LUBNAAN OO SOO XIRTAY JAAJUUS ISRA’IIL U SHAQEYNAAYEY.
(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Wararka ka imaanaayo Koonfurta dalka Lubnaan ayaa sheegaayo in magaaladda Xaaruuf oo ka tirsan degmada Nabatiyah ey saacadihii la soo dhaafay ka taagnaayeen rabshado ka dib markii ciidamadda Amaanka ey xireen wiil dhallinyara ah oo lagu magacaabo Maxamud Ayuub kaaso lagu sheegay amaba lagu tuhmay inuu la shaqeynaayo Sirdoonka Isra’iil, waxaane shaaca laga qaaday in maxbuuska uu ka tirsan yahay Ururka Xizbullahi gaar ahaan qeybta maamulka dhaqaalaha ee Isbitaalka Raagib AL-Xarbi. Xogta ey heleen Warbaahinadda Carabta ayaa sheegeyso in xarigiisu uu buuq ka abuuray degaanka uu ku dhashay ee Xaaruuf,taasi oo keentay in tiro dad ah oo ka mid ah dadka degaanka ey aadaan Isbitaalka bacdamaa Ayuub aad u yaqaan dhammaan magacyada bukaanadda Ururka Xizbullahi iyo qoysaskooda soo galay Isbitaalka,Ayuub waxa uu hayaa dhammaan tafaasiisha ku saabsan hawlihii Isbitaalka ee dhawrkii sano,iyadoo xogtu ey sheegeyso in Maxbuuska(Ayuub)uu ka shaqeeyey in xogta shaqsiyaadkaas loo gudbiyey sirdoonka Isra’iil. Xogtu waxaa kale oo ey tilmaantay in laga yaabo in Ayuub uu ka dhex shaqeeyey shabakad ku dhawaad gaareyso ilaa 700-xubnood oo Xizbullahi ah kana hawlgala Xaaruuf taaso u adeegta keydka Ururka Xizbullahi ee degmada Nabatiyah. Waxaa xusid mudan in Ayuub lagu xiray Nabatiyah qeybta Warfaafinta ee ciidamada Amniga Gdaha,iyadoo la kaashaneysa laamha Amniga ee Ururka Xizbullahi. Xarigaan ayaa imaanaya ku dhawaad seddex todobaad ka dib markii la xiray Maxamed Saalax,oo ah Heesaa diimeed kuna dhaw Ururka Xizbullahi laguna eedeeyey inuu la shaqeynaayey sirdoonka Isra’iil.
SIAH-WAKAALADO.