INGIRIISKA,KANADA IYO FARANSISKA OO U HANJABAY ISRA’IIL
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(GAZA)- Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada ayaa ku hanjabay in dalalkooda ey qaadi doonaan tallaabo haddii Israel eysan joojin duullaanka militari ee kasoo cusboonaaday Marinka Gaza, eyna ka qaadin Xayiraadaha dhanka Gargaarka ah. Bayaan ey si wadajir ah u soo saareen saddexda dal oo ey daabacday dowladda Ingiriiska ayaa lagu yiri, “Ka hortagga dowladda Israa’iil ee gelitaanka Gargaarka Bini’aadantinimo ee muhiimka ah ee dadka rayidka ah waa mid aan la aqbali karin, waxayna xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah ee Bini’aadantinimada”. War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, "Waxaan ka soo horjeednaa isku day kasta oo lagu ballaarinayo deegaamaynta Daanta Galbeed, kama labalabayn doono inaan qaadno tallaabo kale oo ey ku jirto cunaqabatayn lala beegsanayo."
Oggolaanshaha in gargaarku soo galo:
Dhanka kale, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 22 waddan, oo ey ku jiraan Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Kanada, Japan, iyo Australia, ayaa ugu baaqay Israa’iil “iney dib u fasaxdo in si buuxda oo deg deg ah loo galo Gaza” iyada oo ey kormeerayaan Qaramada Midoobay iyo ururada aan dowliga ahayn. Bayaan ey si wada jir ah u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Bini’aadantinimada “aysan taageeri karin” habka cusub ee Gargaarka lagu gaarsiinayo Gaza oo ey qaadatay Israel. Qiiq ayaa sare u kacay ka dib duqayn ey diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Khan Yunis, ee Koonfurta Marinka Gaza. Maamulka Israa’iil ayaa Isniintii ku dhawaaqay in gawaari sida cunnada dhallaanka ah ey gudaha u galeen dhulka Falastiiniyiinta, oo ey go’doomiyeen in ka badan laba bilood.
GELIDDA SHAN BAABUUR:
Dhankeeda,Israa'iil waxay sheegtay in shan baabuur oo kuwa xamuulka ah oo Qaramada Midoobay ah ey galeen Marinka Gaza, taasoo ah Gargaarkii ugu horeeyay ee la gaarsiiyo tan iyo markii la fududeeyay go'doominta lagu soo rogay 2-dii Maarso. "Maanta, shan baabuur oo Qaramada Midoobay ah oo ey ku raran yihiin Gargaar Bini'aadantinimo, oo ey ku jiraan cunnada carruurta, ayaa soo galay Marinka Gaza iyagoo sii maray isgoyska Kerem Shalom," Isuduwaha Hawlaha Dawladda ee Territories (COGAT) ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Tom Fletcher, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada, ayaa sheegay in Israa'iil ey ogolaatay in sagaal baabuur oo sida gargaar ey maanta soo galaan Marinka Kerem Shalom ee Gaza, ka dib go'doomin ballaaran oo soctay 11 toddobaad. Israa'iil waxay xannibtay dhammaan gargaarka gelitaanka Gaza tan iyo 2-dii Maarso, iyada oo ujeeddadeedu ahayd in Xamaas lagu cadaadiyo wadahadallada laguna khasbo iney sii daayaan dhammaan la haystayaasha harsan, iyada oo aan si cad loo ballan-qaadin Xabbad-Joojin dhammaystiran.
ISHA-AA.