Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(SURIYA):KOOXDA DAACISH OO WEERARTAY KOOXDA SDF.

(SAWIRKA)-CALANKA ARGAGIXSADA.

(CAIRO)-Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya ee uu Maraykanku taageero,koox maleeshiyaad ah oo ey hogaminayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta ayaa Isniinta maanta ah sheegay in mid k mid ah dagaalayahanadooda la dilay mid kalane lagu dhaawacay weerar ey kooxda Daacish ku qaaday Bariga Gobolka Diir-El-Zuur ee dalka Suriya. Kooxda Dimuqaraadiayadda Suriya ayaa ahayd ciidankii ugu weynaa ee xulafadda la ahaa dalka Maraykanka gudaha dalka Suriya intii uu socday dagaalka lagag adkaaday kooxda Daacish sannadkii 2019-kii ka dib markii ey kooxda Daacish ey ku dhawaaqday Khilaafada ka dhanka ah wadamadda Suriya iyo Ciraaq,kooxda xoogaga Dimuqaraadiga Suriya ayaa bishii Maarso-2025-ka waxa ey heshiis la galeen dawladda Suriya oo ey hadda hogaaminayaan maleesgiyaadkii hore ee afgembiyey Madaxweyne Bashaar AL-Asad dhammaadkii sannadkii 2024-kii. Maamulka cusub ee Suriya ayaa dagaal la galay dagaalyahanada Daacish gaar ahaan bishii hore, Dacish waxa ey dileen shan ka mida ah dagaalyahanda Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya(SDF),waane mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahaan lala beegsaday kooxda SDF.

XIGASHO-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

INGIRIISKA,KANADA IYO FARANSISKA OO U HANJABAY ISRA’IIL

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(GAZA)- Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada ayaa ku hanjabay in dalalkooda ey qaadi doonaan tallaabo haddii Israel eysan joojin duullaanka militari ee kasoo cusboonaaday Marinka Gaza, eyna ka qaadin Xayiraadaha dhanka Gargaarka ah. Bayaan ey si wadajir ah u soo saareen saddexda dal oo ey daabacday dowladda Ingiriiska ayaa lagu yiri, “Ka hortagga dowladda Israa’iil ee gelitaanka Gargaarka Bini’aadantinimo ee muhiimka ah ee dadka rayidka ah waa mid aan la aqbali karin, waxayna xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah ee Bini’aadantinimada”. War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, "Waxaan ka soo horjeednaa isku day kasta oo lagu ballaarinayo deegaamaynta Daanta Galbeed, kama labalabayn doono inaan qaadno tallaabo kale oo ey ku jirto cunaqabatayn lala beegsanayo."

Oggolaanshaha in gargaarku soo galo:

Dhanka kale, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 22 waddan, oo ey ku jiraan Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Kanada, Japan, iyo Australia, ayaa ugu baaqay Israa’iil “iney dib u fasaxdo in si buuxda oo deg deg ah loo galo Gaza” iyada oo ey kormeerayaan Qaramada Midoobay iyo ururada aan dowliga ahayn. Bayaan ey si wada jir ah u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Bini’aadantinimada “aysan taageeri karin” habka cusub ee Gargaarka lagu gaarsiinayo Gaza oo ey qaadatay Israel. Qiiq ayaa sare u kacay ka dib duqayn ey diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Khan Yunis, ee Koonfurta Marinka Gaza. Maamulka Israa’iil ayaa Isniintii ku dhawaaqay in gawaari sida cunnada dhallaanka ah ey gudaha u galeen dhulka Falastiiniyiinta, oo ey go’doomiyeen in ka badan laba bilood.

GELIDDA SHAN BAABUUR:

Dhankeeda,Israa'iil waxay sheegtay in shan baabuur oo kuwa xamuulka ah oo Qaramada Midoobay ah ey galeen Marinka Gaza, taasoo ah Gargaarkii ugu horeeyay ee la gaarsiiyo tan iyo markii la fududeeyay go'doominta lagu soo rogay 2-dii Maarso. "Maanta, shan baabuur oo Qaramada Midoobay ah oo ey ku raran yihiin Gargaar Bini'aadantinimo, oo ey ku jiraan cunnada carruurta, ayaa soo galay Marinka Gaza iyagoo sii maray isgoyska Kerem Shalom," Isuduwaha Hawlaha Dawladda ee Territories (COGAT) ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Tom Fletcher, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada, ayaa sheegay in Israa'iil ey ogolaatay in sagaal baabuur oo sida gargaar ey maanta soo galaan Marinka Kerem Shalom ee Gaza, ka dib go'doomin ballaaran oo soctay 11 toddobaad. Israa'iil waxay xannibtay dhammaan gargaarka gelitaanka Gaza tan iyo 2-dii Maarso, iyada oo ujeeddadeedu ahayd in Xamaas lagu cadaadiyo wadahadallada laguna khasbo iney sii daayaan dhammaan la haystayaasha harsan, iyada oo aan si cad loo ballan-qaadin Xabbad-Joojin dhammaystiran.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADA HADALADII XAMAAS IY ISRA’IIL OO DIB U BILAW..

(SAWIRKA)-RW-NETENYAHU IYO WITKOFF.

(DOHA)-Ergayga la haystayaasha Maraykanka Adam Boehler ayaa Axadda maanta ah sheegay in wada xaajoodka Gaza ee Doha uu yahay mid aan degganayn. Waxa uu sidoo kale ABC News u sheegay in ergeyga Bariga Dhexe Steve Witkoff uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu u xaqiijin lahaa guul laga gaaro wada xaajoodka Doha. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan u cadeynay Xamaas in hadii ey doonayaan in duqeynta ey joogsadaan ey tahay iney sii daayaan la heystayaasha”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Soo jeedin dhamaystiran:

Horaantii maanta, xafiiska Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wafdiga Israa'iil ey ka shaqeynayaan sidii ey u damin lahaayeen dhammaan suurtagalnimada in heshiis laga gaaro Gaza. Xafiisku waxa uu bayaan uu soo saaray maanta ku daray in wada xaajoodka Doha ey ka hadlayaan soo jeedinta ergayga Maraykanka Steve Witkoff iyo soo jeedin dhamaystiran oo lagu joojinayo dagaalka. Waxa uu sidoo kale sharaxay in soo jeedinta ey ka mid yihiin masaafurinta Madaxda Xamaas iyo hub ka dhigista Marinka Gaza. Wuxuu yiri, "Kooxda wada xaajoodka ee Doxa waxay sii wadaan iney ka shaqeeyaan sidii ey u dhisi lahaayeen fursad kasta oo lagu soo afjari karo heshiis, ha ahaato sida ku cad soo jeedinta Witkoff ama qayb ka mid ah joojinta dagaalka, oo ey ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista, ka saarista dagaalyahannada Xamaas, iyo in laga saaro marinka."

"Ma jiro horumar la taaban karo"

Dhanka kale, sarkaal sare oo Israa'iil ah ayaa shaaca ka qaaday in "ey jiraan wax yar oo horumar ah oo laga gaaray wadahadalka Gaza ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka," sida ey sheegtay Reuters. Dhexdhexaadiyaasha Masar iyo Qatar oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa bilaabay wareeg cusub oo wadahadalo xabad joojin ah oo aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas Sabtidii, laakiin ilo ku dhow wada-xaajoodka ayaa u sheegay Reuters in wax yar oo horumar ah la sameeyay. Dhanka kale, sarkaal Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ka socda caasimadda Qatar ee Dooxa, ayaa yiri, “Xamas waxay mar walba u dabacsan tahay tirada maxaabiista ah oo ey sii deyn doonto, laakiin dhibaatadu waxay mar walba ahayd ka go’naan la’aanta Israa’iil ee ku aaddan joojinta dagaalka.

“MAWQIFKA ISRA’ILL ISMA BEDELIN.”

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters daaha uga qaaday in Mawqifka Isra’iil aanu isbedelin,waxayna doonayaan in Maxaabiistooda loo gacangeliyo iyagoo aan wax go’aan ah ka qaadan joojinta dagaalka Marinka Gaza. Inkasta oo ila wareedyo ka tirsan Isra’iil ey ku tilmaameen wareegaan inuu yahay mid “Go’aamin”,waxa eyna ka digeen inuu guul dareysto,taaso ey sababi karto Isra’iil oo sii balaariso hawlgalkeeda Mileteri ey ka wado Marinka Gaza. Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo qiyaasaha Isra’iil ey muujinayaan in ku dhawaad 24-Maxbuus oo Isra’iil ah ey ku nool yihiin Marinka Gaza,iyadoo xukuumadda Tel Aviv ey rajeyneyso iney sii deyso 10-ka mid ah Maxaabiistaasi taaso ah talaabada ugu horeysa ee heshiis kasta.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

JABUUTI TARXIISHAY QAXOOTI REER YEMAN AH.

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA YEMEN.

(DJIBOUTI)-Yemeniyiinta ku nool dalka Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujiyay olole lagu soo xirxiray oo lagu bartilmaameedsanayo dadkaas, iyagoo sheegay in maamulka maxalliga ah ey tiro ka mid ah dadkaasi u kaxeysteen saldhigyo booliska, iyadoo aan la sheegin sabab cad. Arrintan oo walaac kale sii kordhinaysa, ayaa goob-joogayaal waxay sheegeen in maamulka Jabuuti ey koox kale oo Yemeniyiin ah si qasab ah ugu tarxiileen Xeryo Qaxooti oo ku taalla Gobolka UBUKH ee saxaraha ah. Xiriiro kala duwan oo Yemaniyiintu ey saameeyeen ayaa tilmaamay in ololaha xariga uu ku bilowday si lama filaan ah laguna balaariyay shaqsiyaad muddo dheer degenaa Jabuuti oo heysta warqado deganansho oo sax ah. Talaabooyinkan ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray bulshada reer Yemen ee ku nool dalka Jabuuti, kuwaasoo ka cabsi qaba in dhibaato taas la mid ah ey ku dhacdo. Dadka ku barakacay Xeryaha UBUKH ayaa ku tilmaamay xaaladda bini'aadantinimo ee gudaha mid aad u liidata, iyagoo sabab uga dhigaya gabaabsi daran oo dhanka adeegyada aasaasiga ah iyo xaaladaha nololeed oo sii xumaanaya. Yemaniyiintu waxay ugu baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo kuwa bini’aadantinimo iney si deg deg ah u soo farageliyaan joojinta ololaha xariga iyo Musaafurinta iyo xaqiijinta ilaalinta xuquuqdooda iyo badqabkooda Djibouti. Waxa ey sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iney taageerto lagama maarmaanka u ah dadka ku barakacay Xeryaha UBUKH iyo iney daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah.

ISHA-MA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UN-KA OO DHIMAAYO GARGAARKII SOOMAALIYA IYO YEMAN.

(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO YEMEN.

(NEW YORK)-Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday iney dib u soo celinayso hadafkeedii gargaarka bini'aadantinimo ee Yemen iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalihii laga heli jiray dalalka xubnaha ka ah. Waxa ey sheegtay in dhimistani ey halis gelinayso malaayiin qof oo ku nool adduunka oo dhan. Bishii Jannaayo Qaramada Midoobay ayaa billowday codsi ey ku dalbanayso 2.4 bilyan oo doollar si loogu caawiyo 10.5 Milyan oo qof oo ku nool Yemen ey dagaallada ka socdaan sannadkan, taasoo aad uga hoosaysa 19.5 Milyan oo qof oo ey u aragto iney u baahan yihiin gargaar. Laakiin markii la dhimay dhaqaalaha, Hay'adda caalamiga ah iyo la-hawlgalayaasheeda gargaarka bani'aadamnimada waxay dejiyeen mudnaan cusub si ey awood ugu yeeshaan iney caawiyaan ugu yaraan dadka ugu baahida badan halkaas. Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday isbeddel la mid ah istaraatiijiyadda Ukraine iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo toddobaadyadii la soo dhaafay. Hadda waxa diiradda lagu saari doonaa 8.8 Milyan oo qof oo leh miisaaniyad saadaasha ah oo dhan $1.4 bilyan, ayay tiri Stephanie Tremblay, oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Soomaaliya oo ey ka jirto rabshado iyo xasillooni la'aan, ayaa $1.4 bilyan qorshe lagu caawinayo 4.6 Milyan oo qof sidoo kale dib loogu celiyay $367 Milyan 1.3 Milyan oo qof, ayay tiri. "Tani macnaheedu maaha iney hoos u dhacday guud ahaan baahiyaha bini'aadantinimo iyo shuruudaha," Tremblay ayaa tiri. Waxay sheegtay in dhimista maalgelinta ballaaran ey ku qasbeyso barnaamijyada gargaarka bini'aadminimo iney hoos u dhigaan, "Ka dhigaysa malaayiin qofood oo ku nolol adduunka ey soo wajahayo khatar”. "Si la mid ah dhibaatooyinka kale, natiijadu waxay noqon doontaa mid aad u xun, haddii aan wax u qabano, malaayiin qof oo kale ayaa aad u gaajeysan doona oo aan helin Biyo nadiif ah, Waxbarasho, ilaalin iyo adeegyo kale oo muhiim ah," ayay raacisay. Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa hoos u dhigaya hawlahooda shaqo iyo shaqaalahooda adduunka oo dhan iyaga oo la tacaalaya dhimis weyn oo ku aaddan tabarucaadkii ey ka heli jireen waddamada xubnaha ka ah, gaar ahaan Maraykanka oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.

ISHA-WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA AMAANKA SURIYA IYO DAACISH OO IS FARA SAARAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.

(SYRIA)-Ilo wareedyo laga helayo AL-Carabiya iyo ayaa Sabtida maanta ah sheegay in xubin ka tirsan Ciidamada Ammaanka Suuriya lagu dilay iska horimaad dhexmaray kooxda Daacish ee Xalab. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ey qayb ka tahay hawlgal Amni oo ey bilaabeen Ciidamada Ammaanka Suuriya oo lagu baacsanayay Unugyada Daacish ee ku sugan Gobolkaasi. Sawir la faafiyay oo laga soo qaaday sarkaalkii la dilay ee ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka Suuriya, Maxamed Xijaazi, intii uu socday iska horimaadka ey la galeen Daacish. Taliska Guud ee Amniga ee Xalab ayaa ku dhawaaqay Sabti 17-kii May, iney fuliyeen howlgal ey iska kaashadeen Ciidanka Sirdoonka, kaas oo lagu beegsaday xarun ey Daacish ku leedahay Xaafadaha Bari ee Xalab. Agaasinka ayaa sheegay in natiijo horudhac ah, ey xubin ka mid ah ka takhaluseen, mid kalena ey qabteen, isla markaana ey la wareegeen hub, Walxaha Qarxa iyo dhar ey ku xardhan tahay Astaanta Nabad-sugidda Guud. Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida. Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in iska hor imaad uu ku dhex maray xubno ka tirsan Hogaanka Amniga Guud iyo Ciidamada Amniga Gudaha iyo hareeraha deegaanka AL-Jazmati ee magaalada Xalab. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada dhowr qof oo ka tirsan qeybtaasi iyo in mid ka mid ah kooxda Daacish oo isku qarxiyay suunka qarxa. Ilo-wareedyada ayaa sharaxay in "Qeybta Daacish ee iska horimaadka la gashay Ciidamada Ammaanka ee AL-Jazmati, Xalab, lagu eedeeyay iney dileen sarkaal ka tirsan Nabad-sugida todobaadkii hore." Ilo wareed is-daba joog ah ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Nabad sugida oo lagu magacaabi jiray “Maxamed Xijaazi” la dilay mid kalena uu ku dhaawacmay iska horimaad dhexmaray unugyada Daacish ee Xaafadda AL-Xaydariyah ee magaalada Xalab. Dhanka kale Waaxda La-dagaalanka Maandooriyaha ee Xalab ayaa gacanta ku dhigtay shaqsiyaad ku howlanaa ka Ganacsiga Daroogada iyo ka Ganacsigeeda. Waxaa loo gudbiyay baaritaan ku saleysan go'aan ka soo baxay Xafiiska xeer ilaalinta, taasoo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafitaanka Maandooriyaha, kaasoo saameyn xun ku leh bulshada. Iyadoo lala kaashanayo Agaasinka Amniga Guud, unug ku lug leh ka Ganacsiga Daroogada ayaa lagu xiray aagga AL-Safiir ee miyiga Xalab. Ku dhawaad ​​50,000 oo kiniinka Kabtagon-ka ah ayaa gacanta lagu dhigay, taasoo ka tarjumaysa halista ey laamaha ammaanku ka leeyihiin la dagaallanka dhacdadan. Dhanka kale Ciidamada Hoggaanka Nabad sugida ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Xerada Neyrab, iyagoona ku raad joogay dadkii ka cararay rabshadihii halkaasi ka dhacay. Dadaalkan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo xasiloonida deegaanka iyo ilaalinta nolsha dadka shacabka ah.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA ISKU HAAYO DAGAALKA DALKA LIIBIYA KA SOCDO?

(SAWIRKA)-GE.XAFTAR.

(TRIPOLI)-Labo dhacdo ayaa saameyn weyn ku yeelan doona halka ey mareyso xiisadda Liibiya, gaar ahaan tii ugu horeeysay oo argagax weyn ku beertay qeybaha kala duwan ee deegaanka, waxaana la kulmay caro, cambaareyn iyo cambaareyn ka dib markii la daabacay muuqaallada Xildhibaan Ibraahim Al-Darsi oo muddo sanad ah la la’aa. Dhacdada kale ee ah wareejinta muhaajiriinta loo diiday Maraykanka ee Liibiya, waxay heli kartay dareen la mid ah haddaanay ahaan lahayn waqtigeeda, taasoo ku soo beegantay iyada oo dadwaynaha maxalliga ah ey ku mashquulsan yihiin muuqaalka Al-Darsi, isla markaana ey ku deg degeen maamulka talada haya ee Bariga iyo Galbeedkaba iney diidaan, diidmadana ey ku diiddan yihiin qof kasta oo soo galooti ah oo laga soo tarxiilo Maraykanka. Dhanka Al-Darsi, waxaa soo cusboonaaday hadal heynta ku saabsan afduubkiisa iyo in si qasab ah lagu waayi karo ka dib markii uu ka soo qeyb galay xaflada sharafta, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda waayihiisa. Ku dhawaad ​​qof kastaa wuu ogyahay in kooxda ka talisa bariga dalka oo gacan bir ah iyo argagixsi ku haysa, ey ku kacday dhammaan dambiyadii foosha xumaa ee sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo aan kii u dambeeyey noqon doonin afduub iyo jir dil loo geystay Xildhibaan Ibraahim Al-darsi. Ma jiro mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo ku dhiiraday inuu si cad u eedeeyo kooxdan dambiilayaasha ah. Kuwa ugu dhiiran ayaa ku qancay iney cambaareynayaan jirdilka loo geystay, waxayna dalbadeen in laamaha ammaanku ey xoojiyaan baadi-goobka xildhibaanka la la’yahay. Si kastaba ha ahaatee, dalabaadkan, oo ey weheliyaan baaqyo ka imanaya dhinacyo kale oo muujinaya masiirkiisa, ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin burcadda afduubtay. Xildhibaan Siham Sergiwa ayaa mar hore la waayay, sanado ayaa ka soo wareegay ilaa la waayay iyada oo ku dhawaaday in la iloobo. Waxaa laga yaabaa in hilmaankani uu culayska ka saaro qaar ka mid ah kuwa damiir ahaan mas'uulka ka ah waayitaankeeda. Xildhibaanadan ayaa ka baqaya falalka naxariis darada ah ee ey ku kacayaan kooxaha Xaftar, balse hadana ma rabaan iney qaataan mawqif qaran oo sharaf leh oo sharaftooda ku ilaalinaya baarlamaanka, sababtoo ah mawqifka noocaas ah wuxuu ka xayuubin doonaa mudnaanta ey ku naaloonayaan. Waxay door bideen aamusnaanta, oo ey weheliso khiyaamo iyo gacan-ku-dhiigle si ey u helaan jajabyo, sidaas darteedna laguma kalsoonaan karo iney tallaabo dhab ah ka qaadaan Haftar iyo burcaddiisa. Dhacdadan naxdinta leh waa in aanay dhaafin sida kuwa kale oo badan. In la tuso Al-Darsi xaaladdan bahdilaadda ah waxay meel ka dhac ku tahay dhammaan dadka Liibiyaanka ah. Waa xad gudub cad oo lagu sameeyay dhammaan khadadka cas ee kooxaha Argagixisada dambiilayaasha ah ee uu hogaamiyo Haftar iyo wiilashiisa, kuwaas oo aan ixtiraamin nolosha iyo sharafta dadka. Haa, Darsi waxa uu ahaa difaaca caanka ah ee mashruuca Haftar siyaasad ahaan, sharci ahaan, iyo warbaahintaba. Difaacan uu u maleegay shirqoolkii inqilaabka ee dhiiga badan ku daatay waxba uma tarin. Ka dib hadallo gaar ah oo lagu dhaleeceeyay hab-dhaqanka ciidamada ammaanku intii lagu jiray dabbaaldegga “Nakba Al-Karama”, ayaa la xiray oo la dhigay qolalka jir-dilka. Ka dib waxaa lagu duubay qalinka xoolaha, isagoo katiinado ku xiran, isagoo ka baryaya dambiilaha Haftar in la sii daayo. Muuqaalkan ayaa loo malaynayay inuu dhamaaday dhamaadkii qarniyadii dhexe, ama waxa loo yaqaanay waagii madoobaa. Qofna ma garanayo halka uu ku dambeyn doono marka laga reebo kooxaha burcadda ah ee dusha ka saaray dambigan. Si kastaba ha ahaatee, ku faanista dembigan ma habboona. Diidmada fal dambiyeedkan uma dulqaadan karto doorashada. Dambigani waa mid aan la aqbali karin, xitaa kuwa ka soo horjeeda ee la safan kooxahan. Ciqaabta waa in loo fuliyaa si waafaqsan nidaamka sharciga ah, iyada oo aan lagu xad-gudbin sharafta ama aan lagu xad-gudbin xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha, haddii Liibiyaanku ey waligood awoodaan iney la xisaabtamaan kooxahaas iyo kuwa taageersan oo la safan iyaga. Diidmada danbiga laga galay Al-Darsi, si aan leex leexad lahayn loogu eedeeyo kooxda burcadda ah ee aan joojin Argagaxisada Liibiya, diidmada shuraakada siyaasadeed ee ey la leeyihiin, iyo ku baaqida in laga hortago ma ahan mid looga faa'iidaysto dhacdadan dano siyaasadeed. Balse waa mansab dabiici ah qof kasta oo aaminsan karaamada bini’aadmiga iyo xuquuqul insaanka, diida wax kasta oo lagu xad-gudbo karaamadaas iyo xuquuqdaas. Inta badan waa iney gaaraan xukun adag, kaas oo hadda ku koraya dhammaan wareegyada. Liibya mustaqbal ma leh, mana jirto rajo laga qabo in la dhiso dowlad ka hor inta aan meesha laga saarin Haftar, wiilashiisa, iyo qalabkiisa caburinta, ka dibna la baabi'iyo ciidda habaaran ee u ogolaanaysa iney soo baxaan kooxahaas oo koraan, si aan Haftar kale u soo bixin, mana aragno hal muwaadin oo ka cabanaya silsiladaha birta ah iyo xirmooyinka qoorta. Dalka Liibiya waxa uu la daalaa dhacayaa dagaalo aan dhammaad lahayn iyo gacmo shisheeye oo saameyn xoogan ku leh Siyaasadda,Ciidamadda iyo Dhaqaalaha dalka Liibiya. Turkiga iyo Imaaraatka ayaa ah labada dal ee saameyn la taaban karo ku leh arrimaha dalka Liibiya ee hadda sida aadka ah u cakiran,waxayna dagaalo ey ka soo cusboonaadeen caasimadda Tripoli todobaadkan.

ISHA-LIBYAN OBSERVER.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ASKERI LAGU MINDIYEEYEY BARIGA QUDUS.

(SAWIRKA)-MINDIDII WEERARKA LOO ADEEGSADAY.

(QUDUS)-Wararka laga helaayo Qudus ayaa sheegaayo in Booliska Isra’iil ey Jimcaha maanta ah ey ku dhawaaqeen in la dilay ninkii fuliyey weerarkii Mindida loo adeegsaday ee lagu dhaawacay sarkaal Boolis ah oo ku sugnaay Bariga Qudus. Gaadiidka Gargaarka deg dega ah ee Mega David Adom ayaa sheegay in la dhaawacay sarkaal Boolis ah oo 25-jir ah,isla goobta loogu fidiyey daaweyn waxaane loo qaaday Isbitaalka. Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu yiri”Sarkaal Boolis ah ayaa lagu tooreyey magaaladda Qadiimiga ah ee Qudus”,qoraalka waxa uu intaas ku daray in ciidamadda Booliska iney isla goobta ku toogteen eyna dhaawaceen ninkii weerark geystay. Warbixin la xiriirta wixii dhacay ayuu booliku ku sheegay in askeriga uu arkay nin laga shakiyey,waqti kooban ka dibne ninkii laga shakisanaay waxa uu weeraray askerigii booliska ahaa,waxa uuna dhabarka kaga dhuftay Tooreey uu gacanta ku haayey. Askeri kale oo Boolis ah uuna la socday Sarkaal kana tirsan ilaalada xuduuda una dhawaa ayaa si deg deg ah uga jawaabay,balse waxaa goobtii ku dhintay ninkii soo weerar tegay, mana jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyadda weerarka. Adeega gargaarka deg dega ah ee Isra’iil ayaa sheegay in askeriga ka tirsan amniga inuu si buuxdo u miir qabo xaaladiisuna ey caadi tahay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay meel u dhaw Bab EL-Silsila oo aada dhismaha Masjidka AL-Aqsa’a. Isra’iil waxa ey qabsatay Bariga Qudus iyo magaalooyinka Qadiimka ah dagaalkii Carabta iyo Isra’iil ee dhacay 1967-dii.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 34-AAD EE JAAMICADA CARABTA.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA JAAMICADDA CARABTA.

(BAGHDAD)- Basim AL-Cawadi, ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Khamiis ah mowduucyada ku jira barnaamijka Wasiiradda ee shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee diyaarinta shir Madaxeedka Carabta. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in shirka lagu ansixiyay shan hindise oo ey soo jeedisay Ciraaq. AL-Cawadi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Ciraaq ee INA: in Ajandaha Wasiiradda ee la horkeenay Hoggaamiyayaasha Carabta ey ka mid yihiin dhowr Mawduuc oo muhiim ah, gaar ahaan Labo Warbixin oo kala ah: Midda koowaad oo ku saabsan natiijada iyo ballan-qaadyadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii 33-aad ee Carabta, iyo tan labaad oo uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ka soo saaray Talaabadda wadajirka ah ee Carabta. Wuxuu intaas ku daray in ajandaha looga hadlay arrimo badan oo ey ka mid yihiin qadiyadda Falastiin iyo khilaafka Carabta iyo Sahyuuniyadda, kaasoo looga hadlay shan qodob oo hoose oo gaar ah. Mawduuc kale oo udub dhexaad u ahaa Arrimaha Carabta iyo Amniga Qaranka, oo daboolaya 11 xasaradaha gobolka oo faahfaahsan. Mawduucyada dheeraadka ah waxaa ka mid ah isbeddelka Cimilada, Amniga wadajirka ah ee Carabta, iyo goobta lagu qabanayo shirwaynaha 36-aad ee Carabta ee soo socda, iyo sidoo kale magacaabista Carabta ee jagooyinka Ururada Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
AL-Cawadi ayaa shaaca ka qaaday in shan Hindise oo Ciraaq si rasmi ah loo Ansixiyay intii lagu jiray shirkii Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda:
                1. Aasaaska Xarunta Carabta ee La-dagaalanka Argagixisada.
                2. Dhismaha Xarunta Carabta ee Xakamaynta Dawooyinka.
                3. Dhismaha Xarunta Carabta ee La-dagaalanka Dambiyada Abaabulan.
                4. Samaynta Qolka Isku-xidhka Amniga Carabta.
                5. Daah-furka Sanduuqa Carbeed ee lagu taageerayo dadaallada soo kabashada iyo dib u dhiska ee gobollada ey dhibaatadu saameysey. Shirka diyaarinta ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa saaka ka furmay magaalada Baqdaad, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Ciraaq ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Fu’aad Xuseen, waxaana ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit. Kalfadhiga furitaanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxrayn Abdullatif AL-Zayani ayaa khudbado ka jeediyay isagoo ku hadlaya magaca dalkiisa oo ah Madaxa Shir Madaxeedka hore. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq Fu’aad Xuseen ayaa intaa ka dib ka hadlay kulanka isagoo ah guddoomiyaha hadda xilka haya, waxaana hadal ka jeediyay Xoghayaha Guud Aboul Gheit. AL-Cawadi ayaa xusay in furitaankiisa ka dib uu furmay kal-fadhi lasoo xiray oo looga doodayay ajandaha qabyada ah ee Shir-Madaxeedka iyo go’aamo qabyo ah, kuwaasoo la doonayo in loo gudbiyo Madaxda Carabta si ey u Ansixiyaan. Ajandaha waxaa ka mid ah sideed qodob oo muhiim ah oo ka hadlaya dhinacyada kala duwan ee iskaashiga Carabta ee wadajirka ah, iyadoo mudnaanta koowaad ey tahay qadiyadda Falastiin, Amniga Qaranka Carabta, iyo ka hortagga Argagixisada. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in shir wada tashi ah oo xiran uu qabsoomay ka hor kalfadhiga rasmiga ah, kaas oo la iskula meel dhigayo mowqifyada laga gaarayo arrimaha muhiimka ah, oo ey ku jiraan horumaradii ugu dambeeyay ee Falastiin, xasaradaha ka jira dalal badan oo Carbeed, iyo Arrimaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah ee saameeya Amniga Qaranka Carabta. Wasiiradu waxa Ey sidoo kale ka wadahadleen mawqifyada ey Carabtu ku midaysan yihiin ee ku saabsan arrimaha la isku hayo, waxaanay isla garteen in qaraaro qabyo ah loo gudbiyo shirka rasmiga ah ee Wasiirrada oo ugu dambayntii lagu meel-mariyo inta uu socdo Shir-Madaxeedka, oo loo ballansan yahay Sabtida Baqdaad. AL-Cawadi waxa uu ku nuux-nuuxsaday in shirkan wada-tashiga ah oo ah tallaabo caado u ah ka hor shirarka caadiga ah, looga golleeyahay in kor loogu qaado isku-xidhka siyaasadda ee dalalka xubnaha ka ah iyo fududaynta is-afgaradka, si gacan looga geysto guul-gaarista Shir-Madaxeedka iyo xoojinta waxqabadka wadajirka ah ee Carabta.
 
Waxa kale oo uu xusay in Guddiga Fulinta iyo Ballanqaadka ee Shir Madaxeedka Carabta uu maanta yeeshay fadhi uu shir guddoominayay Bahrain, si ey u eegaan una ansixiyaan warbixintii guddiga oo ey soo diyaariyeen wakiilada joogtada ah ee ku saabsan fulinta go’aamadii ka soo baxay shir Madaxeedkii hore ee Bahrain. Guddiga Dabagalka waxaa ka mid ah Shir-Madaxeedka Carabta Troika—Bahrain (Madax), Sacuudi Carabiya, iyo Ciraaq—iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Troika—Jordan, Yemen, iyo Imaaraadka Carabta—oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

ISHA-INA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO GENTAAL KU WEERARAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA.

(TEL AVIV)-Milateriga Israa’iil ayaa Khamiistii ku dhawaaqay iney qabteen gantaal laga soo ganay Yemen, taasoo kicisay seeriga cirka ee magaalada Qudus iyo bartamaha Israa’iil, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska. "Kadib hawl-galkii seeriga cirka ee wax yar ka hor dhowr meelood oo Israa'iil ka tirsan, gantaal laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay," ayey ciidamadu ku sheegeen hadal ey soo saareen. Axadii la soo dhaafay, militariga Israa’iil ayaa soo saaray amaro daadgureynta dadka deggan saddex dekedood oo Yemen ah: Raas Ciisa, Hodeidah, iyo Salif, Dhowr maalmood ka hor amarada daad-gureynta, Israa’iil ayaa weerar culus ku qaadday garoonka caalamiga ah ee Sanca ka dib markii gantaalka Xuutiyiinta uu ku soo dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion oo ka baxsan magaalada Tel Aviv. Ka hor weerarka cirka, militariga Isra’iil ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in laga guuro meelaha ku hareeraysan garoonka diyaaradaha ee Sanca. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gasa bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta Yemen waxay qaadeen weeraro gantaallo iyo kuwa aan duuliye lahayn oo soo noqnoqda oo Israa'iil ey ku taageerayaan Xamaas. Iyaga oo ka jawaabaya, Ciidanka Cirka ee Israa’iil waxay beegsadeen goobaha Xuutiyiinta ee Yemen. Waxay sidoo kale ballaariyeen ololahooda ka dhanka ah Maraakiibta ku xiran Mareykanka iyo Ingiriiska si ey uga jawaabaan weeraradii ey labada dal bilaabeen horaantii 2024-kii. Si kastaba ha ahaatee, bishii Maarso, Mareykanka ayaa bilaabay olole xooggan oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen, isagoo billaabay weeraro maalinle ah, ka hor inta uusan Trump si lama filaan ah ugu dhawaaqin is dhiibitaanka kooxda laba toddobaad ka hor. Todobaadki hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la hakinayo duqeymaha Mareykanka uu ku hayo bartilmaameedyada Xuutiyiinta, waxaana Cumaan ey markii dambe ku dhawaaqday iney dhexdhexaadisay heshiis xabad joojin ah. Xuutiyiintu waxay muujiyeen rabitaankooda ah iney ixtiraamaan xabbad joojinta Maraykanka ilaa inta Washington ey ku dheggan tahay, laakiin mowqifkooda ku aaddan Israa'iil ayaa weli ah mid cadawtinimo ah. Ka dib heshiiskii ey Maraykanka iyo Cumaan la galeen Xuutiyiinta, sarkaal ka tirsan ammaanka Israa’iil ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu aanu qayb ka ahayn heshiiska, isagoo ku dhawaaqay iney sii wadayaan duqeynaha ey ku beegsnayaan bartilmaameedyada Yeman.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO SACUUDIGA OO KALA SAXIIXDAY…

(SAWIRKA)-CALAMAD SACUUDIGA IYO MARAYKANKA.

(SAUDI ARABIA)-Boqortooyada Sacuudiga waa mid ka mid ah Ganacsiga ugu muhiimsan ee Maraykanka ee Bariga Dhexe Xaddiga Ganacsiga ee labada dal waxa uu gaaray 603.14 Bilyan Riyal Sacuudi 5-tii sano ee la soo dhaafay. Mugga Ganacsigu wuxuu ka kordhay Sacuudi Riyaa (86.17) Bilyan sannadkii 2020 ilaa Sacudi Riyaal(114.07) Bilyan ee Sannadkii 2021, ka dibna u booday sanadkii xigay Sacudi Riyaal (152.12) Bilyan ee Sannadkii 2022, waxa uuna gaaray lacag dhan Sacuudi Riyaal (129.08) Bilyan ee Sannadkii 2023, iyo ugu dambayntii kor u dhaaftay Sacuudi Riyaal(121.24) ee Sannadkii 2024-kii. Ganacsiga dibadda ah ee Maraykanka, 5-tii sano ee la soo dhaafay, oo u dhiganta 46.92 Bilyan Riyal. Boqortooyada Sacuudiga waxay diiwaangelisay faa’iidooyin Ganacsi oo kala dhexeeya Mareykanka sannadada kala ah 2020, 2021, 2023, iyo 2024. Badeecadaha Boqortooyada ee loo dhoofiyo Mareykanka waxay gaarayeen Sacuudi Riyaal 278.11 bilyan shantii sano ee la soo dhaafay, marka la barbar dhigo alaabada la soo dejiyo oo qiimaheedu yahay Sacuudi Riyaal 325.03 bilyan. Tan iyo bilawgii 2025-kii, qiimaha badeecadaha Sucuudigu u dhoofiyo Maraykanka waxa uu gaartay 5.86 Bilyan oo Riyaal labadii bilood ee ugu horeeysay sannadkan, marka loo eego badeecadaha la soo dejiyo oo gaaraya 10.97 Bilyan oo Riyaal, taas oo wadarta guud ee sarrifka ganacsiga muddadaas ka dhigaysa 16.83 Bilyan oo Riyaal. 8-dii Maarso, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu booqdo Sacuudi Carabiya, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Boqortooyada ey maqaam gaar ah ku leedahay Mareykanka iyadoo ey uga mahadcelinayaan madaxdeeda gaarka ah. Jan 23, 2025, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud, ahna Ra’iisul Wasaaraha, ayaa telefoon kula xiriiray Madaxweyne Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka. Inta lagu guda jiro baaqa, Amiirka Dhaxalsugaha ayaa xaqiijiyay rabitaanka Boqortooyada Sacuudiga ee ah iney ballaariso maalgashigeeda iyo xiriirka ganacsi ey la leedahay Mareykanka afarta sano ee soo socota qiimo dhan 600 Bilyan oo doolar, iyadoo suurtagal ah iney sii kordhiso haddii ey soo baxaan fursado dheeri ah.

ISHA-MN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAALKA FARANSIISKA IYO ALJEERIYA OO SII XUMAADAY.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA FRANCES-KA.

(PARIS)-Faransiiska ayaa eryi doona dublamaasiyiinta Aljeeriya si ey uga jawaabaan qorshayaasha Aljeris ey ku doonayaan iney saraakiil badan oo Faransiis ah ugu soo diraan dalkooda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jean-Noël Barrot ayaa Arbacada sheegay, iyadoo xiriirka dalalkaas uu sii xumaanayo. Xiriirka Aljeeriya iyo Faransiiska oo horey u gumeysan jiray dalka ugu weyn Afrika ee dhul ahaan, ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa dhibaatooyin xiriir ah. Barrot ayaa u sheegay telefiishanka BFMTV in uu u yeeri doono masuulka Aljeeriya si uu ugu wargaliyo go’aanka uu ku sheegay “in uu wakhtigan xaadirka ah la jaanqaadi karo” tillaabada Aljeeriya, kaas oo uu ku tilmaamay “mid aan cudur daar lahayn oo aan sabab lahayn”. Waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu hadda “gabi ahaan go’ay”. Barrot ayaa mar hore Isniintii ku dhawaaqay in Faransiisku uu "si deg deg ah, adag" uga jawaabi doono ka dib markii Aljeeriya ey u yeeray sii-hayaha Safaaradda Faransiiska ee Aljeris Axaddii si ey ugu wargeliso cayrinta Saraakiisha Faransiiska ee dhulka Aljeeriya. Saraakiisha ey khusayso ayaa ku sugan hawlo xoojin ku meel gaar ah, ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay, iyada oo aan la cayimin inta ey le'eg tahay inta ey khusayso iyo goorta cayrintan ey dhaqan galayso. Faransiiska ayaa bishii April amar ku bixiyay in dalka laga eryo 12 diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Qunsuliyada Aljeeriya, waxayna u yeereen Safiirkooda, ka dib markii Aljeeriya ey amar ku bixisay in 12 sarkaal oo Faransiis ah ey baxaan, taasoo jawaab u ah xarigga sarkaal Aljeeriyan ah oo lagu xiray Faransiiska. Xiriirka ayaa xumaaday sannadkii hore markii Faransiisku aqoonsaday madaxbannaanida Morocco ee Saxaaraha Galbeed ee lagu muransan yahay, halkaas oo Aljeeriya ey taageerto madax-bannaanida Polisario Front. Xiriirku wuu sii xumaaday markii Aljeeriya ey xirtay oo xabsiga dhigtay qoraaga Faransiiska-Aljeriya Boualem Sansal bishii Nofembar isagoo lagu eedeeyay Amniga Qaranka. Sidoo kale dhibaatooyinka wakhtigan jira, xiriirka waxa hareeyay dagaalkii 1954-1962 ee horseeday xornimada Aljeeriya ee Faransiiska.

ISHA-FRANCE24.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNE MAXAMED OULD OO LA XUKUMAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNIHI HORE EE MURITANIYA.

(NOUAKCHOTT)-Maxkamadda Racfaanka ee caasimadda Muritaaniya ee Nouakchott ayaa Arbacada ku xukuntay 15 sano oo xarig ah Madaxweynihii hore ee Muritaniya Mohamed Ould Abdel Aziz, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku takri falay xilkiisa iyo wax isdaba marin. Maxkamadda darajada koowaad ayaa Ould Abdel Aziz ku xukuntay shan sano oo xarig ah Diseembar 2023. Waxa ey dacwadu ka socotay Maxkamadda Racfaanka tan iyo Noofembar 13, 2024, oo ey weheliyaan dhowr sarkaal oo sar-sare iyo saaxiibo, oo ey ku jiraan laba Raysal Wasaarayaal hore, Wasiiro hore, iyo Ganacsato, oo lagu eedeeyay "Xoojinta Sharci-darrada ah," "ku-takri-falka saamaynta," iyo "lacag la'aan." Maxkamaddu waxay kaloo taageertay in Madaxweynihii hore lagala wareegay hantidii iyo xuquuqdii muwaadinimo ee laga qaaday. Xukunka racfaanka ayaa dharbaaxo cusub ku ah Ould Abdel Aziz, oo xirnaa tan iyo 24-kii Janaayo, 2023, ka dib markii uu bilo xabsiga ku jiray 2021-kii intii uu xilka hayay, Mohamed Ould Cheikh El Ghazouani, oo ahaa mid ka mid ah dadka aadka ugu dhow, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

LAGA BILAABO 2008 ILAA 2019:

Waxaa xusid mudan in Ould Abdel Aziz, oo 69 jir ah, uu ku jiray xabsiga tan iyo markii ugu horeysay ee maxkamadeyntiisa ey bilaabatay Janaayo 2023. Madaxweynihii hore ayaa ahaa Jeneraal ka tirsan ciidamada Muritaaniya, waxaana uu dalkaasi xukumayay 2008 ilaa 2019. Isla markii uu baxay, baarlamaanka ayaa sameeyay guddi baaritaan ku sameeya mudadii uu xilka hayay, isagoo bilaabay mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu xiisaha badnaa ee taariikhda Muritaaniya. Dadka reer Muritaaniya ayaa ku tilmaamay Maxkamadaynta Madaxweynahoodii hore "Kiiska Tobanka sano," iyaga oo ula jeeda tobankii sano ee Ould Abdel Aziz uu xukunka hayay. Waxa kale oo kiiskan ku jira 17 qof oo kale oo ey ku jiraan Wasiirro hore, Ganacsato, Xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo xubno ey isku dhow yihiin.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWEYT IYO LUBNAAN OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-AMIIRKA KUWEYT IYO MW-CAWN.

(BEIRUT)-Reysal Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa booqasho lama filaan ah Talaadadada maanta ah ku tagay Garoonka Caalamiga ah ee Rafiiq AL-Xariri ee Beyrutt si uu dib ugu eego tallaabooyinka duulimaadka iyo badbaadada. Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay in uu dayactiro xaruntan oo ah albaab ifaya oo Lubnaan uga soo gala caalamka. Salam, oo uu weheliyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Faa’iz Rasamani, ayaa kulan la qaatay Madaxa Ammaanka ee Garoonka Diyaaradaha Sareeya Guuto. Fadi Kafuuri iyo saraakiil kale. Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Salaam, masuuliyiinta garoonku waxay uga warbixiyeen "tallaabooyinka la hirgeliyey si kor loogu qaado ammaanka iyo badbaadada garoonka, fududaynta gelitaanka iyo bixista dadka socotada ah, dardargelinta hawlaha gaadiidka, yaraynta wakhtiyada sugitaanka iyo horumarinta guud ee khibradda safarka." Booqashadan ayaa fulisay codsi ka yimid safiirada dalalka Khaliijka u jooga Lubnaan, kuwaasoo kulan la yeeshay Salaam todobaadkii hore, si ay u dhiirigeliyaan dib u soo celinta dalxiisayaasha Khaliijka ee Lubnaan. Madaxweynaha Lubnaan Josaf Cawn ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay Kuwayt Isniintii, taasoo ay ku jirtay wada hadalo uu Amiir Sheikh Mishal AL-Ahmad Al-Jaber AL-Sabah kula yeeshay Qasriga Bayan. Amiirka ayaa muujiyay sida ay Kuwayt uga go’an tahay xoojinta xiriirka Lubnaan iyo Khaliijka iyo Carabta. Lubnaan waxay haysataa fursad taariikhi ah oo ay ku qeexdo mustaqbalkeeda kana gudubto dhammaan caqabadaha hore, ayuu yidhi. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan, Amiirka Kuwayt ayaa muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday shirkii Safiirada Wadamada Khaliijka ay la yeesheen Raysal Wasaaraha Lubnaan, kaas oo looga hadlay dib u celinta muwaadiniinta Golaha Iskaashiga Gacanka ee Lubnaan. AL-Sabaax ayaa sidoo kale bogaadisay iskaashiga dhanka ammaanka ee labada dal, waxaana ay cambaareysay weerarada Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan. Dhanka kale, ciidamada UNIFIL ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay heleen in ka badan 225 hub oo kayd ah oo laga helay Koonfurta Wabiga Litani. Dhammaan hubka waxaa lagu wareejiyay maamulka militariga Lubnaan. Bayaan ka soo baxay UNIFIL ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Lubnaan iney dib u dhiseen joogitaanka in ka badan 120 jagooyin joogto ah oo ku yaal Koonfurta Lubnaan iyagoo taageero nabad ilaalin ah. Si kastaba ha ahaatee, soo gelitaanka xadka oo dhammaystiran ayaa weli waxaa caqabad ku ah "joogitaanka milatariga Israa'iil ee dhulka Lubnaan."

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYNTII KA QAADAYA SURIYA.

(SAWIRKA)-MW-TRUMP.

(RIYAD)-Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu u dhaqaaqi doono sidii uu caadi uga dhigi lahaa xiriirka isla markaana uu cunaqabateynta ka qaadi doono dowladda cusub ee Suuriya si dalka loo siiyo “fursad nabadeed”. Trump ayaa lagu wadaa in Arbacada uu Sacuudiga kula kulmo Madaxweynaha Suuriya Axmad AL--Sharac, oo ahaa ninkii waday amam hogaaminaayey kacdoonkii sanadkii hore afgambigii lagu sameeyay hogaamiyihii hore ee Bashaar Assad. Waxa uu sheegay in dadaalka isku soo dhawaanshaha uu ku yimid dhiirigelinta dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan . "Waxaa jirta dowlad cusub oo rajeyneysa inay guuleysato," ayuu Trump ka yiri Suuriya, isagoo raaciyay, "Waxaan leeyahay nasiib wacan, Suuriya. na tus wax gaar ah." Arrimahan ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Suuriya oo mar lagu xiray dalka Ciraaq doorkii uu ku lahaa kacdoonka ka dhashay duulaankii Maraykanku hogaaminayey ee 2003dii lagu qaaday dalka Carabta. AL-Sharac ayaa loo magacaabay Madaxweynaha Suuriya bishii Jannaayo, bil ka dib weerar cajiib ah oo ay qaadeen kooxaha fallaagada ah ee uu hoggaamiyo Ururka AL-Sharac ee Hayat Tahrir AL-Sham ama HTS oo xoog ku galay Dimishiq oo soona afjaraya xukunka 54-ta sano ah ee qoyska Asad. Mareykanka ayaa miisaamayay sida laga yeelayo AL-Sharaa tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii December. Hogaamiyayaasha Khaliijka, ayaa ku taageeray xukuumadda cusub ee Dimishiq, waxayna doonayaan in Trump uu raaco, iyagoo aaminsan inay difaac u tahay in Iran ay saameyn ku yeelato Suuriya, halkaasoo ay ka caawisay dowladda Bashaar AL-Asad muddada tobanka sano ah ee dagaalka sokeeye uu socday. Madaxweyne Joe Biden ayaa go'aanka u daayay Trump, kaasoo maamulkiisu uusan wali si rasmi ah u aqoonsan dowladda cusub ee Suuriya. Cunaqabataynta lagu soo rogay Dimishiq intii uu xukunka hayay Assad ayaa sidoo kale weli taagan. "Madaxweynuhu wuxuu aqbalay inuu salaan u diro Madaxweynaha Suuriya inta uu ku sugan yahay Sucuudiga berri," Aqalka Cad ayaa yiri ka hor hadalka Trump. Faallooyinku waxay muujinayaan isbeddel la yaab leh oo ku saabsan codkii Trump oo ay isku dhaceen Israa'iil oo ay muddo dheer xulafada ahaayeen Maraykanka, taasoo si weyn uga shakisanayd xagjirnimada AL-Sharac oo hore uga digay inay si degdeg ah u aqoonsato dawladda cusub. AL-Sharac oo hore loogu yiqiin Ururka MONE DE GUERRE Abu Mohammed AL-Golani ayaa ku biiray safka hore ee falaagada AL-Qaacida ee dagaalka kula jirta ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ka dib duulaankii Maraykanku ku qaaday dalka Ciraaq sannadkii 2003-dii, waxana uu weli wajahayaa waaran lagu soo xiraayo isagoo lagu eedaynayo Argagixisanimo oo uu ka geystay Ciraaq. AL-Sharac, oo Mareykanku mar u yaboohay 10 Milyan oo doolar si loo helo xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay, sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay AL-Qaacida, ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dagaalladu ka bilowdeen 2011-kii oo uu hoggaaminayay faraca AL-Qaacida ee loo yaqaannay Jabhadda Nusra. Ka dib waxa uu u bedelay magacii kooxdiisii ​​oo uu u bixiyay Hayat Tahrir AL-Sham (HTS) wuxuuna jaray xiriirkii uu la lahaa AL-Qaacida. AL-Sharac ayaa lagu wadaa in uu noqdo hogaamiyihii ugu horeeyay ee Suriyaan ah oo la kulma Madaxweyne Mareykan ah tan iyo markii uu dhintay Hafez Assad uu kula kulmay Bill Clinton magaalada Geneva sanadkii 2000.

ISHA-FARNCE24.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALIYE C/QANI AL-KIKLI OO LAGU DILAY TRIPOLI.

(SAWIRKA)-C/QANI KIKLI.

(TRIPOLI)-Magaaladda Tripoli ee ah caasimadda dalka Liibiya ayaa maanta oo Isniin ah habeenimadeeda waxaa ka dhacay dagaala adag, ka dib markii ey halkaasi ey qarxeen dagaalo baahsan oo sababay dhimashada C/qani AL-Kikli oo ahaa Taliyaha Qeybta ”Taageerada Xasiloonidda”. iska hor imaadka ayaa socday muddo saacada ah,waxa uuna cabsi ku abuuray dadka rayidka ah. Arrintu waxa ey soo afjarantay ka dib markii Guutada 444-aad ey la wareegeen gacan ku haynta degaanka Abu Saliim oo ah Xarunta Ciidamadda Xasillinta,iyadoo Wasaaradda G/dhiga ee dawladda Liibiya ey ku dhaawaqday iney la wareegtay xaaladda. Taliyaha Guutada 444-aad ee dagaalka Maxamud Xamsa,ayaa u sheegay Tv-RT”Seddex saacadood ayaa ku filan in si guul leh loo fuliyey hawlgal sax ah oo ey hogaaminayaan Guutada 444-aad ee dagaalka iyo Guutada 111-aad ee ka dhan ah dembiileyaasha ugu naxariista daran dalka tan iyo 2011-kii”. Wasaaradda G/dhiga ayaa tiri” Wasaaradda G/dhiga waxay xaqiijineysaa in hawlgalka Mileteri uu si guul ah ku soo dhammaaday”. War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray,”Wasaaraddu waxay siisay awaamiir si ey u dhammaystirto qorshaheeda Gobolka si loo sugo ilaalinta Amniga iyo Xasiloonidda. Wasaaradda G/dhiga ee Xukuumadda Midnimo Qaran ayaa sidoo kale xaqiijisay iney gacanta ku heyso dhammaan xarumaha Hayadda Taakuleynta iyo Xasillinta. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Midnimo Qaran ayaa horay ugu baaqday dhammaan mawaadiniinta ku sugan aaga Tripoli “Iney go’aansadaan iney guryahooda joogaan oo eysan dibadda u bixin,si loo ilaaliyo amaankooda”. Madaxa Xukuumadda Midnimo Qaran,C/xamiid Dabeybah,ayaa ku tilmaamay wixi maanta ka dhacay Tripoli iney tahay guul weyn oo xaqiijineysa awooda Hayadaha caadiga ah ey u leeyihiin ilaalinta dalka hooyo iyo ilaalinta mawaadiniinta iyo talaabo go’aan ah oo loo qaaday sidii loo soo afjari lahaa kooxaha aan nidaamka lahayn. Reysal Wasaaraha Xukuumada Midnimo Qaran ayaa bogaadiyey Wasaaradaha G/dhiga iyo Arrimaha Gudaha, waxa uuna ku amaanay sugidda amaanka iyo soo rogidda awoodo dawladeed ee gudaha caasimadda Tripoli. Wasaaradda G/dhiga ee Xukuumadda Midnimo Qaran ee dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqday in si guul ah loo soo gabagabeeyey hawlgalkii Mileteri ee ka socday magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Goor sii horeysay, ilo wareedyo Mileteri ayaa xaqiijiyey dilka C/qani Kikli oo ahaa Taliyaha qeybta Taageeradda iyo Xasillinta ee Tripoli. Caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa laga dareemayaa Horumaro dhinaca amaanka ah, iyadoo ey socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ey iska kaashanayan Ciidamada Taageeradda iyo Xasilloonidda ee fadhigoodu yahay Caasimadda iyo Ciidamadda isku dhafka ah ee ka hawlgala magaaladda Misrata.

ISHA-WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-AL-SHARAC OO AAN KA QEYBGELEYN SHIRKA BAQDAAD.

(SAWIRKA)-MW-AXMED AL-SHARAC.

(SYRIA)-Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Isniinta maanta ah la xaqiijiyey in Madaxweynaha dalka Suriya Axmed AL-sharac uusan ka qeybgeli doonin shir Madaxeedka Carbeed ee ka dhici doono dalka Ciraaq. Dhinaca kale, ilo diblomaasiyadeed oo Carab ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in Madaxweynaha dalka Suriya Axmed AL-sharac inuusan ka qeybgeli doonin Shirka Ururka Jaamicadda Carabta ee sabtida ka furmi doono magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq,ka dib markii uu aqbalay martiqaadka rasmiga ah, laakinse martiqaadka AL-sharac loo fidiyey ayaa la kulmay dhaleeceyn kulul oo kaga timid Siyaasiyiin caan ah oo reer Ciraaq kuwaaso taageersan dawladda Iraan iyo taageerayaashood reer Ciraaq. Ilahan ayaa sharaxay in “Madaxweynaha Suriya Axmed AL-sharac uusan ka qeybgeli doonin shir Madaxeedka 34-aad ee Ururka Jaamicadda Carabta oo la qorsheeyey in lagu qabto caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad taariikhdu markeey tahay 17/5/2025-ka. Waxa uu tilmaamay in “Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suriya Md.Asad AL-sheybaani uu hogaamin doono wafdiga dalkiisa uga qeybgelaayo shirka”. Tan iyo markii la afgembiyey Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad, dalka Ciraaq waxa uu si taxadar leh u wajahaayey dalka Suriya,taaso iyadana rajeyneysay iney xiriir dhaw la yeealato deriskeeda. Wafdi ka socdo dalka Ciraaq uuna hogaaminaayo Madaxa Hayadda Sirdoonka Ciraaq Md.Xamiid AL-shadhari ayaa booqasho ku tegay Dimishiq dabayaaqadii bishii hore, waxayna la kulmeen MW-AL-sharac iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda,waxa eyna ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada Amniga,Ganacsiga iyo la dagaalanka Argagixisada. Ciraaq oo ey ka muuqatay xasilooni ka dib afartan samo oo colaad iyo dagaalo ah ayaa dejisay”Qorsheyaal amaan oo dhammaystiran”si loo ilaaliyo Madaxda ka qeygeleyso shir Madaxeedka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq Md.C/amiir AL-shamari ayaa ku xaqiijiyey waraysi uu siiyey Tv-ga AL-Carabiya todobaadkii hore. Mar wax laga weydiiyey damaanad qaadka in Madaxweyne AL-sharac ka qeybgelaayo shirka, AL-shamari ayaa yiri”Nama weydiin wax damaanad ah oo Amaankiisa ah,talaabooyinka amaankayaguna waa kuwa dhammaystiran qof walba,dhammaan martidana si isku mid ah ayey muhiim u yihiin”. Isagoo shir Madaxeedkan uu ku soo beegamay,ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq ey sabtidii ku dhawaaqday mamnuucidda banaanbaxyada “Laga bilaabo 11-ka ilaa 20-ka bisha shanaad,iyadoo la ciqaabo doono qof kasta oo isku daya inuu Mudaaharaad sameeyo.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO SII DEYN DOONTO EDAN ALEXANDER.

(SAWIRKA)-EDAN ALEXANDER.

(TEL AVIV)-Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas ay ku sii deyn doonto Edan Alexander 'si shuruud la'aan ah,' waxaa laga yaabaa inay horseeddo heshiis ballaaran.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu ku wargeliyay Israa'iil in Xamaas ay sii dayn doonto la haystaha Edan Alexander "iyadoon wax magdhow ah ama shuruudo ah lagu xirin," iyo si ay u muujiso niyad samida Mareykanka. "Maraykanku waxa uu u gudbiyay Israa'iil in tillaabadan la filayo in ay horseeddo wada xaajoodyo lagu sii deynayo la haystayaal dheeraad ah, oo ku salaysan qaabkii asalka ahaa ee Witkoff - kaas oo Israa'iil ay horay u aqbashay," Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa bayaan ku sheegay, iyada oo tixraacaysa soo jeedinta ergeyga gaarka ah ee Maraykanka, kaas oo bixiya sii deynta ku dhawaad ​​​​kalabar la haystayaasha nool si loogu beddelo xabbad joojin dheeraad ah. Israa'iil waxay diyaarinaysaa suurtagalnimada in sii daynta la haystayaasha dheeraadka ah ay rumowdo, Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa yiri, iyada oo intaa ku dartay "In si waafaqsan Siyaasadda Israa'iil, Wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan dab, iyada oo ay si adag uga go'an tahay in la gaaro dhammaan ujeedooyinka dagaalka." Dhinaca kale, dawladaha Masar iyo Qadar ayaa soo dhaweeyey ku dhawaaqista Xamaas ee ah iney sii deyn doonto la haystaha Isra’iil ee haysto dhaashada Maraykanka Edan Alexander ee lagu haysto Marinka Gaza. War qoraal ah ey si wadajir ah ey soo saareen dalalka Masar iyo Qadar oo uu ku wehliyo Maraykanka ayaa ah dhexdhexaadiyeyaasha Xamaas iyo Isra’iil,ugu yaraan Tusaale niyad wanaaga ah iyo talaabo dhiirigelin ah oo ku wajahan ku noqoshada miiska wada xaajoodka si loo gaaro xabad-joojin Marinka Gaza,sii deynta Maxaabiista iyo in la hubiyo qulqulka gargaarka ee badbaado iyo caqabada la’aan ah si wax looga qabto xaaladaha naxdinta leh ee ka jira Marinka Gaza. Isra’iil iyo Maraykanka ayaa muuqdo iney kala furteen isla shaqeyntii dhinaca Xuutiyiinta iyo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas.

SHA-IT.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERAR DHINACA CIRKA AH KU QAADAY YEMAN.

(SAWIRKA)-BAABUUR LAGU GUBAY DEKEDA RAAS CIISA.

(HODEIDA)-Israel ayaa weerartay magaalada Xudeydah ee dalka Yemen ka dib markii ciidamada Isra’iil ay sheegeen inay uga digeen dadka degan saddex dekedood oo ay Xuuthiyiinta gacanta ku hayaan inay isaga guuraan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiinta Axadii. Duqeymahan ayaa yimid wax yar ka dib markii Israa’iil ay uga digtay dadka deggan Raas Ciisa, Xudeydah iyo degmada Salif inay ka baxaan, iyadoo sheegtay in dekedaha ay adeegsadaan Xuutiyiinta ey Iran taageerto.
Ma jiro war degdeg ah oo ku saabsan weerarkan oo ka soo baxay Israa’iil. Duqeymahan ayaa yimid dhowr maalmood ka dib markii gantaal ay Xuuthiyiintu ku garaaceen Israa’iil la qabtay. Weerarkan ayaa yimid ka hor booqashadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe toddobaadkan. Trump, oo bilaabay olole militari oo la xoojiyay oo ka dhan ah xuutiyiinta Yemen 15-kii Maarso, ayaa ogolaaday heshiis xabad joojin ah oo ay Oman dhexdhexaadineysay kooxda, oo sheegay in heshiiska aysan ku jirin Isra’iil. Xuutiyiinta ayaa gantaalo iyo diyaarado Drones ah ku garaacaya Israa’iil iyagoo sidoo kale weerar ku qaadaya Maraakiibta marta marinka caalamka, olole ay ku sheegeen inuu yahay mid ay ku muujinayaan garab istaaga Falastiiniyiinta ku sugan Gaza. Israa’iil ayaa marar badan duqeymo aargoosi ah ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALJEERIYA OO DALKEEDA KA ERISAY LABA SIRDOON OO FARANSIIS AH.

(SAWIRKA)-CALANKA ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaa eryay laba Sarkaal oo Sirdoon Faransiis ah Axada maanta ah, ka dib markii ey dalkaasi ku soo galeen “Baasabooro dublamaasiyadeed oo Been Abuur ah”, taasoo calaamad cusub u ah xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa labada waddan. Sida laga soo xigtay TV-ga caalamiga ah ee Aljeeriya, oo ah kanaalada wararka ee ey dowladdu maamusho, labada shaqsi waxay ka hoos shaqeynayeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Agaasinka Amniga Gudaha waxayna “ku guuldareysteen iney u Hoggaansamaan Nidaamka Sharciga ah” markii ey soo galeen dhulka Aljeeriya. Warfidiyeenka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “Weecasha” ah oo uu soo Agaasimay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Bruno Retailleau. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Faransiiska oo la xiriira cayrintaas. Arrintan ayaa imanaysa toddobaadyo ka dib markii Aljeeriya ey eriday 12 ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda Faransiiska horaantii bishii April, taas oo ey uga Aargudanayso xariga shaqaale Qunsuliyadda Aljeeriya ee Paris oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha Afduubka Mucaaradka Aljeeriya. Faransiiska ayaa markii dambe ka jawaabay inuu eryay 12 diblomaasiyiin ah oo Aljeeriyaan ah, wuxuuna u yeeray Safiirkoodii Aljeris si uu wadatashi ula yeesho. Dhaqdhaqaaqyadan Aarsiga xanuunka badan(TIT-FOR TAT)-KA ah ayaa daba socday xiriir kooban oo ah ka dib markii ey wada hadleen Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune iyo dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, dabayaaqadii bishii Maarso, iyo booqasho uu Aljeris ku tagay Wasiiru Dowlaha Faransiiska ee Yurub Jean-Noel Barrot 6-dii Abriil, inta lagu guda jiray labada dhinacba waxay ballan qaadeen iney dib u bilaabayaan habab iskaashi oo laba geesood ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Aljeeriya iyo France ayaa weli ah mid aan hagaagsanayn, gaar ahaan arrimaha aan la xallin ee ka dhashay gumaysigii Faransiiska ee Aljeeriya intii u dhaxaysay 1830 ilaa 1962.

ISHA-AA.

Read More