(LIIBIYA): MAGAALA XEEBEEDKA SABRAATA OO DAGAAL KA DHACY.

(SAWIRKA)-RW-C/XAMIID.

(TRIPOLI)-Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah kuna sugan Sabraata ee Galbeedka dalka Liibiya ayaa sheegaayo in sagaal qof ey dhinteen 18-kalane ey dhaawacmeed ka dib markii uu dhacay iska horimaad rabshado wata kaaso labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaaladda. Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii laba kooxoood oo hubeysan ey isku dheceen,waxaane halkaasi ka dhashay qalalaase iyo amni darro. Jawaabtii ugu horeysay ee rasmiga ahayd ayaa ka timid Reysal Wasaaraha Xukuumadda Midnimo Qaran C/xamiid Debeybeh,waxa uuna maanta oo Sabti ah amray Ciidamadda mileteriga ee Gobolka Xeebta Galbeed inuu bilaabo baaritaan deg deg ah oo dhammaystiran kuna saabsan xaaladihii iska horimaadyadda. Reysal Wasaare Debaybah waxaa kaloo uu tilmaamay in amaro la soo saaray Jimcihii shalay lagu faragelinaayo si deg deg ah si loo xalliyo colaada loona sugo amniga magaaladda loona ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah,sidoo kale waxa uu cadeeyey in dawladda dhexe eysan ogolaan doonin cid ama koox kasta iney khalkhal geliso amaanka iyo xasiloonida dalka Liibiya,isagoo carabka ku adkeeyey in sharciga lagu dhaqmi doono iyadoo aan la kala reebin dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrimahaan. Goobjoogayaal ku suga Sabraata ayaa soo sheegay in magaaladda ey saakay deganeed iyadoo dib loo furay wadada xeebta taaso xirneed habeen hore waayo waxaa halkaas ku mudaaharaadayey dad ka caraysan xaaladda Amaanka ee sii xumaaneysa. Ilo wareedyadda ayaa xaqiijiyey in dhawr ciidan oo isugu jira Nabad Sugid oo ey ka mid yihiin Hayadda Taakuleynta Agaasinka iyo Nabad Gelyadda ey xalay isaga bexeen fariisimihii ey ku lahaayeen magaaladda ka dib markii ey dheceen dibadbaxo baahsan oo shacbigu kaga soo horjeedaan qalalaasaha amni ee ku soo beegmay maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Tiro dhallinyaro reer Sabraata ah ayaa xiray wadad xeebta iyo wadooyinka kale ee soo gala magaaladda iyagoo ka cabanaayo rabshadaha sii kordhaayo, waxa eyna dalbadeen in xasilooni lagu soo cleiyo magaalada lana joojiyo hubka lagu dhex heysto wadooyinka magaaladda Sabrata.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

DAWLADDA MASAR OO XIRTAY AJAANIB KA GANACSANEYAY DAROOGADA.

Next
Next

CIIDANKA AMAANKA LUBNAAN OO BURBURIYEY 500-GOOBOOD.