XUUTIYIINTA OO GENTAAL KU WEERARAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA.
(TEL AVIV)-Milateriga Israa’iil ayaa Khamiistii ku dhawaaqay iney qabteen gantaal laga soo ganay Yemen, taasoo kicisay seeriga cirka ee magaalada Qudus iyo bartamaha Israa’iil, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska. "Kadib hawl-galkii seeriga cirka ee wax yar ka hor dhowr meelood oo Israa'iil ka tirsan, gantaal laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay," ayey ciidamadu ku sheegeen hadal ey soo saareen. Axadii la soo dhaafay, militariga Israa’iil ayaa soo saaray amaro daadgureynta dadka deggan saddex dekedood oo Yemen ah: Raas Ciisa, Hodeidah, iyo Salif, Dhowr maalmood ka hor amarada daad-gureynta, Israa’iil ayaa weerar culus ku qaadday garoonka caalamiga ah ee Sanca ka dib markii gantaalka Xuutiyiinta uu ku soo dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion oo ka baxsan magaalada Tel Aviv. Ka hor weerarka cirka, militariga Isra’iil ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in laga guuro meelaha ku hareeraysan garoonka diyaaradaha ee Sanca. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gasa bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta Yemen waxay qaadeen weeraro gantaallo iyo kuwa aan duuliye lahayn oo soo noqnoqda oo Israa'iil ey ku taageerayaan Xamaas. Iyaga oo ka jawaabaya, Ciidanka Cirka ee Israa’iil waxay beegsadeen goobaha Xuutiyiinta ee Yemen. Waxay sidoo kale ballaariyeen ololahooda ka dhanka ah Maraakiibta ku xiran Mareykanka iyo Ingiriiska si ey uga jawaabaan weeraradii ey labada dal bilaabeen horaantii 2024-kii. Si kastaba ha ahaatee, bishii Maarso, Mareykanka ayaa bilaabay olole xooggan oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen, isagoo billaabay weeraro maalinle ah, ka hor inta uusan Trump si lama filaan ah ugu dhawaaqin is dhiibitaanka kooxda laba toddobaad ka hor. Todobaadki hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la hakinayo duqeymaha Mareykanka uu ku hayo bartilmaameedyada Xuutiyiinta, waxaana Cumaan ey markii dambe ku dhawaaqday iney dhexdhexaadisay heshiis xabad joojin ah. Xuutiyiintu waxay muujiyeen rabitaankooda ah iney ixtiraamaan xabbad joojinta Maraykanka ilaa inta Washington ey ku dheggan tahay, laakiin mowqifkooda ku aaddan Israa'iil ayaa weli ah mid cadawtinimo ah. Ka dib heshiiskii ey Maraykanka iyo Cumaan la galeen Xuutiyiinta, sarkaal ka tirsan ammaanka Israa’iil ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu aanu qayb ka ahayn heshiiska, isagoo ku dhawaaqay iney sii wadayaan duqeynaha ey ku beegsnayaan bartilmaameedyada Yeman.
ISHA-AA.