MARAYKANKA IYO SACUUDIGA OO KALA SAXIIXDAY…
(SAWIRKA)-CALAMAD SACUUDIGA IYO MARAYKANKA.
(SAUDI ARABIA)-Boqortooyada Sacuudiga waa mid ka mid ah Ganacsiga ugu muhiimsan ee Maraykanka ee Bariga Dhexe Xaddiga Ganacsiga ee labada dal waxa uu gaaray 603.14 Bilyan Riyal Sacuudi 5-tii sano ee la soo dhaafay. Mugga Ganacsigu wuxuu ka kordhay Sacuudi Riyaa (86.17) Bilyan sannadkii 2020 ilaa Sacudi Riyaal(114.07) Bilyan ee Sannadkii 2021, ka dibna u booday sanadkii xigay Sacudi Riyaal (152.12) Bilyan ee Sannadkii 2022, waxa uuna gaaray lacag dhan Sacuudi Riyaal (129.08) Bilyan ee Sannadkii 2023, iyo ugu dambayntii kor u dhaaftay Sacuudi Riyaal(121.24) ee Sannadkii 2024-kii. Ganacsiga dibadda ah ee Maraykanka, 5-tii sano ee la soo dhaafay, oo u dhiganta 46.92 Bilyan Riyal. Boqortooyada Sacuudiga waxay diiwaangelisay faa’iidooyin Ganacsi oo kala dhexeeya Mareykanka sannadada kala ah 2020, 2021, 2023, iyo 2024. Badeecadaha Boqortooyada ee loo dhoofiyo Mareykanka waxay gaarayeen Sacuudi Riyaal 278.11 bilyan shantii sano ee la soo dhaafay, marka la barbar dhigo alaabada la soo dejiyo oo qiimaheedu yahay Sacuudi Riyaal 325.03 bilyan. Tan iyo bilawgii 2025-kii, qiimaha badeecadaha Sucuudigu u dhoofiyo Maraykanka waxa uu gaartay 5.86 Bilyan oo Riyaal labadii bilood ee ugu horeeysay sannadkan, marka loo eego badeecadaha la soo dejiyo oo gaaraya 10.97 Bilyan oo Riyaal, taas oo wadarta guud ee sarrifka ganacsiga muddadaas ka dhigaysa 16.83 Bilyan oo Riyaal. 8-dii Maarso, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu booqdo Sacuudi Carabiya, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Boqortooyada ey maqaam gaar ah ku leedahay Mareykanka iyadoo ey uga mahadcelinayaan madaxdeeda gaarka ah. Jan 23, 2025, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud, ahna Ra’iisul Wasaaraha, ayaa telefoon kula xiriiray Madaxweyne Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka. Inta lagu guda jiro baaqa, Amiirka Dhaxalsugaha ayaa xaqiijiyay rabitaanka Boqortooyada Sacuudiga ee ah iney ballaariso maalgashigeeda iyo xiriirka ganacsi ey la leedahay Mareykanka afarta sano ee soo socota qiimo dhan 600 Bilyan oo doolar, iyadoo suurtagal ah iney sii kordhiso haddii ey soo baxaan fursado dheeri ah.
ISHA-MN.