CIRAAQ OO KA HORTAGTAY SHABAKAD ABAABULAN.

(SAWIRKA)-DALKA CIRAAQ.

(IRAQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Sirdoonka dalkaasi uu sheegay in la qabtay lana xiray shabakad dembiileyaal ah oo isku dayday iney fuliyaan dilal Qorsheysan. Hayadda Sirdoonka Ciraaq ayaa xaqiijisay iney ka hortagtay shabakad qorsheyneysay fulinta dilal Qorsheysan iyo khalkhal gelinta amniga guud ee dalka Ciraaq. Bayaan ka soo baxay adeega Sirdoonka dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in “Agaasinka Sirdoonka Qaranka oo kaashanaayo Garsoorka dalka Ciraaq uu awooday inuu fuliyo hawlgal ka hortag ah kaaso sababay in la soo xiro shabakad dembiilayaal ah oo isku dayday iney fuliso dilal iyo khalkhal gelinta ammaanka guud ee dalka Ciraaq. Tani waxay ku salaysan tahay xogta sirta ah ee saxda ah iyo baaritaanada gudaha ee la xiriira isku day dil oo lala beegsaday geber Saxafiyada ah bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, iyadoo taaso loo maraayo shabakad dembiilayaal ah kuna sugan gudaha dalka Ciraaq isla markaasne ku xiran dibadda. Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyey ka dib markii la helay ansixinta Garsoorka oo la aqoonsaday goobaha xubnahooda uga sugan yihiin gudaha dalka Ciraaq, waxaane la weeraray goobihii ey ku sugnaayeen, waxaane lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan oo isku hal waqti laga sameeyey in ka badan hal goob. dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada Carabta ee la daalaa dhacaayo amni darrida baahsan waayo waxaa ka jiro kooxo fara badan oo wada hubeysan eyna ka mid yihiin AL-Qaacida iyo Daacish,waxaa kaloo iyagana jiro kooxo diimeed hubeysan iskana soo horjeeda balse ey ka dhexeyso Xukuumadda Ciraaq.

ISHA-AA.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO MAALGASHANAYO SUURIYA.

Next
Next

GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA OO KA BAAQDAY SAFARKII..