AMNIGA SACUUDIGA OO QABTAY XUJAAY AAN HAYSAN FASAX.
(SAWIRKA)-XUJAAYDA OO TAGAN BANKA CARAFA.
(RIYAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegayo in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga G/Sare.Dhalaal ALshalhuub uu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Amaanka ee Xajka ey soo xireen ku dhawaad 397-qof oo Xujaay la daabulayey si ka baxsan sharciga Xajka ama fududeeyey qaadistooda. Afhayeenka ayaa xusay in gudiyadda maamulka ee xilliyadda ey soo saareen ku dhawaad 357-go’aano maamul. G/sare.ALshalhuub ayaa intaas raaciyey mar uu shir jara’id ku qabtay Xarunta mideysan ee Hawlgelinta Xajka,in Ciidamadda Amaanka Xajka ey ka shaqeynayaan fududeynta isu socodka Xujaaydasi waafaqsan Hayadaha saxda ah,iyagoo hubinaayo Amaankooda iyo adeegyadooda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay iney adeegsaneyso Teknoolojiyadda ugu dambeysay si loo hubiyo badqabka Xujaayda,iyadoo ku boorisay Xujaayda iney u hogaamsanaan tilmaamaha oo ey raacaan tilmaamaha la siiyey. Hadalka afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xafiiska Amniga Qaranka Sacuudiga uu sheegayin Indhahooda ey hayaan Xujaayda,kuwa xadgudubyada geystana ey gacantooda ku soo qabanayaan. Hayaddaha Amaanka Sacuudiga ayaa waxaa ka go’an iney ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta goobaha muhiimka ah ee Xajka. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee gurmadka deg dega ah ey qaadi doonaan hawlgalo lagu xaqiijinaayo badqabka Xujaayda,loogana hortegaayo dadka ku soo xadgudba goobaha barakeysan iyadoon fasax u heysan. Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli ey shir jara’id oo gaar ah qabteen Madaxda Amniga Xajka oo eyna kaga hadleen Qorshayaasha Amniga iyo abaabulka sannadkan-1446-da.
ISHA-KSA.