DAWLADDA MASAR OO XIRTAY AJAANIB KA GANACSANEYAY DAROOGADA.
(SAWIRKA)-CALANKA MASAR.
(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Xukuumadda Masar ey xabsiga u taxaabtay afar nin oo ajaanib ah kuwaaso si bareer ah u iibinaayey Maandooriyaha gaar ahaan kan loo yaqaano ”CRYSTAL METH” kuna iibinaayey wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Qaahira. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa maanta oo Sabti ah shaaca ka qaaday arrimaha ku xeeran muuqaal si weyn loogu faafiyey baraha bulshada kaaso muujinaayey afar qofood oo ku hawlan ka ganacsiga Maandooriyaha. Wasaaradda ayaa intaas raacisay in la ogaaday afarta qof ey heystaan dhalashooyin aan la shaacin,waxa eyna iibinaayeen Maandooriye gudaha Waaxda Booliska ee magaaladda Nasr ee dhacda bariga caasimadda Qaahira,Isla markiiba waa la aqoonsaday waane la xiray. Warku waxa uu intaas ku darayaa in eedeysanayashu ey degan yihiin magaaladda Nasr,waxaane lagu qabtay tiro darooga ah oo nuuceedu yahay ICE iyo lacag kaash ah. Waxa ey qirteen iney wateen Daroogo ey ka ganacsanaayeen. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ey Xukuumadda Masar xirtay koox ka kooban ilaa sideed qofood kuwaaso tahriibinaayey agab loo isticmaalo soo saaridda Daroogada CRYSTAL METH. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilligaas shaacisay iney gacanta ku dhigtay koox burcad ah oo ka kooban ilaa sagaal xubnood oo ey ku jiraan sideed qof oo Ajaanib ah,kuwaaso ku lug lahaa fal dembiyeed ah soo saaridda walxo firfircoon oo kaniini caafimaad ah oo laga sameeyo darooada ICE si ey dalka uga tahriibiyaan. Hayadaha Amaank waxa ey sii wadi doonaan hawlagalkooda lagula dagaalamaayo Ganacsatada Daroogada CRYSTAL METH iyadoo 2.3-tan oo Darooga ah lagu qabtay 56-hawlgal oo heer sare ah sannadkii 2022-kii,halka hal tan lagu qabtay 35-hawlgal oo heer sare ah sannadkii 2023-kii.
ISHA-AA.