WADA HADALADII XAMAAS IY ISRA’IIL OO DIB U BILAW..
(SAWIRKA)-RW-NETENYAHU IYO WITKOFF.
(DOHA)-Ergayga la haystayaasha Maraykanka Adam Boehler ayaa Axadda maanta ah sheegay in wada xaajoodka Gaza ee Doha uu yahay mid aan degganayn. Waxa uu sidoo kale ABC News u sheegay in ergeyga Bariga Dhexe Steve Witkoff uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu u xaqiijin lahaa guul laga gaaro wada xaajoodka Doha. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan u cadeynay Xamaas in hadii ey doonayaan in duqeynta ey joogsadaan ey tahay iney sii daayaan la heystayaasha”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Soo jeedin dhamaystiran:
Horaantii maanta, xafiiska Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wafdiga Israa'iil ey ka shaqeynayaan sidii ey u damin lahaayeen dhammaan suurtagalnimada in heshiis laga gaaro Gaza. Xafiisku waxa uu bayaan uu soo saaray maanta ku daray in wada xaajoodka Doha ey ka hadlayaan soo jeedinta ergayga Maraykanka Steve Witkoff iyo soo jeedin dhamaystiran oo lagu joojinayo dagaalka. Waxa uu sidoo kale sharaxay in soo jeedinta ey ka mid yihiin masaafurinta Madaxda Xamaas iyo hub ka dhigista Marinka Gaza. Wuxuu yiri, "Kooxda wada xaajoodka ee Doxa waxay sii wadaan iney ka shaqeeyaan sidii ey u dhisi lahaayeen fursad kasta oo lagu soo afjari karo heshiis, ha ahaato sida ku cad soo jeedinta Witkoff ama qayb ka mid ah joojinta dagaalka, oo ey ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista, ka saarista dagaalyahannada Xamaas, iyo in laga saaro marinka."
"Ma jiro horumar la taaban karo"
Dhanka kale, sarkaal sare oo Israa'iil ah ayaa shaaca ka qaaday in "ey jiraan wax yar oo horumar ah oo laga gaaray wadahadalka Gaza ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka," sida ey sheegtay Reuters. Dhexdhexaadiyaasha Masar iyo Qatar oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa bilaabay wareeg cusub oo wadahadalo xabad joojin ah oo aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas Sabtidii, laakiin ilo ku dhow wada-xaajoodka ayaa u sheegay Reuters in wax yar oo horumar ah la sameeyay. Dhanka kale, sarkaal Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ka socda caasimadda Qatar ee Dooxa, ayaa yiri, “Xamas waxay mar walba u dabacsan tahay tirada maxaabiista ah oo ey sii deyn doonto, laakiin dhibaatadu waxay mar walba ahayd ka go’naan la’aanta Israa’iil ee ku aaddan joojinta dagaalka.
“MAWQIFKA ISRA’ILL ISMA BEDELIN.”
Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters daaha uga qaaday in Mawqifka Isra’iil aanu isbedelin,waxayna doonayaan in Maxaabiistooda loo gacangeliyo iyagoo aan wax go’aan ah ka qaadan joojinta dagaalka Marinka Gaza. Inkasta oo ila wareedyo ka tirsan Isra’iil ey ku tilmaameen wareegaan inuu yahay mid “Go’aamin”,waxa eyna ka digeen inuu guul dareysto,taaso ey sababi karto Isra’iil oo sii balaariso hawlgalkeeda Mileteri ey ka wado Marinka Gaza. Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo qiyaasaha Isra’iil ey muujinayaan in ku dhawaad 24-Maxbuus oo Isra’iil ah ey ku nool yihiin Marinka Gaza,iyadoo xukuumadda Tel Aviv ey rajeyneyso iney sii deyso 10-ka mid ah Maxaabiistaasi taaso ah talaabada ugu horeysa ee heshiis kasta.
ISHA-AA.