XAALKA FARANSIISKA IYO ALJEERIYA OO SII XUMAADAY.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA FRANCES-KA.

(PARIS)-Faransiiska ayaa eryi doona dublamaasiyiinta Aljeeriya si ey uga jawaabaan qorshayaasha Aljeris ey ku doonayaan iney saraakiil badan oo Faransiis ah ugu soo diraan dalkooda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jean-Noël Barrot ayaa Arbacada sheegay, iyadoo xiriirka dalalkaas uu sii xumaanayo. Xiriirka Aljeeriya iyo Faransiiska oo horey u gumeysan jiray dalka ugu weyn Afrika ee dhul ahaan, ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa dhibaatooyin xiriir ah. Barrot ayaa u sheegay telefiishanka BFMTV in uu u yeeri doono masuulka Aljeeriya si uu ugu wargaliyo go’aanka uu ku sheegay “in uu wakhtigan xaadirka ah la jaanqaadi karo” tillaabada Aljeeriya, kaas oo uu ku tilmaamay “mid aan cudur daar lahayn oo aan sabab lahayn”. Waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu hadda “gabi ahaan go’ay”. Barrot ayaa mar hore Isniintii ku dhawaaqay in Faransiisku uu "si deg deg ah, adag" uga jawaabi doono ka dib markii Aljeeriya ey u yeeray sii-hayaha Safaaradda Faransiiska ee Aljeris Axaddii si ey ugu wargeliso cayrinta Saraakiisha Faransiiska ee dhulka Aljeeriya. Saraakiisha ey khusayso ayaa ku sugan hawlo xoojin ku meel gaar ah, ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay, iyada oo aan la cayimin inta ey le'eg tahay inta ey khusayso iyo goorta cayrintan ey dhaqan galayso. Faransiiska ayaa bishii April amar ku bixiyay in dalka laga eryo 12 diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Qunsuliyada Aljeeriya, waxayna u yeereen Safiirkooda, ka dib markii Aljeeriya ey amar ku bixisay in 12 sarkaal oo Faransiis ah ey baxaan, taasoo jawaab u ah xarigga sarkaal Aljeeriyan ah oo lagu xiray Faransiiska. Xiriirka ayaa xumaaday sannadkii hore markii Faransiisku aqoonsaday madaxbannaanida Morocco ee Saxaaraha Galbeed ee lagu muransan yahay, halkaas oo Aljeeriya ey taageerto madax-bannaanida Polisario Front. Xiriirku wuu sii xumaaday markii Aljeeriya ey xirtay oo xabsiga dhigtay qoraaga Faransiiska-Aljeriya Boualem Sansal bishii Nofembar isagoo lagu eedeeyay Amniga Qaranka. Sidoo kale dhibaatooyinka wakhtigan jira, xiriirka waxa hareeyay dagaalkii 1954-1962 ee horseeday xornimada Aljeeriya ee Faransiiska.

ISHA-FRANCE24.

Previous
Previous

MARAYKANKA IYO SACUUDIGA OO KALA SAXIIXDAY…

Next
Next

MADAXWEYNE MAXAMED OULD OO LA XUKUMAY.