UN-KA OO DHIMAAYO GARGAARKII SOOMAALIYA IYO YEMAN.

(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO YEMEN.

(NEW YORK)-Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday iney dib u soo celinayso hadafkeedii gargaarka bini'aadantinimo ee Yemen iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalihii laga heli jiray dalalka xubnaha ka ah. Waxa ey sheegtay in dhimistani ey halis gelinayso malaayiin qof oo ku nool adduunka oo dhan. Bishii Jannaayo Qaramada Midoobay ayaa billowday codsi ey ku dalbanayso 2.4 bilyan oo doollar si loogu caawiyo 10.5 Milyan oo qof oo ku nool Yemen ey dagaallada ka socdaan sannadkan, taasoo aad uga hoosaysa 19.5 Milyan oo qof oo ey u aragto iney u baahan yihiin gargaar. Laakiin markii la dhimay dhaqaalaha, Hay'adda caalamiga ah iyo la-hawlgalayaasheeda gargaarka bani'aadamnimada waxay dejiyeen mudnaan cusub si ey awood ugu yeeshaan iney caawiyaan ugu yaraan dadka ugu baahida badan halkaas. Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday isbeddel la mid ah istaraatiijiyadda Ukraine iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo toddobaadyadii la soo dhaafay. Hadda waxa diiradda lagu saari doonaa 8.8 Milyan oo qof oo leh miisaaniyad saadaasha ah oo dhan $1.4 bilyan, ayay tiri Stephanie Tremblay, oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Soomaaliya oo ey ka jirto rabshado iyo xasillooni la'aan, ayaa $1.4 bilyan qorshe lagu caawinayo 4.6 Milyan oo qof sidoo kale dib loogu celiyay $367 Milyan 1.3 Milyan oo qof, ayay tiri. "Tani macnaheedu maaha iney hoos u dhacday guud ahaan baahiyaha bini'aadantinimo iyo shuruudaha," Tremblay ayaa tiri. Waxay sheegtay in dhimista maalgelinta ballaaran ey ku qasbeyso barnaamijyada gargaarka bini'aadminimo iney hoos u dhigaan, "Ka dhigaysa malaayiin qofood oo ku nolol adduunka ey soo wajahayo khatar”. "Si la mid ah dhibaatooyinka kale, natiijadu waxay noqon doontaa mid aad u xun, haddii aan wax u qabano, malaayiin qof oo kale ayaa aad u gaajeysan doona oo aan helin Biyo nadiif ah, Waxbarasho, ilaalin iyo adeegyo kale oo muhiim ah," ayay raacisay. Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa hoos u dhigaya hawlahooda shaqo iyo shaqaalahooda adduunka oo dhan iyaga oo la tacaalaya dhimis weyn oo ku aaddan tabarucaadkii ey ka heli jireen waddamada xubnaha ka ah, gaar ahaan Maraykanka oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

JABUUTI TARXIISHAY QAXOOTI REER YEMAN AH.

Next
Next

CIIDAMADA AMAANKA SURIYA IYO DAACISH OO IS FARA SAARAY.