ASKERI LAGU MINDIYEEYEY BARIGA QUDUS.
(SAWIRKA)-MINDIDII WEERARKA LOO ADEEGSADAY.
(QUDUS)-Wararka laga helaayo Qudus ayaa sheegaayo in Booliska Isra’iil ey Jimcaha maanta ah ey ku dhawaaqeen in la dilay ninkii fuliyey weerarkii Mindida loo adeegsaday ee lagu dhaawacay sarkaal Boolis ah oo ku sugnaay Bariga Qudus. Gaadiidka Gargaarka deg dega ah ee Mega David Adom ayaa sheegay in la dhaawacay sarkaal Boolis ah oo 25-jir ah,isla goobta loogu fidiyey daaweyn waxaane loo qaaday Isbitaalka. Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu yiri”Sarkaal Boolis ah ayaa lagu tooreyey magaaladda Qadiimiga ah ee Qudus”,qoraalka waxa uu intaas ku daray in ciidamadda Booliska iney isla goobta ku toogteen eyna dhaawaceen ninkii weerark geystay. Warbixin la xiriirta wixii dhacay ayuu booliku ku sheegay in askeriga uu arkay nin laga shakiyey,waqti kooban ka dibne ninkii laga shakisanaay waxa uu weeraray askerigii booliska ahaa,waxa uuna dhabarka kaga dhuftay Tooreey uu gacanta ku haayey. Askeri kale oo Boolis ah uuna la socday Sarkaal kana tirsan ilaalada xuduuda una dhawaa ayaa si deg deg ah uga jawaabay,balse waxaa goobtii ku dhintay ninkii soo weerar tegay, mana jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyadda weerarka. Adeega gargaarka deg dega ah ee Isra’iil ayaa sheegay in askeriga ka tirsan amniga inuu si buuxdo u miir qabo xaaladiisuna ey caadi tahay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay meel u dhaw Bab EL-Silsila oo aada dhismaha Masjidka AL-Aqsa’a. Isra’iil waxa ey qabsatay Bariga Qudus iyo magaalooyinka Qadiimka ah dagaalkii Carabta iyo Isra’iil ee dhacay 1967-dii.
ISHA-AA.