MASAR OO MARTIGELINEYSA SHIR KU SAABSAN LIIBIYA.

(SAWIRKA)-DHISMAHA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MASAR.

(CAIRO)-Masar ayaa martigelin doonta Sabtida maanta ah kulan heerkiisu sareeyo oo gaarsiisan ilaa heer Wasiir ah oo ujeeddadiisu tahay dib u soo nooleynta dadaallada siyaasadeed ee lagu xasilinayo dalka Liibiya, iyadoo ey ka qeyb galayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamadda Tunisiya, Aljeeriya iyo Masar, iyo sidoo kale howlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Liibiya (UNSMIL). Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Masar ah, kulanka ayaa qayb ka ah habka saddex geesoodka ah ee dib loo hawlgeliyay ee u dhexeeya dalalka dariska ah dalka Liibiya, oo loogu talagalay in la isku xiro mawqifyada iyo wax ka qabashada walaacyada Amniga iyo Siyaasadda ee la wadaago. Wasiirada la filayo iney ka qeybgalaan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelcadhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisiya Maxamed Cali Nafti, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya Axmed Attaf. UNSMIL ayaa sidoo kale ku matali doonta kulanka. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa siyaabaha dib loogu soo celin karo hannaankii siyaasadeed ee loo dhan yahay taasoo horseedaysa doorashooyin madaxtinimo iyo baarlamaan, xaqiijinta madaxbannaanida Liibiya, iyo fududeynta ka bixitaanka dagaalyahannada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirradu ey sidoo kale xaqiijin doonaan diidmadooda faragelinta dibadda ee Arrimaha Gudaha Liibiya waxayna ku baaqi doonaan taageero caalami ah oo midaysan oo la siiyo Hay'adaha Qaranka Liibiya ee hoos yimaada Qaramada Midoobay. Dalka Liibiya ayaa ka mid ah wadamadda ey ka jiraan fargelin dibadeed oo kaga imaaneysa wadamo dalkaasi ka leh dano iyaga u gaar ah sida Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo taageero Jineraalka hawlgabka ah ee fadhigiisu yahay Bariga Liibiya ee Gen.Xaftar, waxaa iyadan door ku leh arrimaha dalka Liibiya dawladda Turkiga oo taageerta Dawladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo Reysal Wasaare C/xamid Debeibah fadhigeeduna yahay caasimadda Tripoli.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

GUDIGA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA OO KA BAAQDAY SAFARKII..

Next
Next

SHIDAALKA LIIBIYA OO LA ISKU HEYSTO,YAA SABABAY?