LIIBIYA OO EY KA JOOGSADEEN DAGAALADDII.
(SAWIRKA)-WIILKA GEN.XAFTAR EE BALAQAASIM.
(TRIPOLI)-TRIPOLI: Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney cadaadis saarayso dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro Xabbad-joojin joogto ah ka dib maalmo ey dagaallo dad badan ku dhinteen ey ka socdeen caasimadda Tripoli iyo dibadbaxyo lagu dalbanayay inuu xilka iska casilo Ra'iisul Wasaaraha. Dagaalka ayaa usbuucii la soo dhaafay waxa uu dhexmaray koox hubeysan oo la safan dowladda fadhigeedu yahay Tripoli iyo kooxo ey doonaysay iney burburiso, taasoo keentay in ugu yaraan siddeed ey ku dhinteen, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Wasaaradda Difaaca Liibiya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in "dadaallada ku aaddan Xabbad joojinta ey weli socdaan" Eyna "si toos ah" u kormeerayaan hannaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida. Dagaalka ayaa inta badan la soo afjaray dabayaaqadii Khamiistii, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya, balse ma jirin heshiis Xabbad joojin rasmi ah. Hawlgalka Qaramada Midoobay, UNSMIL, ayaa soo dhaweeyay Axadii abuurista "Guddi xabbad joojin ah oo lagu dhisayo nabadda jilicsan ee la gaarey usbuucii hore" ka dib rabshado lagu arkay hubka culus ee loo adeegsaday bartamaha Tripoli. UNSMIL waxay sheegtay in guddigu "Ey diiradda saarayaan fududaynta xabbad-joojin joogto ah iyadoo xooga la saarayo ilaalinta dhammaan dadka rayidka ah, iyo in lagu heshiiyo qabanqaabada ammaanka ee Tripoli." Tripoli waxa ey ku soo laabatay xaalad degan dabayaaqadii todobaadkii hore iyada oo duulimaadyadii dib loo bilaabay, dukaamada dib loo furay, dadkuna ey ku soo laabteen shaqada, laakiin xaalada ayaa wali kacsan, ka dib markii ey kordheen baaqyada ku saabsan iscasilaada Ra’iisal Wasaare Abdul Hamid Dbeibah. Iska horimaadka ayaa ka dhashay dilka hogaamiye kooxeed hubeysan oo ey fuliyeen koox la safan dowladda Dbeibah guutada 444, oo markii dambe la dagaalantay koox saddexaad, ciidamada Radca’a ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah Bariga Tripoli iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada. Waxay timid ka dib markii Dbeibah uu ku dhawaaqday amarro fulineed oo isdaba joog ah uuna ku doonayey in la burburiyo Raadca’a lana kala diro kooxaha hubaysan ee fadhigoodu yahay Tripoli, laakiin marka laga reebo Guutada 444. Guutada 444-ta ayaa sheegtay Isniintii iney soo bandhigtay Xabaal Wadareed ey ku jiraan 10 mayd ah oo ku yaal Abu Salim, oo ah degmo ku taal Tripoli oo ka hor todobaadkii hore ey maamulayeen kooxda Abdelghani Al-Kikli, kuwaasoo dilkooda uu dhaliyay iska horimaadyada. Dbeibah waxa uu ku eedayay kooxda Al-Kikli, Taageerada iyo Qalabka Xasiloonida, Xad-gudubyo badan, oo ey ku jiraan xukunno "dhiig-qabow" ah iyo iney xoog ku waayeen dhaleecayn. Khudbad uu Sabtidii jeediyay ka dib markii uu helay taageerada dadwaynaha dhowr mudane, Dbeibah waxa uu ugu baaqay kooxaha hubaysan ee Tripoli iney la jaanqaadaan "Hay'adaha dawladda." "Hadafkeena waa Liibiya oo xor ka ah Maleeshiyaad iyo Musuqmaasuq," ayuu yiri.
XIGASHO-ARAB.