eyna Xuutiiyiintu ballan ku qaadeen ineysan joojin doonin weerarada ey ku hayaan Isra’iil ilaa Isra’iil ey ka qaado Go’odoominta Marina Gaza. Dhinaca kale,Isra’iil ayaa qaaday dhawr weerar oo duqeymo dhinaca hawada waxa eyna la beegsatay goobaha ey Xuutiyiinta gudaha dalka Yeman.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LUBNAAN OO SOO XIRTAY JAAJUUS ISRA’IIL U SHAQEYNAAYEY.

(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka ka imaanaayo Koonfurta dalka Lubnaan ayaa sheegaayo in magaaladda Xaaruuf oo ka tirsan degmada Nabatiyah ey saacadihii la soo dhaafay ka taagnaayeen rabshado ka dib markii ciidamadda Amaanka ey xireen wiil dhallinyara ah oo lagu magacaabo Maxamud Ayuub kaaso lagu sheegay amaba lagu tuhmay inuu la shaqeynaayo Sirdoonka Isra’iil, waxaane shaaca laga qaaday in maxbuuska uu ka tirsan yahay Ururka Xizbullahi gaar ahaan qeybta maamulka dhaqaalaha ee Isbitaalka Raagib AL-Xarbi. Xogta ey heleen Warbaahinadda Carabta ayaa sheegeyso in xarigiisu uu buuq ka abuuray degaanka uu ku dhashay ee Xaaruuf,taasi oo keentay in tiro dad ah oo ka mid ah dadka degaanka ey aadaan Isbitaalka bacdamaa Ayuub aad u yaqaan dhammaan magacyada bukaanadda Ururka Xizbullahi iyo qoysaskooda soo galay Isbitaalka,Ayuub waxa uu hayaa dhammaan tafaasiisha ku saabsan hawlihii Isbitaalka ee dhawrkii sano,iyadoo xogtu ey sheegeyso in Maxbuuska(Ayuub)uu ka shaqeeyey in xogta shaqsiyaadkaas loo gudbiyey sirdoonka Isra’iil. Xogtu waxaa kale oo ey tilmaantay in laga yaabo in Ayuub uu ka dhex shaqeeyey shabakad ku dhawaad gaareyso ilaa 700-xubnood oo Xizbullahi ah kana hawlgala Xaaruuf taaso u adeegta keydka Ururka Xizbullahi ee degmada Nabatiyah. Waxaa xusid mudan in Ayuub lagu xiray Nabatiyah qeybta Warfaafinta ee ciidamada Amniga Gdaha,iyadoo la kaashaneysa laamha Amniga ee Ururka Xizbullahi. Xarigaan ayaa imaanaya ku dhawaad seddex todobaad ka dib markii la xiray Maxamed Saalax,oo ah Heesaa diimeed kuna dhaw Ururka Xizbullahi laguna eedeeyey inuu la shaqeynaayey sirdoonka Isra’iil.

SIAH-WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYA IYO KUWEYT OO KA WADA HADLAAYO…

(SAWIRKA)-AL-SHARAC IYO AMIIRKA KUWEYT MASHCAL.

(KUWAIT)-Amiirka Kuwait Sheikh Meshcal AL-Axmad AL-Jabir AL-Sabaax iyo Madaxweynaha Suuriya Axmad AL-Sharac oo booqasho ku jooga Kuwayt, ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa, loogana horumarin lahaa dhinac walba, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Kuwait ee KUNA. Intii lagu guda jiray kulanka rasmiga ah ee wadahadalka, labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya iyo baahida loo qabo in kor loo qaado dadaalka beesha caalamka ee lagu xaqiijinayo ammaankeeda iyo xasilloonida iyo ilaalinta Madax-bannaanideeda iyo Wadajirkeeda dhuleed. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo danta guud ah, sidii loo taageeri lahaa ficilka mideysan ee Carabta, iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka. AL-Sharac ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kuwait, waana safarkii toddobaad ee uu ku tago dalalka Carabta tan iyo markii uu xilka qabtay, sida lagu sheegay website-keeda Wakaaladda Wararka Kuwait ee KUNA. Wakaaladdu waxay sheegtay in AL-Sharac iyo wafdi uu hoggaaminayo ey dalka ku yimaadeen booqasho rasmi ah subaxnimadii Axada, iyadoo intaas ku dartay in AL-Sharac uu wada-hadallo rasmi ah la yeelan doono Amiirka dalkaas, Meshcal AL-Axmad AL-Jabir AL-Sabaax, inta uu booqashada ku jiro, kaasoo aan la sheegin muddada uu qaadan doono. Dhankeeda, Wakaaladda Wararka Carabta ee Suuriya (SANA) ayaa sheegtay in booqashadu ey ku timid "qaabka lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo isuduwidda laba geesoodka ah ee Suuriya iyo Kuwayt." Booqashadan ayaa direysa fariin ah “in laga wadahadlo sidii ey isaga kaashan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee siyaasadda iyo dhaqaalaha, si loo fuliyo danaha labada shacab ee walaalaha ah, korna loo qaado waxqabadka wadajirka ah ee Carabta,” sida ey sheegtay SANA. Booqashadan la filayo ayaa ah tii ugu horeysay ee AL-Sharac uu ku tago Kuwayt tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo ey sii kordhayso furfurnaanta Carabta ee dhinaca Dimishiq, ka dib sannado badan oo ey ka soo horjeedeen mawqifyada dawladaha Carabta ee ku wajahan nidaamka Suuriya ee la afgambiyey. Kuwayt waa safarkii toddobaad ee Carab uu Sharac booqdo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waana socdaalkiisii ​​sagaalaad ee caalami ah. Bilihii la soo dhaafay, waxa uu booqday Qatar, Turkey, Saudi Arabia, Masar, Jordan, iyo UAE, iyo sidoo kale Faransiiska iyo Baxrayn, taasoo qayb ka ah olole diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo nooleeyo maqaamka gobolka iyo caalamka ee Suuriya ka dib markii uu dalku galay xaalad ku meel gaar ah. Booqashooyinkan ayaa ku soo beegmaya qiyaastii lix bilood ka dib markii uu burburay nidaamka Bashaar AL-Asad, kaas oo burburay December 8, 2024, ka dib hawlgal milatari oo ey bilaabeen kooxaha mucaaradka Suuriya oo wata magaca "Deterrence of Gardarrada", kaas oo horseeday burburka militariga iyo amniga ee taliska.

ISHA-AJ.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO MAALGASHANAYO SUURIYA.

(SAWIRKA)-WASIIR AL-SHEYBAANI.

(SYRIA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Suriya Asad AL-sheybaani ayaa sheegay in iskaashiga maagashiga ee Boqortooyada Sacuudiga ey fursad shaqo u abuuri doonto dadka Suuriyiinta ah taaso muujineysa in taageerda Sacuudiga ey ku soo beegantay xilli ey dadka Suriya aad ugu baahan yihiin. Wasiir AL-sheybaani ayaa intaas raaciyey oo yiri”Suriya waxay hadda si gaar ah diiradda u saareysaa xoojinta dhallinyarada aragtideynana waa mid aan la wadaagnay Sacuudiga, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan wafdiga Sacuudiga,waxaan u mahadcelineynaa dalka Boqortooyada Sacuudiga hogaankiisa iyo hayadaihiisa taageerada ey siiyeen shacabka Suriya”. Wuxuu sidoo kale amaanay taageerada Sacuudiga ee cunaqabteynta laga qaaday dalka Suriya. Wasiir AL-sheybaani ayaa xaqiijiyey in dalkiisu uu gelaayo marxalad adag oo iskaashi ah oo uu la yeelanaayo dalka Sacuudiga,isagoo dhinaca kale xusay in dawladu ey bilawday iney ka faa’iideysato qaadista cunaqabateynta iyadoo u adeegeysa mawaadiniinta Suriya. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa booqasho ku tegay caasimadda Dimishiq ee dalka Suriya isagoo ey wehliyaan wafdi heer sare ah oo dhanka dhaqaalaha ah,sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Sacuudiga.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO KA HORTAGTAY SHABAKAD ABAABULAN.

(SAWIRKA)-DALKA CIRAAQ.

(IRAQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Sirdoonka dalkaasi uu sheegay in la qabtay lana xiray shabakad dembiileyaal ah oo isku dayday iney fuliyaan dilal Qorsheysan. Hayadda Sirdoonka Ciraaq ayaa xaqiijisay iney ka hortagtay shabakad qorsheyneysay fulinta dilal Qorsheysan iyo khalkhal gelinta amniga guud ee dalka Ciraaq. Bayaan ka soo baxay adeega Sirdoonka dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in “Agaasinka Sirdoonka Qaranka oo kaashanaayo Garsoorka dalka Ciraaq uu awooday inuu fuliyo hawlgal ka hortag ah kaaso sababay in la soo xiro shabakad dembiilayaal ah oo isku dayday iney fuliso dilal iyo khalkhal gelinta ammaanka guud ee dalka Ciraaq. Tani waxay ku salaysan tahay xogta sirta ah ee saxda ah iyo baaritaanada gudaha ee la xiriira isku day dil oo lala beegsaday geber Saxafiyada ah bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, iyadoo taaso loo maraayo shabakad dembiilayaal ah kuna sugan gudaha dalka Ciraaq isla markaasne ku xiran dibadda. Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyey ka dib markii la helay ansixinta Garsoorka oo la aqoonsaday goobaha xubnahooda uga sugan yihiin gudaha dalka Ciraaq, waxaane la weeraray goobihii ey ku sugnaayeen, waxaane lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan oo isku hal waqti laga sameeyey in ka badan hal goob. dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada Carabta ee la daalaa dhacaayo amni darrida baahsan waayo waxaa ka jiro kooxo fara badan oo wada hubeysan eyna ka mid yihiin AL-Qaacida iyo Daacish,waxaa kaloo iyagana jiro kooxo diimeed hubeysan iskana soo horjeeda balse ey ka dhexeyso Xukuumadda Ciraaq.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA OO KA BAAQDAY SAFARKII..

(SAWIRKA)-GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.

(AMMAN)-Wararka ka imaanayo caaimadda Boqortooyada Urdun ee Camaan ayaa sheegaayo in guddiga wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka u qaabilsan Gaza ey qorsheynaayey iney booqdaan Ramallah berri oo Axad ah,guddiga ayaa ku dhawaaqay dib u dhigista booqashadooda sababo la xiriira is-hortaag ey Isra’iil ku sameysay howshooda iyadoo diiday wafdiga iney galaan hawada Daanta Galbeed ee la haysto, oo ey maamusho Isra’iil, sida lagu sheegay bayaan ey daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun. Wefdiga Wasiirrada Carabta ah, oo qorsheynayay iney booqdaan daanta galbeed Axadda, ayaa dhalleeceeyay diidmada Israa’iil ee gelitaanka Raamallah, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in tallaabadani “Ey ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah waajibaadka Israa’iil oo ah awoodda la wareegaysa,” sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun. Sidoo kale, bayaan ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in wafdigan oo caawa fiidkii gaaray magaalada Camaan, ey si wadajir ah u xaqiijiyeen go’aanka Israa’iil ee ah iney ka hortagto wafdiga iney booqdaan Ramallah oo ey la kulmaan Madaxweyne Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Falastiin iyo mas’uuliyiinta Falastiin, waxa ey ka dhigan tahay xadgudub cad oo ka dhan ah waajibaadka Israa’iil oo ah awoodda la wareegaysa, iyo tixgelinta sharciga caalamiga ah ee Israa’iil. Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in wafdigan ey ka kooban yihiin xubno ka tirsan guddiga heer Wasiir ee loo xilsaaray shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka si ey ula socdaan dagaalka ka socda Marinka Gaza. Waxa ey intaa ku dartay in "guddigu ey go'aansadeen in dib loo dhigo booqashadii Ramallah iyada oo la eegayo is-hortaagga Israa'iil ee ku aaddan iney soo gudbiso wefdigii ey u diidday iney soo galaan hawada Daanta Galbeed ee la haysto, oo ey Israa'iil maamusho." Bayaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha guddigu ey iman doonaan Camaan fiidnimada Sabtida maanta ah "si ey u qabtaan shir isku-dubarid" ka hor booqashada la qorsheeyay ee Ramallah "ka Camaan" Axada. Warku wuxuu intaa ku daray in Israa'iil ey sii wado "tallaabooyinka iyo siyaasadaha aan sharciga ahayn oo ey ku go'doomiyaan dadka walaalaha ah ee Falastiiniyiinta iyo hoggaankooda sharciga ah, siina wadista gumeysiga, taas oo wiiqaysa fursadaha lagu gaari karo nabad cadaalad ah oo dhammaystiran.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO MARTIGELINEYSA SHIR KU SAABSAN LIIBIYA.

(SAWIRKA)-DHISMAHA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MASAR.

(CAIRO)-Masar ayaa martigelin doonta Sabtida maanta ah kulan heerkiisu sareeyo oo gaarsiisan ilaa heer Wasiir ah oo ujeeddadiisu tahay dib u soo nooleynta dadaallada siyaasadeed ee lagu xasilinayo dalka Liibiya, iyadoo ey ka qeyb galayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamadda Tunisiya, Aljeeriya iyo Masar, iyo sidoo kale howlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Liibiya (UNSMIL). Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Masar ah, kulanka ayaa qayb ka ah habka saddex geesoodka ah ee dib loo hawlgeliyay ee u dhexeeya dalalka dariska ah dalka Liibiya, oo loogu talagalay in la isku xiro mawqifyada iyo wax ka qabashada walaacyada Amniga iyo Siyaasadda ee la wadaago. Wasiirada la filayo iney ka qeybgalaan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelcadhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisiya Maxamed Cali Nafti, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya Axmed Attaf. UNSMIL ayaa sidoo kale ku matali doonta kulanka. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa siyaabaha dib loogu soo celin karo hannaankii siyaasadeed ee loo dhan yahay taasoo horseedaysa doorashooyin madaxtinimo iyo baarlamaan, xaqiijinta madaxbannaanida Liibiya, iyo fududeynta ka bixitaanka dagaalyahannada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirradu ey sidoo kale xaqiijin doonaan diidmadooda faragelinta dibadda ee Arrimaha Gudaha Liibiya waxayna ku baaqi doonaan taageero caalami ah oo midaysan oo la siiyo Hay'adaha Qaranka Liibiya ee hoos yimaada Qaramada Midoobay. Dalka Liibiya ayaa ka mid ah wadamadda ey ka jiraan fargelin dibadeed oo kaga imaaneysa wadamo dalkaasi ka leh dano iyaga u gaar ah sida Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo taageero Jineraalka hawlgabka ah ee fadhigiisu yahay Bariga Liibiya ee Gen.Xaftar, waxaa iyadan door ku leh arrimaha dalka Liibiya dawladda Turkiga oo taageerta Dawladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo Reysal Wasaare C/xamid Debeibah fadhigeeduna yahay caasimadda Tripoli.

ISHA-WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIDAALKA LIIBIYA OO LA ISKU HEYSTO,YAA SABABAY?

(SAWIRKA)-GOOBAHA SHIDAALKA DALKA LIIBIYA.

(TRIPLOI)-Saddex tuhmane ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay iney xoog ku galeen Xarunta Shirkadda Saliidda ee dawladda Liibiya ee ku taalla magaalada Tripoli, sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Jimcaha maanta ah, maalin ka dib markii ey dawladda ey isku hayaan ee bariga ku hanjabtay iney ku dhawaaqi doonto xoog majere oo ka dhan ah goobaha saliidda iyo dekedaha sababo la xiriira weeraro lagu soo qaaday shirkadda. Shirkadda Shidaalka Qaranka waxa ey ku taal Tripoli oo ey gacanta ku hayso Dawladda Midnimada Qaran ee caalamku aqoonsan yahay. Dowladda barbar socota ee Benghazi ee bariga ayaan ahayn mid caalami ah oo la aqoonsan yahay, laakiin inta badan goobaha saliidda ee dalka ugu weyn ee laga soo saaro saliidda ayaa hoos taga hogaamiyaha militariga ee bariga Liibiya Khalifa Haftar. NOC waxay hore u beenisay in xarunta shirkadeeda la weeraray, waxayna ku tilmaantay "gebi ahaanba been abuur" waxayna soo xigatay ku simaha madaxa oo ey ku tilmaantay "wax aan dhaafsiisnayn khilaaf shakhsi ah oo xaddidan oo ka dhacay goobta soo dhaweynta." Laakiin dawladda fadhigeedu yahay bari ayaa ku hanjabtay iney sidoo kale si ku meel gaar ah u rari doonto xarunta GOS “magaalooyin nabdoon” sida Ras Lanuf iyo Brega, oo labaduba ey maamusho. "Xeer ilaalinta guud waxay dib u eegis ku samaysay caddaymaha weerarka lagu qaaday xarunta Shirkadda, waxay kormeereen goobta, waxayna dib u eegeen muuqaalka ahaa ee la duubay markii uu shilku dhacay, waxayna maqleen marqaatiyadii dadkii joogay," ayuu Xeer ilaaliyaha guud ku yiri hadal uu soo saaray. Saddexda tuhmane ayaa waxaa soo wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo laga codsaday “in la soo qabto kuwa ku haray gacan ka geysta dhacdada,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud. Wax soo saarka qaranka ee saliida cayriin ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa gaaray 1,389,055 fuusto maalintii, NOC ayaa sheegtay Arbacadii, taasoo ka tarjumaysa heerar caadi ah. Wax soo saarka saliida Liibiya ayaa si isdaba joog ah u hakaday tobankii sano ee fowdada ahaa tan iyo 2014 markaas oo dalku u kala qaybiyay laba maamul oo isku haya bariga iyo galbeedka ka dib kacdoonkii NATO ey taageerto ee xukunka lagaga tuuray Mucamar Qadaafi 2011. Dalka Libiya ayaa ka mid ah wadamada Carbeed ey qaska Siyaasadeed ka wado dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta,waxaane Libiya la mid ah dalalka Suudaan, Yaman iyo Soomaaliya. Ma jirto dawaldo Carbeed ama Islaam ah oo ka hadlaayo dhibaatada ey Imaaraatka ku heyso dalalka Xubnaha ka ah Ururada Jaamicadda Carabta iyo kan Islaamka,waxa eyna burbur Siyaasadeed,dhaqaale iyo mid ciidanba ku heysaa dallaka aan soo xusay.

ISHA-AN.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA ILAALADA XEEBAHA EE ISKU DHAFKA AH AYAA QABTAY…

(SAWIRKA)-DAROOGO LA QABTAY.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yean ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamada isku dhafka ah ee badaha (CMF) ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen shixnad Daroogo ah oo lagu qiyaasay iney ka badan 36 Milyan oo Doolar intii lagu guda jiray hawlgal amni oo ka dhacay badda Carabta ee koonfurta Yemen. Ciidamada ayaa bayaan ey soo saareen Khamiista ah ku sheegay in Markabka Royal Navy ee Ingiriiska HMS Lancaster, oo ey taageerayaan New Zealand Task Force 150 (CTF 150), ey qabteen 22-kii bishaan Meey Markab laga shakiyay, waxayna gudaha Markabka ka heleen (1,666) Kiilogaram oo Maandooriye ah, oo ey ku jiraan (1,000) Kiilogaram oo Heroin ah, (660) Kiilogaram oo Ampheta (Cirbada Xididka laga qaato) ah oo Xashiish. Kooxda Lancaster ayaa markabkan u adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, ka hor inta eysan kooxda baaritaanku soo qaadin oo ey heleen baakado badan oo ey ku jiraan Daroogo, kuwaasoo markii dambe laga saaray, la baaray, lagana qaatay. Taliyaha ciidamada badda Chris Chiu, oo ah sarkaalka hogaaminaya markabka, ayaa hawlgalka ku tilmaamay "guul kale oo ka tarjumaysa ka go'naanta iyo kartida shaqaalaha markabka si ey u taageeraan hawlgallada Task Force 150's." Taliyaha ciidamada badda ee New Zealand Roger Ward, oo ah taliyaha ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalku uu "dhabar weyn u yahay Ururada dambiilayaasha iyo Argagixisada ee ku tiirsan ka ganacsiga Daroogada si ey u maalgeliyaan hawlahooda." Task Force 150 waa mid ka mid ah shanta ciidan ee isku dhafka ah ee ciidamada badda ee loo xilsaaray la dagaallanka hubka iyo mukhaadaraadka ee biyaha ku fidsan Gacanka Cumaan ilaa Badweynta Hindiya, taas oo qayb ka ah iskaashiga badda ee ugu weyn adduunka oo ka kooban 46-wadan.

ISHA-Q28.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARTAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA BI GURIO.

(QUDUS)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay iney qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen Khamiista maanta ah ka dib markii fiidnimadii duullaanka cirka laga maqlay bartamaha dalkaas, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalada Qudus. "Ka dib markii la maqlay seeriga wax yar ka hor dhowr meelood oo Israa'iil ah, gantaal laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay," ayaa lagu yiri bayaan ey ciidamadu soo saareen. Waxay ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii militariga Israa’iil ey sheegeen iney ka hortageen gantaal iyo gantaal kale oo laga soo tuuray Yemen, kaasoo ey Xuutiyiinta taageerto Iran ey sheegeen iney rideen. Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah u duqeeyay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza qarxay bishii October 2023 ka dib weerarkii Xamaas ee Israa’iil. Maleeshiyada Yemen, oo sheegay iney si wadajir ah ula dhaqmayaan falastiiniyiinta, ayaa hakiyay weeraradooda intii lagu guda jiray xabbad-joojintii Gaza oo socotay laba bilood oo dhammaatay bishii March, balse waxay mar kale billaabatay kaddib markii Israa'iil ey dib u billowday ololaheeda millatari ee ey ka waddo dhulkaas. In kasta oo inta badan gantaallada la qabtay, hal gantaal oo ey kooxdu ridday horraantii bishii May ayaa markii ugu horeysay ku dhacay xayndaabka garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv. Israa’iil ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay dalka Yemen, iyadoo aargoosi u ah weerarada Xuutiyiinta, oo ey ku jiraan dekedaha iyo garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO GENTAAL KU DISHAY NIN KA TIRSAN URURKA XIZBULLAHI.

(SAWIRKA)-MOOTO GENTAAL LALA BEEGSADAY.

(BEIRUT)-Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn ey Israa’iil ka geysatay koonfurta dalkaas uu ku dhintay hal nin maant oo Khamiisa, iyadoo Israa’iil ey sheegtay iney ku dishay xubin ka tirsan Ururka Xisbullah oo ey Iiraan taageerto. Weerarka ayaa yimid inkastoo xabad joojin ey wada gaareen Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Lubnaan. Wasaaraddu waxa ey sheegtay in “Cadowga Israa’iil uu weerar ku qaaday meel kayn ah oo ku taal Nabatiyah AL-Fowqa, halkaas oo uu ku dilay hal nin.Ciidamada Israel ayaa sheegay iney ku xayireen "Argagixiso Xisbullah" koonfurta Lubnaan, iyaga oo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayay dib u soo celinta goob loo isticmaalo in lagu maareeyo "dabka iyo difaaca kooxda". Wakaaladda wararka qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ninkan uu ahaa “shaqaale dawladda hoose” oo ceelasha ku dayactiri jiray markii mootada lagu dhuftay. Israa'iil ayaa sii wadda duqeymaha ey ku hayso Lubnaan inkastoo xabbad joojintii bishii November ey doonaysay iney hakiso in ka badan sannad colaaddii ey kula jirtay Xisbullah, oo ey ku jiraan laba bilood oo dagaal furan. Sida ku cad heshiiska, kaliya ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay iyo ciidamada Lubnaan ayaa loogu talagalay inay ka hawlgalaan koonfurta, inkastoo Israa'iil ay sii joogto shan meelood oo ey u aragto iney istiraatiiji ah. Lubnaan ayaa beesha caalamka ku boorisay iney Israa’iil ku cadaadiyaan iney joojiyaan weerarrada ey wadaan oo ey ciidamadooda kala baxaan.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO MAANTA WEERARTAY GAROONKA DIYAARADAHA EE SANCA.

(SAWIRKA)-GAROONKA SANCA YEMAN.

(SANA’A)-Ka dib markii ey Israa’iil duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yemen ee Sanca , waxaa soo baxay muuqaallo muujinaya "Diyaaradii ugu dambeeysay" oo goobta ku gubanaysa, sida ey Israa'iil sharaxday. Iyadoo holac iyo qiiq madow uu ka kacay Garoonka Diyaaradaha. Dhanka kale, Shirkadda Diyaaradaha ee Yemen ayaa ku dhawaaqday iney si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii garoonka illaa amar dambe, iyadoo xustay in tani ey daba socoto weerar ey Israa’iil ku qaadday mid ka mid ah diyaaradaheeda rayidka ah. War-saxaafadeed ey Wasaaraddu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku tiri, “Diyaaradda waxa si toos ah loo beegsaday daqiiqado ka hor inta aaney xujaydu raacin, taasoo qayb ka ah duullimaad kooxeed loo qorsheeyey, taasoo ka heshay dhammaan rukhsadaha loo baahan yahay ee degista, hawl-galka iyo duulista ee dhammaan hay’adaha ey khusayso. Arrintan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ey maanta afar weerar oo xagga cirka ah ku qaadday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yaman ee Sanca, maalin ka dib markii ey Xuuthiyiinta weerartay gantaallada, taasoo qayb ka ah weerarrada isdaba jooga ah ee Israa’iil.

"Diyaaraddii u dambaysay"

Intaa ka hor, Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa ku dhawaaqay in ciidamada cirka ee Israa’iil ey “duqeeyeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyaga oo burburiyey diyaaradii ugu dambaysay ee weli la isticmaalo”. Waxa uu intaa ku daray, "Dekedaha Yemen waxaa sii jiri doona burbur xooggan, garoonka diyaaradaha ee Sancana si isdaba joog ah ayuu u burburi doonaa, sidoo kale waxaa burburay kaabayaasha kale ee istiraatiijiga ah ee gobolka oo ey isticmaalaan Xuutiyiinta iyo taageerayaashooda." Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in dalkiisa "uu ku shaqeyn doono qaab mabda'a fudud: qof kasta oo waxyeello noo geysta waa la gaarsiin doonaa waxyeello ka badan, iyo ciddii taas ku ogaan weydo xoog, wuxuu ku sameyn doonaa awood weyn." Waxa uu sidoo kale qabtay Iran, oo uu ku tilmaamay "xoogga ugu weyn ee iyaga ka dambeeya," iney mas'uul ka tahay gardarada ka imanaysa Yemen. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey horey duqeymo xooggan ku qaadday garoonka intii u dhaxeysay 6-dii ilaa 7-dii bishan May, halkaas oo diyaaradda Yemeni ey duullimaadyo kooban ku tagto magaalada Cammaan oo ah halka ey ku wajahan tahay, iyadoo ey u sii dheertahay iney hesho duullimaadyo bini’aadannimo oo ey maamusho Qaramada Midoobay. Xuuthiyiinta ayaa xilligaas ku dhawaaqay in garoonku “gebi ahaanba burburay”, waxayna ku qiyaaseen in khasaaraha uu gaarayo ku dhawaad ​​500 oo milyan oo doolar. Laakiin toban maalmood ka hor, Hay'adda Guud ee Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee Sanca ayaa ku dhawaaqday "in dib loo bilaabayo duullimaadyadii la qorsheeyay ee ka imanayay garoonka caalamiga ah ee Sanca, ka dib markii ey dhammaatay hawlihii dib u soo celinta diyaargarowga farsamada iyo hawlgalka." Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza, Xuutiyiinta ayaa tobanaan weerar oo gantaallo ah ku qaaday Israa’iil iyo maraakiibta ku sugan badda cas, iyagoo caddeeyay iney xiriir la leeyihiin Israa’iil. Tallaabadan ayaa qayb ka ah taageerada ey u hayaan Xamaas iyo Gaza. Dhanka kale, qiyaastii laba toddobaad ka hor, Israa’iil waxay ku hanjabtay iney beegsan doonto hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, ka dib markii ey duqeysay laba ka mid ah dekadahooda. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xuutiyiinta ayaa sii kordhisay hanjabaadooda waxayna ku dhawaaqeen "bilaabida shaqada ey ku doonayaan iney ku soo rogaan xayiraad dhanka badda ah" dekedda Haifa ee Israel, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sii jeeda xarunta iney hadda ku jiraan liiska bartilmaameedka.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADA IMAARAATKA OO U YEERTAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABAB?

(SAWIRKA)-ASKARTA ISRA’IIL IYO SHACABKA FALASTIIN.

(DUBAI)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay Safiirka Israa’iil Arbacada maanta ah si ey uga mudaaharaadaan waxa ey ugu yeertay “Xadgudubyada ceebta iyo weerarka ah” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku sugan barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo Islamic Quarter. Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay wax ey ku tilmaantay dhaqamo aan loo meel dayin, waxayna ku tilmaantay iney yihiin daandaansi ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah xurmada ey leedahay magaalada Barakeysan. Waxay ka digtay in weerarada soo noqnoqda ee xagjiriinta Israa'iil, oo ey weheliyaan hurinta nacaybka iyo rabshadaha, ey ka dhigan yihiin olole nidaamsan oo khatar ku ah ma aha oo keliya Falastiiniyiinta laakiin Xasilloonida Gobolka iyo caalamiga ah. Imaaraadku waxa uu ku booriyay dawladda Israa’iil iney si buuxda u qaadato mas’uuliyadda ficillada saraakiisheeda iyo dadka la degay, la xisaabtanka dembiilayaasha ey ku jiraan Wasiirrada iyo ka hortagga ka faa’iidaysiga Qudus si loo horumariyo ajandayaasha rabshadaha iyo xagjirnimada. Waxay ka digtay in ku guul darradu ey u arki doonto iney tahay ogolaansho deg-deg ah, oo hurinaysa nacayb iyo xasillooni darro. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay taageerada ey Jordan ku hayso goobaha barakeysan ee Islaamka ee magaalada Quddus, waxaana lagu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo maamulka Awqaafta Qudus. Imaaraadku wuxuu ku celceliyay iney diiddan yihiin dhaqamo kasta oo ka hor imanaya qawaaniinta caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo ilaaliyo goobaha diinta, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ey leedahay in la ilaaliyo maqaamka magaalada iyo calaamadda nabad ku wada noolaanshaha.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO DILAY XUBIN XIZBULLAHI AH.

(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Diyaadaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Isra’iil ey maanta oo Talaada ah ey weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen magaaladda Yaadhir oo ka tirsan Binti Jubeyl ee Koonfurta Lubnaan,weerarka ayaa sababay dhimashada xubin ka tirsan Ururka Xizbullah ka dib markii lala beegsaday gentaal Mooto Fekon ah oo uu saarnay,Mootada la beegsaday ayaa mareysay duleedka Yaadhir. Arbacadii la soo dhaafay,Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay iney dileen Hogaamiyihii Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan Xuseen Nazih ka dib markii uu weerar ka dhacay Suur ee dhacda K/Lubnaan.Wakaaladda Wararka dalka Lubnaan ayaa sheegtay “Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Isra’iil ayaa beegsaday baabuur maraayey wadada AL-Xoosh Isha Bicaal una dhaw Suur”. Isra’iil ayaa sii wada iney duulaan ku qaado Koonfurta iyo Bariga Lubnaan iyo xaafadaha koonfureed ee caasimadda Beyruut, inkastoo uu jiro heshiiskii xabad joojinta ee bilawday dhaqangelintiisa 27/11/24-kii iyadoo ey ku nuuxnuuxsatay in aaney u ogolaan doonin Ururka Xizbullah dib u dhisto awoodiisa. Iyadoo ciidamada Lubnaan ey sii wadaan hawlgalkooda Koonfurta si ey u fuliyaan heshiiska xabad joojinta, Isra’iil waxay Mileteri ahaan u joogtaa shan goobood oo istaraatiiji ah Koonfurta Lubnaan.

ISHA-AA.

Read More