KUWEYT IYO LUBNAAN OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-AMIIRKA KUWEYT IYO MW-CAWN.
(BEIRUT)-Reysal Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa booqasho lama filaan ah Talaadadada maanta ah ku tagay Garoonka Caalamiga ah ee Rafiiq AL-Xariri ee Beyrutt si uu dib ugu eego tallaabooyinka duulimaadka iyo badbaadada. Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay in uu dayactiro xaruntan oo ah albaab ifaya oo Lubnaan uga soo gala caalamka. Salam, oo uu weheliyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Faa’iz Rasamani, ayaa kulan la qaatay Madaxa Ammaanka ee Garoonka Diyaaradaha Sareeya Guuto. Fadi Kafuuri iyo saraakiil kale. Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Salaam, masuuliyiinta garoonku waxay uga warbixiyeen "tallaabooyinka la hirgeliyey si kor loogu qaado ammaanka iyo badbaadada garoonka, fududaynta gelitaanka iyo bixista dadka socotada ah, dardargelinta hawlaha gaadiidka, yaraynta wakhtiyada sugitaanka iyo horumarinta guud ee khibradda safarka." Booqashadan ayaa fulisay codsi ka yimid safiirada dalalka Khaliijka u jooga Lubnaan, kuwaasoo kulan la yeeshay Salaam todobaadkii hore, si ay u dhiirigeliyaan dib u soo celinta dalxiisayaasha Khaliijka ee Lubnaan. Madaxweynaha Lubnaan Josaf Cawn ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay Kuwayt Isniintii, taasoo ay ku jirtay wada hadalo uu Amiir Sheikh Mishal AL-Ahmad Al-Jaber AL-Sabah kula yeeshay Qasriga Bayan. Amiirka ayaa muujiyay sida ay Kuwayt uga go’an tahay xoojinta xiriirka Lubnaan iyo Khaliijka iyo Carabta. Lubnaan waxay haysataa fursad taariikhi ah oo ay ku qeexdo mustaqbalkeeda kana gudubto dhammaan caqabadaha hore, ayuu yidhi. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan, Amiirka Kuwayt ayaa muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday shirkii Safiirada Wadamada Khaliijka ay la yeesheen Raysal Wasaaraha Lubnaan, kaas oo looga hadlay dib u celinta muwaadiniinta Golaha Iskaashiga Gacanka ee Lubnaan. AL-Sabaax ayaa sidoo kale bogaadisay iskaashiga dhanka ammaanka ee labada dal, waxaana ay cambaareysay weerarada Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan. Dhanka kale, ciidamada UNIFIL ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay heleen in ka badan 225 hub oo kayd ah oo laga helay Koonfurta Wabiga Litani. Dhammaan hubka waxaa lagu wareejiyay maamulka militariga Lubnaan. Bayaan ka soo baxay UNIFIL ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Lubnaan iney dib u dhiseen joogitaanka in ka badan 120 jagooyin joogto ah oo ku yaal Koonfurta Lubnaan iyagoo taageero nabad ilaalin ah. Si kastaba ha ahaatee, soo gelitaanka xadka oo dhammaystiran ayaa weli waxaa caqabad ku ah "joogitaanka milatariga Israa'iil ee dhulka Lubnaan."
ISHA-AN.