(SURIYA):KOOXDA DAACISH OO WEERARTAY KOOXDA SDF.

(SAWIRKA)-CALANKA ARGAGIXSADA.

(CAIRO)-Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya ee uu Maraykanku taageero,koox maleeshiyaad ah oo ey hogaminayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta ayaa Isniinta maanta ah sheegay in mid k mid ah dagaalayahanadooda la dilay mid kalane lagu dhaawacay weerar ey kooxda Daacish ku qaaday Bariga Gobolka Diir-El-Zuur ee dalka Suriya. Kooxda Dimuqaraadiayadda Suriya ayaa ahayd ciidankii ugu weynaa ee xulafadda la ahaa dalka Maraykanka gudaha dalka Suriya intii uu socday dagaalka lagag adkaaday kooxda Daacish sannadkii 2019-kii ka dib markii ey kooxda Daacish ey ku dhawaaqday Khilaafada ka dhanka ah wadamadda Suriya iyo Ciraaq,kooxda xoogaga Dimuqaraadiga Suriya ayaa bishii Maarso-2025-ka waxa ey heshiis la galeen dawladda Suriya oo ey hadda hogaaminayaan maleesgiyaadkii hore ee afgembiyey Madaxweyne Bashaar AL-Asad dhammaadkii sannadkii 2024-kii. Maamulka cusub ee Suriya ayaa dagaal la galay dagaalyahanada Daacish gaar ahaan bishii hore, Dacish waxa ey dileen shan ka mida ah dagaalyahanda Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya(SDF),waane mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahaan lala beegsaday kooxda SDF.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

LIIBIYA OO EY KA JOOGSADEEN DAGAALADDII.

Next
Next

INGIRIISKA,KANADA IYO FARANSISKA OO U HANJABAY ISRA’IIL