JABUUTI TARXIISHAY QAXOOTI REER YEMAN AH.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA YEMEN.
(DJIBOUTI)-Yemeniyiinta ku nool dalka Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujiyay olole lagu soo xirxiray oo lagu bartilmaameedsanayo dadkaas, iyagoo sheegay in maamulka maxalliga ah ey tiro ka mid ah dadkaasi u kaxeysteen saldhigyo booliska, iyadoo aan la sheegin sabab cad. Arrintan oo walaac kale sii kordhinaysa, ayaa goob-joogayaal waxay sheegeen in maamulka Jabuuti ey koox kale oo Yemeniyiin ah si qasab ah ugu tarxiileen Xeryo Qaxooti oo ku taalla Gobolka UBUKH ee saxaraha ah. Xiriiro kala duwan oo Yemaniyiintu ey saameeyeen ayaa tilmaamay in ololaha xariga uu ku bilowday si lama filaan ah laguna balaariyay shaqsiyaad muddo dheer degenaa Jabuuti oo heysta warqado deganansho oo sax ah. Talaabooyinkan ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray bulshada reer Yemen ee ku nool dalka Jabuuti, kuwaasoo ka cabsi qaba in dhibaato taas la mid ah ey ku dhacdo. Dadka ku barakacay Xeryaha UBUKH ayaa ku tilmaamay xaaladda bini'aadantinimo ee gudaha mid aad u liidata, iyagoo sabab uga dhigaya gabaabsi daran oo dhanka adeegyada aasaasiga ah iyo xaaladaha nololeed oo sii xumaanaya. Yemaniyiintu waxay ugu baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo kuwa bini’aadantinimo iney si deg deg ah u soo farageliyaan joojinta ololaha xariga iyo Musaafurinta iyo xaqiijinta ilaalinta xuquuqdooda iyo badqabkooda Djibouti. Waxa ey sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iney taageerto lagama maarmaanka u ah dadka ku barakacay Xeryaha UBUKH iyo iney daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah.
ISHA-MA.