CIIDAMADA AMAANKA SURIYA IYO DAACISH OO IS FARA SAARAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.

(SYRIA)-Ilo wareedyo laga helayo AL-Carabiya iyo ayaa Sabtida maanta ah sheegay in xubin ka tirsan Ciidamada Ammaanka Suuriya lagu dilay iska horimaad dhexmaray kooxda Daacish ee Xalab. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ey qayb ka tahay hawlgal Amni oo ey bilaabeen Ciidamada Ammaanka Suuriya oo lagu baacsanayay Unugyada Daacish ee ku sugan Gobolkaasi. Sawir la faafiyay oo laga soo qaaday sarkaalkii la dilay ee ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka Suuriya, Maxamed Xijaazi, intii uu socday iska horimaadka ey la galeen Daacish. Taliska Guud ee Amniga ee Xalab ayaa ku dhawaaqay Sabti 17-kii May, iney fuliyeen howlgal ey iska kaashadeen Ciidanka Sirdoonka, kaas oo lagu beegsaday xarun ey Daacish ku leedahay Xaafadaha Bari ee Xalab. Agaasinka ayaa sheegay in natiijo horudhac ah, ey xubin ka mid ah ka takhaluseen, mid kalena ey qabteen, isla markaana ey la wareegeen hub, Walxaha Qarxa iyo dhar ey ku xardhan tahay Astaanta Nabad-sugidda Guud. Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida. Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in iska hor imaad uu ku dhex maray xubno ka tirsan Hogaanka Amniga Guud iyo Ciidamada Amniga Gudaha iyo hareeraha deegaanka AL-Jazmati ee magaalada Xalab. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada dhowr qof oo ka tirsan qeybtaasi iyo in mid ka mid ah kooxda Daacish oo isku qarxiyay suunka qarxa. Ilo-wareedyada ayaa sharaxay in "Qeybta Daacish ee iska horimaadka la gashay Ciidamada Ammaanka ee AL-Jazmati, Xalab, lagu eedeeyay iney dileen sarkaal ka tirsan Nabad-sugida todobaadkii hore." Ilo wareed is-daba joog ah ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Nabad sugida oo lagu magacaabi jiray “Maxamed Xijaazi” la dilay mid kalena uu ku dhaawacmay iska horimaad dhexmaray unugyada Daacish ee Xaafadda AL-Xaydariyah ee magaalada Xalab. Dhanka kale Waaxda La-dagaalanka Maandooriyaha ee Xalab ayaa gacanta ku dhigtay shaqsiyaad ku howlanaa ka Ganacsiga Daroogada iyo ka Ganacsigeeda. Waxaa loo gudbiyay baaritaan ku saleysan go'aan ka soo baxay Xafiiska xeer ilaalinta, taasoo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafitaanka Maandooriyaha, kaasoo saameyn xun ku leh bulshada. Iyadoo lala kaashanayo Agaasinka Amniga Guud, unug ku lug leh ka Ganacsiga Daroogada ayaa lagu xiray aagga AL-Safiir ee miyiga Xalab. Ku dhawaad ​​50,000 oo kiniinka Kabtagon-ka ah ayaa gacanta lagu dhigay, taasoo ka tarjumaysa halista ey laamaha ammaanku ka leeyihiin la dagaallanka dhacdadan. Dhanka kale Ciidamada Hoggaanka Nabad sugida ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Xerada Neyrab, iyagoona ku raad joogay dadkii ka cararay rabshadihii halkaasi ka dhacay. Dadaalkan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo xasiloonida deegaanka iyo ilaalinta nolsha dadka shacabka ah.

ISHA-AA.

Previous
Previous

UN-KA OO DHIMAAYO GARGAARKII SOOMAALIYA IYO YEMAN.

Next
Next

YAA ISKU HAAYO DAGAALKA DALKA LIIBIYA KA SOCDO?