SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 34-AAD EE JAAMICADA CARABTA.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA JAAMICADDA CARABTA.

(BAGHDAD)- Basim AL-Cawadi, ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Khamiis ah mowduucyada ku jira barnaamijka Wasiiradda ee shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee diyaarinta shir Madaxeedka Carabta. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in shirka lagu ansixiyay shan hindise oo ey soo jeedisay Ciraaq. AL-Cawadi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Ciraaq ee INA: in Ajandaha Wasiiradda ee la horkeenay Hoggaamiyayaasha Carabta ey ka mid yihiin dhowr Mawduuc oo muhiim ah, gaar ahaan Labo Warbixin oo kala ah: Midda koowaad oo ku saabsan natiijada iyo ballan-qaadyadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii 33-aad ee Carabta, iyo tan labaad oo uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ka soo saaray Talaabadda wadajirka ah ee Carabta. Wuxuu intaas ku daray in ajandaha looga hadlay arrimo badan oo ey ka mid yihiin qadiyadda Falastiin iyo khilaafka Carabta iyo Sahyuuniyadda, kaasoo looga hadlay shan qodob oo hoose oo gaar ah. Mawduuc kale oo udub dhexaad u ahaa Arrimaha Carabta iyo Amniga Qaranka, oo daboolaya 11 xasaradaha gobolka oo faahfaahsan. Mawduucyada dheeraadka ah waxaa ka mid ah isbeddelka Cimilada, Amniga wadajirka ah ee Carabta, iyo goobta lagu qabanayo shirwaynaha 36-aad ee Carabta ee soo socda, iyo sidoo kale magacaabista Carabta ee jagooyinka Ururada Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
AL-Cawadi ayaa shaaca ka qaaday in shan Hindise oo Ciraaq si rasmi ah loo Ansixiyay intii lagu jiray shirkii Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda:
                1. Aasaaska Xarunta Carabta ee La-dagaalanka Argagixisada.
                2. Dhismaha Xarunta Carabta ee Xakamaynta Dawooyinka.
                3. Dhismaha Xarunta Carabta ee La-dagaalanka Dambiyada Abaabulan.
                4. Samaynta Qolka Isku-xidhka Amniga Carabta.
                5. Daah-furka Sanduuqa Carbeed ee lagu taageerayo dadaallada soo kabashada iyo dib u dhiska ee gobollada ey dhibaatadu saameysey. Shirka diyaarinta ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa saaka ka furmay magaalada Baqdaad, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Ciraaq ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Fu’aad Xuseen, waxaana ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit. Kalfadhiga furitaanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxrayn Abdullatif AL-Zayani ayaa khudbado ka jeediyay isagoo ku hadlaya magaca dalkiisa oo ah Madaxa Shir Madaxeedka hore. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq Fu’aad Xuseen ayaa intaa ka dib ka hadlay kulanka isagoo ah guddoomiyaha hadda xilka haya, waxaana hadal ka jeediyay Xoghayaha Guud Aboul Gheit. AL-Cawadi ayaa xusay in furitaankiisa ka dib uu furmay kal-fadhi lasoo xiray oo looga doodayay ajandaha qabyada ah ee Shir-Madaxeedka iyo go’aamo qabyo ah, kuwaasoo la doonayo in loo gudbiyo Madaxda Carabta si ey u Ansixiyaan. Ajandaha waxaa ka mid ah sideed qodob oo muhiim ah oo ka hadlaya dhinacyada kala duwan ee iskaashiga Carabta ee wadajirka ah, iyadoo mudnaanta koowaad ey tahay qadiyadda Falastiin, Amniga Qaranka Carabta, iyo ka hortagga Argagixisada. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in shir wada tashi ah oo xiran uu qabsoomay ka hor kalfadhiga rasmiga ah, kaas oo la iskula meel dhigayo mowqifyada laga gaarayo arrimaha muhiimka ah, oo ey ku jiraan horumaradii ugu dambeeyay ee Falastiin, xasaradaha ka jira dalal badan oo Carbeed, iyo Arrimaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah ee saameeya Amniga Qaranka Carabta. Wasiiradu waxa Ey sidoo kale ka wadahadleen mawqifyada ey Carabtu ku midaysan yihiin ee ku saabsan arrimaha la isku hayo, waxaanay isla garteen in qaraaro qabyo ah loo gudbiyo shirka rasmiga ah ee Wasiirrada oo ugu dambayntii lagu meel-mariyo inta uu socdo Shir-Madaxeedka, oo loo ballansan yahay Sabtida Baqdaad. AL-Cawadi waxa uu ku nuux-nuuxsaday in shirkan wada-tashiga ah oo ah tallaabo caado u ah ka hor shirarka caadiga ah, looga golleeyahay in kor loogu qaado isku-xidhka siyaasadda ee dalalka xubnaha ka ah iyo fududaynta is-afgaradka, si gacan looga geysto guul-gaarista Shir-Madaxeedka iyo xoojinta waxqabadka wadajirka ah ee Carabta.
 
Waxa kale oo uu xusay in Guddiga Fulinta iyo Ballanqaadka ee Shir Madaxeedka Carabta uu maanta yeeshay fadhi uu shir guddoominayay Bahrain, si ey u eegaan una ansixiyaan warbixintii guddiga oo ey soo diyaariyeen wakiilada joogtada ah ee ku saabsan fulinta go’aamadii ka soo baxay shir Madaxeedkii hore ee Bahrain. Guddiga Dabagalka waxaa ka mid ah Shir-Madaxeedka Carabta Troika—Bahrain (Madax), Sacuudi Carabiya, iyo Ciraaq—iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Troika—Jordan, Yemen, iyo Imaaraadka Carabta—oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

ISHA-INA.

Previous
Previous

ASKERI LAGU MINDIYEEYEY BARIGA QUDUS.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO GENTAAL KU WEERARAY ISRA’IIL.