DAWLADA IMAARAATKA OO U YEERTAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABAB?
(SAWIRKA)-ASKARTA ISRA’IIL IYO SHACABKA FALASTIIN.
(DUBAI)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay Safiirka Israa’iil Arbacada maanta ah si ey uga mudaaharaadaan waxa ey ugu yeertay “Xadgudubyada ceebta iyo weerarka ah” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku sugan barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo Islamic Quarter. Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay wax ey ku tilmaantay dhaqamo aan loo meel dayin, waxayna ku tilmaantay iney yihiin daandaansi ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah xurmada ey leedahay magaalada Barakeysan. Waxay ka digtay in weerarada soo noqnoqda ee xagjiriinta Israa'iil, oo ey weheliyaan hurinta nacaybka iyo rabshadaha, ey ka dhigan yihiin olole nidaamsan oo khatar ku ah ma aha oo keliya Falastiiniyiinta laakiin Xasilloonida Gobolka iyo caalamiga ah. Imaaraadku waxa uu ku booriyay dawladda Israa’iil iney si buuxda u qaadato mas’uuliyadda ficillada saraakiisheeda iyo dadka la degay, la xisaabtanka dembiilayaasha ey ku jiraan Wasiirrada iyo ka hortagga ka faa’iidaysiga Qudus si loo horumariyo ajandayaasha rabshadaha iyo xagjirnimada. Waxay ka digtay in ku guul darradu ey u arki doonto iney tahay ogolaansho deg-deg ah, oo hurinaysa nacayb iyo xasillooni darro. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay taageerada ey Jordan ku hayso goobaha barakeysan ee Islaamka ee magaalada Quddus, waxaana lagu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo maamulka Awqaafta Qudus. Imaaraadku wuxuu ku celceliyay iney diiddan yihiin dhaqamo kasta oo ka hor imanaya qawaaniinta caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo ilaaliyo goobaha diinta, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ey leedahay in la ilaaliyo maqaamka magaalada iyo calaamadda nabad ku wada noolaanshaha.
ISHA-AN.