XUUTIYIINTA OO BILILIQEYSTAY URURKA SAVE THE CHILDREN.

(SAWIRKA)-URURKA SAVE THE CHILDREN.

(YEMAN)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in hanti lagu qiyaasay 4-Milyan oo dollar oo ey lahayd Hay’adda “Save the Children” ee ku sugan deegaanada ey ka taliyaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta,ayaa la soo sheegayaa iney gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, sida ey ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbaahinta Maxaliga ah. Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa la wareegay dhammaan hantidii ey lahayd Hay’adda “Save the Children” ee ku taalla deegaannada ey maamulaan, ka dib markii Ururka uu ku dhawaaqay in la xiray Xafiisyadii ey ku lahaayeen magaalada Sanca iyo dhowr Gobol oo kale bishii Meey ee lasoo dhaafay. Ilo-wareedyo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee AL-Masdar Online ayaa ku micneeyay in agabka lagala wareegay Save The Children ey isugu jireen qalab iyo hanti uu lahaa Xafiiska dalka ee Sanca, iyo sidoo kale laamo ku yaalla Gobollada Amran, Xajah, Sacdah, AL-Xudeydah, iyo Ibb.  Hantida la qabtay ayaa isugu jirtay Baabuur, Matooro, Kombuyuutar, iyo sidoo kale Dawooyin iyo agab Xafiiseed, waxaana lagu qiimeeyay ku dhawaad ​​4-Milyan oo doolar. Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in horjoogayaasha saameynta ku leh Xuutiyiinta ey si toos ah u kormeereen howlgalada lagu qaaday xarunta Ururkaasi iyo qalabkii lagala wareegay oo ey ka mid yihiin hantidii ey lahaayeen dadkii lahaa guryaha kirada ah, sida Albaabka Birta ah, Caqabadaha amaanka iyo Tirarka Iftiinka, iyadoo ey sii dheer tahay isbadalo kale oo uu Ururku ku sameeyay dhismayaashaasi mudadii uu xilka hayey. Hay’adda “Save the Children” ayaa ku dhawaaqday in ey joojisay hawlihii ey ka waday deegaannada ey Xuutiyiinta ka taliso ka hor dhammaadka bishan Meey, iyada oo meesha ka saartay Qandaraasyadii ku dhawaad ​​400 oo shaqaale ah, sida uu mid ka mid ah shaqaalaha u sheegay warbaahinta AL-Masdar Online. Talaabadan ayaa loo arkay iney jawaab u tahay xayiraadaha sii kordhaya ee kooxda ey ku soo rogeen Hay’adaha samafalka. Shaqaaluhu waxa uu daaha ka qaaday falkii qayru-masuulnimo ee xubnaha saamaynta leh ee kooxda Xuutiyiinta bishii hore, ka dib markii ey weerareen Xafiisyada Ururka oo ey la wareegeen dhammaan Hantidii Ururka. Shaqaale hore ayaa sheegay in tallaabooyinkani ey si weyn u saameyn doonaan shaqaalihii hore iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale bulshooyinka deegaanka ee ku tiirsanaa adeegyada ururka. Waxa uu xusay in Horay sanadkii 2018-kii Maleeshiyada Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Xarunta Ururka ee Magaalada Dhamar oo ey la socdeen xubno daacad u ah Hogaamiyaasha Xuutiyiinta, isla markaana ey bililiqeysteen dhamaan agabkii iyo agabkii Xafiiska. Inta badan hay’adaha ayaa marar badan ku eedeeyey maleeshiyada Xuutiyiinta iney ku xad-gudbeen xoriyadda shaqada bini’aadantinimo iyaga oo xayiraad ku soo rogay howlgallada, xariga shaqaalaha, qaarna jir dil loo geysto. Waxay caddeeyeen in malleeshiyada maamulkeedu ey soo rogaan siyaasado ka hor imanaya hawlaha rayidka iyo kuwa bini'aadantinimo, kuwaasoo la rabo iney noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo madaxbannaan. Waxay ku andacoonayaan in malleeshiyada maamulkeedu aysan ka waaban xarig iyo jirdil ey u geystaan ​​shaqaalaha qaar, su’aalo la weydiiyo, kuwo kalena la baaro mararka qaarkood, lana geliyo ilaalo adag. Kooxda ayaa horay u xiray Dr. Tawfiiq AL-Mikhlafi, oo ah Madaxa Deeqaha Waxbarashada ee Ururka, bishii Janaayo 2024. Waxa uu weli u xiran yahay Adeegga Nabadsugida iyo Sirdoonka oo lagu eedeeyay "Basaasiin" iyo dhowr shaqaale oo kale oo ka tirsan Hay'adaha Caalamiga ah ee Sanca. Dhacdo kale oo dhacday bishii Sebtembar 2023, ayey Xuutiyiintu ka afduubteen Hisham AL-Hakimi, oo ah sarkaalka u qaabilsanaa ammaanka iyo xiriirka dowladda ee Hay'adda, isagoo laga afduubtay waddo Sanca ah, waxayna ka qaateen qalabkii elegtarooniga ahaa. Muddo ku dhow laba bilood oo uu xabsiga ku jiray, ayaa waxaa qoyskiisa lagu wargeliyay inuu ku dhintay xabsiga, iyadoo aan loo ogolayn iney arkaan meydkiisa ama baaritaan madax bannaan lagu sameeyo. Hay’adda Save the Children ayaa dhaqdhaqaaqeeda ka wadda goobaha ey ka taliso dowladda sharciga ah, iyadoo go’aanka xiritaanka deegaannada Xuutiyiinta ey ku soo beegantay iyadoo Mareykanka uu kooxdan u aqoonsaday Urur Argagixiso horraantii sannadkan. Save the Children ayaa Yemen ka shaqaynaysay in ka badan lixdan sano waxayna door muhiim ah ka qaadatay bixinta gargaarka bini'aadantinimo iyo adeegyada muhiimka ah ee caruurta dalka oo dhan.

ISHA-AL-MASDAR ONLINE/YEMAN.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO LACAG DUL DHIGAY MADAXA AL-QAACIDA EE…

Next
Next

DAWLADDA MASAR OO XIRTAY AJAANIB KA GANACSANEYAY DAROOGADA.