GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA OO KA BAAQDAY SAFARKII..
(SAWIRKA)-GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.
(AMMAN)-Wararka ka imaanayo caaimadda Boqortooyada Urdun ee Camaan ayaa sheegaayo in guddiga wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka u qaabilsan Gaza ey qorsheynaayey iney booqdaan Ramallah berri oo Axad ah,guddiga ayaa ku dhawaaqay dib u dhigista booqashadooda sababo la xiriira is-hortaag ey Isra’iil ku sameysay howshooda iyadoo diiday wafdiga iney galaan hawada Daanta Galbeed ee la haysto, oo ey maamusho Isra’iil, sida lagu sheegay bayaan ey daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun. Wefdiga Wasiirrada Carabta ah, oo qorsheynayay iney booqdaan daanta galbeed Axadda, ayaa dhalleeceeyay diidmada Israa’iil ee gelitaanka Raamallah, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in tallaabadani “Ey ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah waajibaadka Israa’iil oo ah awoodda la wareegaysa,” sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun. Sidoo kale, bayaan ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in wafdigan oo caawa fiidkii gaaray magaalada Camaan, ey si wadajir ah u xaqiijiyeen go’aanka Israa’iil ee ah iney ka hortagto wafdiga iney booqdaan Ramallah oo ey la kulmaan Madaxweyne Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Falastiin iyo mas’uuliyiinta Falastiin, waxa ey ka dhigan tahay xadgudub cad oo ka dhan ah waajibaadka Israa’iil oo ah awoodda la wareegaysa, iyo tixgelinta sharciga caalamiga ah ee Israa’iil. Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in wafdigan ey ka kooban yihiin xubno ka tirsan guddiga heer Wasiir ee loo xilsaaray shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka si ey ula socdaan dagaalka ka socda Marinka Gaza. Waxa ey intaa ku dartay in "guddigu ey go'aansadeen in dib loo dhigo booqashadii Ramallah iyada oo la eegayo is-hortaagga Israa'iil ee ku aaddan iney soo gudbiso wefdigii ey u diidday iney soo galaan hawada Daanta Galbeed ee la haysto, oo ey Israa'iil maamusho." Bayaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha guddigu ey iman doonaan Camaan fiidnimada Sabtida maanta ah "si ey u qabtaan shir isku-dubarid" ka hor booqashada la qorsheeyay ee Ramallah "ka Camaan" Axada. Warku wuxuu intaa ku daray in Israa'iil ey sii wado "tallaabooyinka iyo siyaasadaha aan sharciga ahayn oo ey ku go'doomiyaan dadka walaalaha ah ee Falastiiniyiinta iyo hoggaankooda sharciga ah, siina wadista gumeysiga, taas oo wiiqaysa fursadaha lagu gaari karo nabad cadaalad ah oo dhammaystiran.
ISHA-AA.