GAROONKA DIYAARADAHA TEL AVIV OO LA XIRAY,SABABTA?
(SAWIRKA)-GENTAALKA XUUTIYIINTA KU RIDEEN ISRA’IL.
(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo caasimada Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in afhayeenka Ciidamadda Isra’iil Afikhay Adrici ayaa sheegay in gentaal laga soo tuuray dalka Yeman la qabtay taaso keentay digniino ka soo baxay meelaha gaar. Wakiil Wareedyada Tv-yada Carabta ayaa soo sheegay in Xuutiyiintu ey gentaal ku tuureen Isra’iil balse difaaca cirka ee Isra’iil ee loo yaqaano Arrow uu qabtay,iyagoo soo sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Tel Aviv la xiray ka dib markii laga war helay in Xuutiyiintu ey soo tuureen Gentaal,waxaa la soo sheegayaa in firirka Gentaalka burburay laga maqlay bartamaha Isra’iil. Malintii khamiista ee la soo dhaafay,Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay iney qabteen gentaal laga soo tuuray dalka Yeman,ka dib markii firirka hawada laga maqlay bartamaha Isra’iil iyo qaraxyo laga maqlay hawada magaaladda Qudus. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza, ka dib markii Xamaas ey weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Isra’iil 7/10/2023-kii, kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa tobanaan gentaalo ku weeraray Isra’iil iyo Maraakiibta mareysay Badda Cas,iyagoo ku andacooday iney xiriir la leeyihiin Isra’iil,waxa eyna Xuutiiyiintu ballan ku qaadeen ineysan joojin doonin weerarada ey ku hayaan Isra’iil ilaa Isra’iil ey ka qaado Go’odoominta Marina Gaza. Dhinaca kale,Isra’iil ayaa qaaday dhawr weerar oo duqeymo dhinaca hawada waxa eyna la beegsatay goobaha ey Xuutiyiinta gudaha dalka Yeman.
ISHA-SB-MEDIA.