SACUUDIGA OO MAALGASHANAYO SUURIYA.

(SAWIRKA)-WASIIR AL-SHEYBAANI.

(SYRIA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Suriya Asad AL-sheybaani ayaa sheegay in iskaashiga maagashiga ee Boqortooyada Sacuudiga ey fursad shaqo u abuuri doonto dadka Suuriyiinta ah taaso muujineysa in taageerda Sacuudiga ey ku soo beegantay xilli ey dadka Suriya aad ugu baahan yihiin. Wasiir AL-sheybaani ayaa intaas raaciyey oo yiri”Suriya waxay hadda si gaar ah diiradda u saareysaa xoojinta dhallinyarada aragtideynana waa mid aan la wadaagnay Sacuudiga, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan wafdiga Sacuudiga,waxaan u mahadcelineynaa dalka Boqortooyada Sacuudiga hogaankiisa iyo hayadaihiisa taageerada ey siiyeen shacabka Suriya”. Wuxuu sidoo kale amaanay taageerada Sacuudiga ee cunaqabteynta laga qaaday dalka Suriya. Wasiir AL-sheybaani ayaa xaqiijiyey in dalkiisu uu gelaayo marxalad adag oo iskaashi ah oo uu la yeelanaayo dalka Sacuudiga,isagoo dhinaca kale xusay in dawladu ey bilawday iney ka faa’iideysato qaadista cunaqabateynta iyadoo u adeegeysa mawaadiniinta Suriya. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa booqasho ku tegay caasimadda Dimishiq ee dalka Suriya isagoo ey wehliyaan wafdi heer sare ah oo dhanka dhaqaalaha ah,sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Sacuudiga.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SUURIYA IYO KUWEYT OO KA WADA HADLAAYO…

Next
Next

CIRAAQ OO KA HORTAGTAY SHABAKAD ABAABULAN.