GOLAHA AMAANKA OO GO’AAN KA GAARAYO XAALADA GAZA.

(SAWIRKA)-CALANKA UN-KA

(GAZA)-Wararka laga helaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in Golaha Amaanka uu maanta u codeynaayo Qaraar Xabad joojin Joogta ah in laga sameeyo Marinka Gaza. Golaha ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaca ah cod u qaado Qaraar qabyo ah oo ku baaqaya “Xabad Joojin deg deg ah,shuruud la’aan ah,oo waarta kana dhacda Marinka Gaza,oo ey ixtiraamaan dhammaan dhinacyada”. Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Maraykanka ey u badan tahay inuu diido isticmaalana diidmada Qeyaxan ee Vito. Qaraarkan oo ey soo diyaariyeen tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha kuwaaso xilka haya muddo laba sano ah,waxa uu Qaraarku ku celinayaa dalabkooda ah in la sii daayo dhammaan Maxaabiista u xiran Xamaas iyo kooxaha kale ka dib markii uu dhacay weeraarkii lama filaanka ahaa ee dhacay 7/10/2023-kii kana dhacay koonfur6a Isra’iil. Qaraarka Qabyada ah wuxuu qeexayaa xaaladda bani’adanimo ee Marinka Gaza mid “Musiiba ah” wuxuun sidoo kale ku baaqayaa “in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga qaado dhammaan xanibaadaha gelitaanka gargaarka bani’adanimo ee Marinka Gaza iyo hubinta qeybaha badbaadada aan xadidneyn iyo baahsanaanta oo ey ku jiraan Qaramada Midoobeiyo la hawlgalayaasha bani’adanimada”. Codbixinta oo la qorsheeyey in la qabto gelinka dambe ee Arbacada maanta ah ayaa ku soo beegantay iyadoo maalin kasta ey dheceyso tooogashooyin u eg kuwa maalimla ah ka dib markii la sameeyey goobo gaar ah oo lagu qeybiyo gargaarka oo ku yaalo aaga mileteriga Isra’iil iyadoo taageero ka heleysa Maraykanka iyo Isra’iil, nidaamkan oo ey labada dhinac sheegeen inuu yahay mid loogu talagalay in lagu hareer maro awooda Xamaas. Laakinse Qaramada Midoobe ayaa diiday nidaamkan cusub,iyadoo sheegtay inuusan wax ka qaban dhibaatada Gaajada ee ka sii daraysa ee Marinka Gaza,wuxuuna Isra’iil fursad ah iney kaalmada u isticmaasho sida hubka,waane mid aan waafaqsaneyn madaadi’ida bani’adanimo ee dhexdhexaadnimada,eex la’aanta iyo madax banaanida. Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale ku baaqaya in dib loo soo celiyo dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee bani’adanimo iyadoo la raacayo mabaadi’idaas shaciga caalamiga ah ee bani’adanimada iyo Qaraark Golaha Amaanka. Diblomaasiyiin fara badan oo ka socdo Qaramada Midoobe kana kala socdo wadamo kala gedisan ayaa sheegay iney filayaan in Maraykanku uu diido Qaraarkan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

AMNIGA SACUUDIGA OO QABTAY XUJAAY AAN HAYSAN FASAX.

Next
Next

GAROONKA DIYAARADAHA TEL AVIV OO LA XIRAY,SABABTA?