ISRA’IIL OO MAANTA WEERARTAY GAROONKA DIYAARADAHA EE SANCA.

(SAWIRKA)-GAROONKA SANCA YEMAN.

(SANA’A)-Ka dib markii ey Israa’iil duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yemen ee Sanca , waxaa soo baxay muuqaallo muujinaya "Diyaaradii ugu dambeeysay" oo goobta ku gubanaysa, sida ey Israa'iil sharaxday. Iyadoo holac iyo qiiq madow uu ka kacay Garoonka Diyaaradaha. Dhanka kale, Shirkadda Diyaaradaha ee Yemen ayaa ku dhawaaqday iney si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii garoonka illaa amar dambe, iyadoo xustay in tani ey daba socoto weerar ey Israa’iil ku qaadday mid ka mid ah diyaaradaheeda rayidka ah. War-saxaafadeed ey Wasaaraddu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku tiri, “Diyaaradda waxa si toos ah loo beegsaday daqiiqado ka hor inta aaney xujaydu raacin, taasoo qayb ka ah duullimaad kooxeed loo qorsheeyey, taasoo ka heshay dhammaan rukhsadaha loo baahan yahay ee degista, hawl-galka iyo duulista ee dhammaan hay’adaha ey khusayso. Arrintan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ey maanta afar weerar oo xagga cirka ah ku qaadday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yaman ee Sanca, maalin ka dib markii ey Xuuthiyiinta weerartay gantaallada, taasoo qayb ka ah weerarrada isdaba jooga ah ee Israa’iil.

"Diyaaraddii u dambaysay"

Intaa ka hor, Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa ku dhawaaqay in ciidamada cirka ee Israa’iil ey “duqeeyeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyaga oo burburiyey diyaaradii ugu dambaysay ee weli la isticmaalo”. Waxa uu intaa ku daray, "Dekedaha Yemen waxaa sii jiri doona burbur xooggan, garoonka diyaaradaha ee Sancana si isdaba joog ah ayuu u burburi doonaa, sidoo kale waxaa burburay kaabayaasha kale ee istiraatiijiga ah ee gobolka oo ey isticmaalaan Xuutiyiinta iyo taageerayaashooda." Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in dalkiisa "uu ku shaqeyn doono qaab mabda'a fudud: qof kasta oo waxyeello noo geysta waa la gaarsiin doonaa waxyeello ka badan, iyo ciddii taas ku ogaan weydo xoog, wuxuu ku sameyn doonaa awood weyn." Waxa uu sidoo kale qabtay Iran, oo uu ku tilmaamay "xoogga ugu weyn ee iyaga ka dambeeya," iney mas'uul ka tahay gardarada ka imanaysa Yemen. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey horey duqeymo xooggan ku qaadday garoonka intii u dhaxeysay 6-dii ilaa 7-dii bishan May, halkaas oo diyaaradda Yemeni ey duullimaadyo kooban ku tagto magaalada Cammaan oo ah halka ey ku wajahan tahay, iyadoo ey u sii dheertahay iney hesho duullimaadyo bini’aadannimo oo ey maamusho Qaramada Midoobay. Xuuthiyiinta ayaa xilligaas ku dhawaaqay in garoonku “gebi ahaanba burburay”, waxayna ku qiyaaseen in khasaaraha uu gaarayo ku dhawaad ​​500 oo milyan oo doolar. Laakiin toban maalmood ka hor, Hay'adda Guud ee Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee Sanca ayaa ku dhawaaqday "in dib loo bilaabayo duullimaadyadii la qorsheeyay ee ka imanayay garoonka caalamiga ah ee Sanca, ka dib markii ey dhammaatay hawlihii dib u soo celinta diyaargarowga farsamada iyo hawlgalka." Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza, Xuutiyiinta ayaa tobanaan weerar oo gantaallo ah ku qaaday Israa’iil iyo maraakiibta ku sugan badda cas, iyagoo caddeeyay iney xiriir la leeyihiin Israa’iil. Tallaabadan ayaa qayb ka ah taageerada ey u hayaan Xamaas iyo Gaza. Dhanka kale, qiyaastii laba toddobaad ka hor, Israa’iil waxay ku hanjabtay iney beegsan doonto hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, ka dib markii ey duqeysay laba ka mid ah dekadahooda. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xuutiyiinta ayaa sii kordhisay hanjabaadooda waxayna ku dhawaaqeen "bilaabida shaqada ey ku doonayaan iney ku soo rogaan xayiraad dhanka badda ah" dekedda Haifa ee Israel, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sii jeeda xarunta iney hadda ku jiraan liiska bartilmaameedka.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO GENTAAL KU DISHAY NIN KA TIRSAN URURKA XIZBULLAHI.

Next
Next

DAWLADA IMAARAATKA OO U YEERTAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABAB?