CIIDANKA AMAANKA LUBNAAN OO BURBURIYEY 500-GOOBOOD.

(SAWIRKA)-K/LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayocaasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amaanka ee dalkaasi iney burburiyeen in ka badan 500-Goobood oo Ciidan iyo Bakhaaro hub ah oo ku yiilay Koonfurta Wabiga AL-Liidhaani. Reysal Wasaaraha Lubnaan Nawaaf Salaam,ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyey in ciidanku ey burburiyeen in ka badan 500-Xarumood oo hub ah iyo bakhaaradii ku yiil aaga Koonfureed ee Wabiga AL-Liidhaani tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Ururka Xizbullahi iyo Isra’iil dhammaadkii bishii Noofeembar 2024-kii. RW-Nawaaf Salaam ayaa yiri”Ciidanka Lubnaan waxa ey sii wedi doonaan iney balaariyaan hawlgalkooda ilaa hadda,waxa ey burburiyeen in ka badan 500-Goobo ciidan iyo bakhaaro ku yaalo Koonfurta Wabiga AL-Liidhaani”sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-presse. ‘KU CADAADINTA ISRA’IIL INEY KA BAXDO’:

RW-Nawaaf Salaam ayaa hadalkiisa ku daray oo yiri aan cadeey,”Ma gaari karno Amni iyo Xasillooni ilaa inta Xadgudubyada maalinlaha ah ee Isra’iil ey sii socdaan,qeybo ka mid ah dhulkeyna ey weli heystaan,maxaabiisteyna aan la sii deyn”. “SHAN GOOBOOD OO ISTARAATIIJI AH”: Degaanka AL-Liidhaani ayaa loo arkaa inuu yahay dhul ey aad ugu xoogan yihiin Ururka Xizbullahi,waxaane iska horimaad socday muddo sannada ah uu la galay Isra’iil,waxaane lagu afjaray heshiis xabad joojin ah kaaso dhigaayo in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo hubka Ururka Xzibullahi,heshiiska ayaa sidoo kale dhigaayoin Isra’iil ka baxdo dhammaan goobihii ey soo gashay intii uu socday iska horimaadka ka dhashay dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Si kastaba ha ahaatee,Isra’iil waxay sii haysata shan goobood oo muhiim u ah dhinaca Istaraatiijiyadda,Lubnaan waxa dalbaynsaa iney Isra’iil ka baxdo”. Tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Isra’iil iyo Ururka Xizbullahi,Isra’iil waxa ey sii wadaa duqeymihii ey ku qaadeysay dhawr gobol oo Lubnaan ah,iyagoo sheegay iney beegsanayaan kaabayaasha iyo hogaamiyeyaasha Xizbullahi.

ISHA-AA.

Next
Next

AMNIGA SACUUDIGA OO QABTAY XUJAAY AAN HAYSAN FASAX.