MADAXA CAYAARAHA SURIYA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL CAAWA.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY DIMISHIQ.
(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimisihiq ayaa sheegaayo in Qarax uu fiidnimadii Arbacada ka dhacay Xaafadda Mezzeh 86 ee magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii Gaari walxaha qarxa ey ka buuxaan lala beegsaday afaafka hore ee xaafaddaas. Qaraxan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo dhawaqa qaraxa uu ka dhacay magaalada oo dhan, sida ey sheegeen dad goob joogayaal ah oo la hadlay AL-Carabi AL-Jadeed.
Ilaa hadda oo aan warbixintan qoreyno, lama soo sheegin wax khasaare ah oo bini’aadan ah. Si kastaba ha ahaatee, ilo gaar ah ayaa u sheegay AL-Carabi AL-Jadeed in gaariga la beegsaday uu lahaa Sanaa’a Maxamed, oo ah Madaxa xiriirka Carabta ee Isboortiga Suuriya. Warku waxa uu xusay in ilaa shalay ey soo gaaraysay hanjabaado is daba joog ah, kuwaasoo aan la shaacin nooca ey yihiin, sidoo kalena aan la garanayn cidda ka dambaysa.
KOONTADA RASMIGA AH IYO BAARITAAN DEG DEG AH:
Sidan oo kale, Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Gudaha ee Gobolka Dimishiq, S/guuto Osama Maxammed Khayr Catika, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa amniga gudaha deegaankaas. Waxa uu carabka ku adkeeyay in "cutubyadeena ey si deg deg ah uga jawaabeen, goobtana waa la go'doomiyay oo si buuxda loo adkeeyay, iyadoo aan la diiwaan gelin khasaaraha bini'aadamka." Waxa uu tilmaamay in "Masuuliyiinta awoodda u leh ey bilaabeen baaritaan deg-deg ah si loo ogaado cidda mas'uulka ka ah falkan Argagixisanimo." Dhankiisa, Qareen Maxammed Suleymaan, oo ah Madaxa Guddiga Xaafadda Mazzeh 86, ayaa bayaan uu siiyay AL-carbi Al-Jadiid ku sheegay in "qaraxa kaliya uu ka dhashay burbur alaab ah oo soo gaaray gaariga iyo qaar ka mid ah dukaamada ku xeeran," isagoo ku nuux-nuuxsaday "mas'uuliyiinta ayaa xiray xarumaha ganacsiga ee u dhow goobta uu shilku ka dhacay, taasoo ah tallaabo taxaddar leh si loo ilaaliyo dadka deegaanka iyo in la hubiyo ammaankooda ilaa baaritaannada la dhammeeyo." Qaraxa ka dib ayaa ciidamada amaanka waxa ey adkeeyeen baaritaanada xaafadaasi, iyadoo koox khubaro ah ey bilaabeen iney baaraan haraadiga walxa qarxa si ey usoo aruuriyaan cadeymo muujinaya cidii falkaasi geysatay. Ilaa hadda, maamulka Suuriya ma eysan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah oo ku saabsan xaaladda Qaraxa. Sanaa’a Maxamed waa qof caan ka ah bahda ciyaaraha Suuriya. Muddo sanado ah, waxay hogaaminaysay Xiriirka Carabta ee Suuriya ee Isboortiga Dhammaan, iyada oo kormeeraysa abaabulka dhacdooyinka isboortiga iyo bulshada ee ballaaran. Dadka ku dhow dhow ayaa rumeysan in hanjabaadaha ey soo gaartay qaraxa ka hor ey la xiriirto khilaaf gudaha ah ama mowqifkeeda guud ee arrimaha qaar, balse baaritaannada ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin. Bartilmaameedka ayaa kor u qaaday walaaca ciyaaraha iyo warbaahinta ee ku saabsan suurtagalnimada sii kordheysa rabshadaha ka dhanka ah dadka caanka ah ee ku sugan caasimadda Suuriya, gaar ahaan iyada oo aan la helin daahfurnaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdooyinka ilaa maanta.
XIGASHO-AL-CARABI AL-JADEED.
XUUTIYIINTA YEMEN OO KA JAWAABAY EEDEYNTII QARAMADA MIDOOBE UJEEDISAY.
(SAWIRKA)-MEYDADKA XUUTIYIINTA EY DISHAY ISRA’IIL.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay xasaanadooda sharciga ah eysan Gaashaanka u daruurin howlaha basaasnimada, maalmo ka dib markii ugu yaraan 11 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu xiray caasimadda Sanca. Qaramada Midoobay ayaa Axaddii sheegtay in fallaagada Xuutiyiinta ey weerareen Xaruntooda Sanca, eyna xireen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, ka dib weerar ey Israa'iil ku dishay Raysal Wasaaraha xukuumadda Xuutiyiinta iyo dhowr Wasiir oo kale. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku eedaysay Qaramada Midoobay iney ka eexatay, iyadoo sheegtay iney cambaaraysay "tallaabooyin sharci ah oo ay dawladdu ka qaadday unugyada basaaska ee dambiyada ku lug leh," laakiin waxay ku guul-darraysatay iney cambaarayso weerarka Israa'iil, Wakaaladda Wararka ee Xuutiyiinta ee Saba ayaa sheegtay Arbacada maanta ah. Yemen ayaa u kala qaybsantay maamulka Xuutiyiinta ee Sanca iyo xukuumadda uu Sucuudiga taageero ee Cadan tan iyo markii Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ey qabsadeen Sanca dabayaaqadii 2014, taasoo dhalisay colaad toban sano ah. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Yemen ey ixtiraamto "Heshiiska 1946 ee Xuquuqda iyo Xasaannada ee Qaramada Midoobay ... iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xasaanaddani eysan ilaalinaynin hawlaha basaasnimada ama kuwa ku lug leh, mana siinayso dabool sharci ah," ayey raacisay. Axadii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Xuutiyiintu ey xoog ku galeen Xarumaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, oo ey qabsadeen hanti ey leedahay Qaramada Midoobay, iskuna dayeen in ey galaan Xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Sanca.
ISHA-AN.
ISRA’IIL OO KA HORTIMID SOO JEEDINTA XARAKADA XAMAAS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA ISRA’IIL.
(ISRAEL)-Ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u soo bandhigay Xamaas iyo jawaabta dambe ee ku saabsan marinka Gaza, ayaa Isra’iil ka hadashay.
HADAL BEEN AH:
Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz oo ka jawaabayay ku dhawaaqista Xamaas ayaa yiri “Dhaqdhaqaaqa weli wuu khiyaamaynayaa oo ku hadlayaa erayo maran, laakiin waxa ey dhawaan ogaan doontaa in ey tahay in ey kala doortaan laba arrimood oo kala ah in ey aqbalaan shuruudaha Isra’iil ee soo afjarida dagaalka, gaar ahaan sii deynta dhammaan maxaabiista iyo hub ka dhigista, ama Gaza waxa ey noqon doontaa sida Rafax iyo Beyt Xanuun,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Israa’iil iney si buuxda isugu diyaarinayaan. Dhinaca kale, Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka jawaabay warka ka soo baxay Xamaas isagoo sheegay in tani ey tahay isku day kale oo ey Xamaas sameeyeen, iyagoo aan soo bandhigin wax cusub. Waxa uu intaa ku daray in dagaalku uu si deg deg ah ku dhamaan karo iyadoo la raacayo shuruudaha Golaha Wasiirada Isra’iil oo ey ka mid yihiin in la sii daayo dhamaan la haystayaasha, hub ka dhigista Xamaas, ka dhigista militariga marinka Qaza, iyo maamulka Isra’iil ee ammaanka Gaza, oo ey weheliso in la dhiso dawlad rayid ah oo kale oo aan khatar ku ahayn Isra’iil, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu aaminsanaa in shuruudahan oo keliya ey ku filan yihiin in Xamaas laga ilaaliyo in ey soo kabato oo ey ku celiso wixii dhacay 7-dii Oktoobar, sidii ey ballan-qaadday, ayuu ku andacooday. Arrimahan oo dhan ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka dalbaday Ururka Xamaas iney si deg deg ah ugu soo gacan geliyaan 20-ka qof ee la haysto ee Israa’iiliyiinta ah si ey dagaalka u joojiyaan. Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Truth Social Arbacadii, "U sheeg Xamaas iney si deg deg ah u soo celiso dhammaan 20-ka la haysto (ma aha 2, 5, ama 7), wax walbana si dhakhso ah ayey isu beddeli doonaan," isagoo raaciyay, "Dagaalku wuu dhammaan doonaa." Intaa waxaa dheer, ergeyga Maraykanka Steve Witkoff wuxuu tixgeliyey jawaabta Hamas ee soo jeedinta ah in qof walba la sii daayo "wanaagsan." Xamaas ayaa Arbacada ku dhawaaqday iney diyaar u tahay iney heshiis dhammaystiran ku soo gabagabayso marinka Gaza ee go'doonsan, waxayna bayaan ey soo saartay ku xaqiijisay iney diyaar u tahay iney sii deyso dhammaan maxaabiista Isra’iil.
“GAARITAANKA YOOLKA DAGAALKA”:
Waxaa xusid mudan in Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz uu ansixiyay wax uu ugu yeeray baabuurta “Gideon 2” 21-kii Agoosto, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ey gebi ahaanba qabsadaan magaalada Gaza. Tani waxay timid in ka badan laba toddobaad ka dib markii uu bilaabay hawlgal ballaaran oo milatari oo ka socda xaafadda Zeytuun, kaasoo ku fiday xaafadda Sabra ee ku taal koonfurta magaalada Gaza. Dhanka kale, taliyaha ciidanka ee Israa’iil Eyal Zamir ayaa ku dhawaaqay Arbacada bilowga wejiga labaad ee Hawlgalka Gideon ee Marinka Gaza, isagoo ku nuux-nuux saday in hadafku yahay in la gaaro ujeedooyinka dagaalka iyadoo la xoojinayo dagaalka iyo xoojinta dhaq-dhaqaaqyada Mileteriga.
XIGASHO-AL-CARABIYA.
XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB MARAAYEY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-MARKAB LALA HELAY GENTAAL BADDA CAS.
(YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Kooxda Xuutiyiinta Yemen ey sheegeen Talaadada maanta ah iney beegsadeen Markab marayay Waqooyiga Badda Cas iyagoo adeegsaday laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaal, iyagoo ku sababeeyay in Markabku uu xiriir la leeyihiin Israa’iil. Kooxda Xuutiyiinta ma eysan sheegin xilliga uu weerarka dhacay, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Gelinkii hore ee maanta ayaa ciidamada Isra’iil waxa ey sheegeen iney qabteen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday dalka Yemen ka hor inta eysan gudaha u galin hawada Isra’iil. Afhayeenka ciidanka Isra’iil ayaa ku qorqy bartiisa “X” in digniinaha aan la damin.
QABASHADA DIYAARAD AAN DUULIYE LAHAYN:
Diyaaradda aan duuliyaha lahay ayaa timid maalin ka dib mid labaad. Milatariga Israa’iil ayaa Isniintii ku sheegay iney qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo riday Yemen ka hor inta eysan gelin hawada Israa’iil. “Diyaarad laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay ka hor inta aysan gelin dhulka Israa’iil, mana jirto wax digniin ah oo la dejiyay, iyadoo la raacayo siyaasaddii la dejiyay,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale Isniintii ku dhawaaqay iney la beegsadeen markab shidaal oo ey la beegsadeen gantaal ballistic ah kaasoo marayey Xeebaha Badda Cas. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Israa’iil ey dishay Madaxii xukuumadda aan caalamku aqoonsanayn ee Xuutiyiinta iyo Wasiirro badan kuwaaso maalintii Khamiista lagu duqeeyay magaalada caasimadda ah ee Sanca. Taa baddalkeeda, hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdul-Maalik AL-Xuuti ayaa ugu hanjabay Israa'iil iney kordhinayaan weerarrada ey geysanayaan, iyagoo aan dib uga laabanayn, lana wiiqin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxaa xusid mudan in duqeymahan ey ka dhigan yihiin kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah oo ey Israa’iil isku daydo iney ku disho Hoggaamiyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta, taasoo ah xaalad ey dad badan oo indha-indheeya la barbar dhigeen wixii ka dhacay Lubnaan xagaagii hore. Tan iyo markii uu dagaalka Marinka Gaza billowday Oktoobar 7, 2023, Xuutiyiintu waxay si isdaba joog ah u bilaabeen gantaalada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil, kuwaasoo intooda badan la qabtay. Waxay kaloo qaadeen tiro badan oo weeraro ah kuna qaadeen Maraakiib Ganacsi, oo lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Isra’iil, iyagoo wacad ku maray iney sii wadi doonaan taageerada dadka reer Falastiin ee Gaza. Iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil ey qaadeen tobanaan weerar iyo duqaymo ey ku qaadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen ka hor inta eysan Washington ku dhawaaqin xabbad joojin bilo ka hor, dhinaca Israa’iil ayaa xaqiijisay iney sii wadi doonto duqeymaha ey ku hayso kooxda ey Iran taageerto.
ISHA-AA.
GAARI KU QARXAY AFAFKA HORE EE XERO CIIDAN GALBEEDKA LIIBIYA.
(SAWIRKA)-GAARIGA QARXAY.
(TRIPOLI)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Guutada 444-aad ee dagaalka,ee hoos tagata Wasaaradda Difaaca ee Xukuumadda Midnimada Qaran, ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Talaadada in ciidamadooda ey la kulmeen wax ey ku tilmaameen weerar Argagixiso kaasoo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xero ciidan oo ku taal magaalada Bani Waliid ee Galbeedka dalka Liibiya, ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku Qarxiyay gudaha.
BAABUUR EY KA BUUXAAN WALXAHA QARXA:
Guutada uu hogaamiyo Maxamuud Xamza ee isbaheysiga la ah Reysal Wasaare Abdelxamid Dbeybah ma eysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah, balse waxay xaqiijiyeen in ciidamadooda ey ku guuleysteen iney xakameeyaan xaaladda markii hore. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in la furay baaritaan lagu ogaanayo qaabka uu u dhacay qaraxa, isagoo carabka ku adkeeyay inuu sii wadayo baacsiga Argagixisada iyo cid kasta oo dhibaato ku ah Amniga dalka. Dhanka kale, sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay khasaaraha ka dhashay qaraxa kuwaasoo marka laga soo tago gaariga qarxay uu saameyn ku yeeshay illinka xerada iyo gaari kale oo goobta ka ag-dhawaa. Iyadoo eysan jirin cid weli sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.
XIISADDA GALBEEDKA LIIBIYA:
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay goob lagu kaydiyo rasaasta oo ku taal Misrata. Iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah oo dhanka milatariga ah oo ka taagan galbeedka Liibiya, una dhexeysa maleeshiyaad daacad u ah dowladda Midnimada Qaran iyo ciidamada "Ciidanka ka-hortagga" ee ka soo horjeeda, isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhici kara gudaha caasimadda Tripoli xilli kasta.
XIGASHO-AL-CARABIYA.
SARAAKIISHA XUUTIYIINTA UU SHAKI SOO KALA DHEXGALAY,SABABTA?
(SAWIRKA)-SARAAKIIL XUUTIYIIN AH.
(SANA’A)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Maleeshiyada Xuutiyiinta oo ah wakiilka Iran ee Yemen,ku soo rogeen amaro adag masiirka qaar badan oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Sare ee Siyaasadda iyo Militariga, oo ey ku jiraan Wasiirro ka tirsan dawladdooda aan la aqoonsan, ka dib markii ey Israa’iil duqaymo la beegsatay Xarumaha kooxda ee caasimadda Sanca, Khamiistii hore. Isniintii shalay, maleeshiyaadka Xuutiyiinta waxay aas u sameeyeen Raysal wasaarahooda, Axmed Qaalib AL-Rahwi, iyo kow iyo toban Wasiir oo kale oo lagu dilay duqaynta Isra’iil ka fulisay gudaha caasimadda Sanca. Sida laga soo xigtay madal difaaca ee ku takhasustay Arrimaha Militariga, maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa wali Qarinaya masiirka Jineraal Jalaal AL-Ruwayshaan, Raysal Wasaare Ku Xigeenka Difaaca iyo Amniga. Madashu waxay xaqiijinaysaa in AL-Ruwayshaan uu ku dhaawacmay isla duqeyntii lagu dilay inta badan xubnaha dowladda iyo dhowr Hoggaamiye oo caan ah oo ka dhacay xaafadda Hadda ee degmada AL-Sabciin. Madashu waxay intaa ku dartay in duqeymaha Israa’iil ey khasaare xooggan ey gaarsiiyeen Madaxda Sare ee kooxda, iyadoo xustay in masiirka ninka Xuutiyiinta ey u magacaabeen Wasiirka Gaashaandhigga, Sareeya Gaas. Maxammed Naasir AL-Caadhifi, iyo Taliyaha Ilaaladiisa Maxammed CabdulKarim AL-Gamaari ayaan weli kala cadeyn, iyadoo ey jiraan warar sheegaya in dhaawacyo halis ah ey soo gaareen. Ilaha militariga, si kastaba ha ahaatee, ayaa soo jeediyay in AL-Gamaari uu ku dhaawacmay weerar cirka ah oo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Sanca balse aan la sheegin goorta iyo Goobta. Dhinaca kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaaladda caasimada ah ee Sanca ayaa beeniyey Talaadadada maanta ah warar sheegaayo in laba ka mid ah Diyaaradaha Qaramada Midoobe ey qaadeen ku dhawaad 40 ka mid ah dagaalyahannada Xuutiyiinta oo dhaawac ah, ka dib weerarkii Israa'iil ey ku qaadday caasimadda Sanca, Khamiistii hore. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ayuu Xafiiska QM ee Yemen ku tilmaamay wararkaasi yihii kuwa been abuur ah, isagoo carabka ku adkeeyay in “Duulimaadyada Qaramada Midoobay aan loo isticmaalin maalmihii u dambeeyay in lagu qaado shaqaale aan ahayn kuwa bini’aadantinimo iyo kuwo aan Qaramada Midoobay ka tirsanayn. Warbaahinta ayaa horay u sheegtay in labo diyaaradood oo ey leedahay Qaramada Midoobay ey ka duuleen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Sanca iyagoo siday xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu daweynayo dalka dibadiisa. Dadka dhaawaca ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ey diyaaradaha Israa’iil ku dileen 12 sarkaal oo ka tirsan xukuumadda aan la aqoonsan ee Xuutiyiinta, In kasta oo warbaahinta Xuutiyiinta ey daabaceen qoraallo ay AL-Caadhifi iyo AL-Gaamari u nisbeeyeen weerarrada ka dib, iyagoo isku dayaya iney ka hadlaan warbixinnada dhimashadooda, ka maqnaanshahooda aaska dhibanayaasha weerarka ayaa keenay su'aalo ku saabsan caafimaadkooda. Sidoo kale wararka la helayo Defence Line ayaa sheegaya in kooxdu ey qarinayso masiirka Maxammed Xasan Ismaciil AL-Madani oo ah Raysal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Maamulka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Xasan Cabdallah AL-Sacadi oo ah Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi baarista Sayniska, iyagoo xaqiijinaya in qofka dambe lagu daweynayo dalka dibadiisa.
ISHA-XARAF-28.
125-KGS OO DAROOGADA KOKAAYIIN AH OO LAGU QABATAY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-DAROOGADA COCAIN.
(BEIRUT)-BREAKING NEWS: Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu soo geliyo dalkooda (125)-Kiilogaraam oo KOKAAYIIN ah, iyadoo gacan ka heleysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Boqortoooyada Sacuudiga, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga Talaadada maanta ah. Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Sareeya Guuto. Dhalal Bin Cabdul Muxsin Bin Shalhuub, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Lubnaan oo ka duulaya xogta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada Shabakadaha ka Ganacsada Maandooriyaha/daroogada, ey fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu tahriibiyo Maandooriyahan oo lagu soo dhex Qariyay shixnad Saliid ah. Afhayeenku waxa uu caddeeyey in Boqortooyadu ey sii wadeyso la socodka, ka hortagga, iyo ka hortagga falalka dambiyada ah ee lagu bar-tilmaameedsanayo Amniga Boqortooyada, dhallinyaradeeda, iyo kuwa dalalka saaxiibka ah ee loo adeegsado Maandooriyaha.
ISHA-AN.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHIRKADO TAHRIIBIYA SALIIDA IRAN.
(SAWIRKA)-FUUSATADAHA SALIID IRAAN.
(WASHINGTON)-Iyadoo la filayo iney soo noqoto cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Tehran , Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday iney soo rogtay cunaqabatayn cusub oo la xiriira Iran. War qoraal ah oo lagu daabacay website-keeda Talaadada maanta ah, Waaxda Maaliyadda ayaa sharaxday in "Xafiiska Waaxda Hantidhowrka ee Ilaalinta Hantida Dibadda (OFAC) uu cunaqabateyn ku soo rogay Ganacsade caan ah iyo Shabakadiisa Shirkadaha iyo Maraakiibta soo geliya Saliidda Iran iyagoo ku gabanaya Saliid Ciraaq si ey uga baxsadaan cunaqabateynta Mareykanka." Waxay intaas ku dartay in Shabakaddan ey Tehran u soo saarto in ka badan $300 milyan sannadkii. Wasaaraddu waxa kale oo ey xustay in Maraykanku uu maanta qaaday tallaabo adag oo uu ku joojinayo dhaq-dhaqaaqa dakhliga ee taliska Iran, taasoo ka dhalatay hab-dhaqanka burburka iyo xasilooni-darrada ah ee uu ka wado Ciraaq, Bariga Dhexe iyo Guud ahaan caalamka.
WALII AL-SAMARA’I:
Hay’adaha maanta la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Shirkado iyo Maraakiib uu Hogaaminayo Ganacsade Walid AL-Samara’i, oo ah Ciraaqi haystana Jinsiyadaha Saint Kitts iyo Nevis, oo lagu eedeeyay inuu Tahriibiyo Shidaalka dalka Iraan isagoo ku gabanaya saliid ey dhoofiso Ciraaq. Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo saddexda waddan ee Yurub (France, Germany, iyo UK) ey dib u bilaabeen hannaanka dib-u-soo-celinta cunaqabataynta Qaramada Midoobe ee Iran, warqad ey u direen todobaadkii hore Golaha Ammaanka. Si kastaba ha ahaatee, waxay isla markaa sharaxday in tillaabadan looga golleeyahay in lagu riixo dhinaca Iran si ey xal u raadiso, dib ugu soo laabato wada xaajoodka Mareykanka, iyo iney si dhow ula shaqeyso Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii xilligii ugu horeysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 2018, cunaqabateyn badan ayaa lagu soo rogay qaybo kala duwan. Maamulka Trump, intii lagu jiray xilligiisii labaad, sidoo kale kama uusan labalabeynin inuu cunaqabateyn badan ku soo rogo Iran, oo dhaqaalaheeda wajahaayo caqabada badan.
ISHA-AA.
CAASIMADDA LIIBIYA EE TRIPOLI OO DAGAAL LOOGA CABSI QABO.
(SAWIRKA)-CIIDANKA LIIBIYA.
(TRIPOLI/LIBYA)-Caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa waxaa ka taagan xiisad aan horay loo arag, ka dib markii kooxo hubeysan oo gacan saar la leh dowladda Midnimada Qaran, oo ey taageerayaan ciidamada difaaca ee Golaha Madaxtooyada, ey ku dhawaaqeen xaalad feejignaan buuxda ah, si loogu diyaargaroobo iska horimaad hubeysan oo lagu xaqiijin karo gacan ku heynta dhulka. Dhanka kale waxaa socda waan-waantii ugu dambeysay oo lagu baajinayo dagaal. Habeenimadii xalay, ayaa la arkayay kolonyo ciidan oo ka baxaya xeryahooda, kuwaasoo isugu jira kooxaha dawladda taageersan iyo kuwa ka tirsan ciidamada difaaca oo ey taageerayaan kooxaha Zawiya iyo Zantaan. Waxay ku sii nagaadeen oo la geeyey dhawr jiho oo muhim ah oo ku yaal caasimadda Tripoli. Dhanka kale, goobaha lagu iibiyo baabuurta ayaa laga daad gureeyay baabuurtii, iyadoo laga cabsi qabo iney waxyeelo soo gaarto haddii uu dagaal dhaco. Wadooyinka qaar ayaa la xiray, iyadoo rasaas teel teel ah laga maqlayo gudaha xarumaha ey ku sugan yihiin kooxaha hubeysan, taasoo loo arkayey iney tahay "digniin" ka hor dagaal ballaaran.
ABAABULKA LABADA DHINAC:
Arrintan ayaa timid ka dib markii maalmo ey socdeen abaabulo labada dhinac ah, iyadoo ey fashilmeen dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda, taasoo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in Qarax amni uu dhaco, isla markaana khatar ku ah hannaanka xalinta siyaasadda ee jilicsan. Madaxa Xukuumadda Midnimada Qaran, Abdulxamid Dbeybah, ayaa doonaya inuu dib u soo ceshado dhismaha Mitiga, oo ey ku yaallaan Garoonka diyaaradaha, saldhigga hawada, isbitaalka militariga, iyo Xabsiga. Dhismahan ayaa waxaa ku sugan shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan taliskii Mucamar AL-Qadaafi iyo sidoo kale shaqsiyaad kale oo halis ah oo ey ku jiraan Hogaamiyayaasha Argagixisada. Goobahan ayaa muddo sanado ah waxaa gacanta ku hayay Ciidanka ka hortaga. Dadka wax indha indheeya ayaa rumeysan in qaabka dhaq-dhaqaaqa ciidan, gaar ahaan Gaadiidka Gaashaaman ee lagu soo daad guraynayo bartamaha caasimadda, ey muujineyso in la doonayo in lagu qabsado goobo istiraatiiji ah, laguna xaliyo colaadda, iyadoo ey jirto xaalad walaac iyo jahawareer soo wajahday dadka deggan caasimadda.
ISGOYSYADDA KHATARTA AH:
Xaaladdan oo kale, Saalim AL-Majbari oo ah falanqeeye siyaasadda Liibiya ayaa sheegay in caasimadda Tripoli, "hadda ey ku sugan tahay isgoysyo halis ah," isagoo sharaxaya in xaaladda dhulka ey muujinayso dhismayaal iyo qaabab ciidan oo muhiim ah kuwaasoo sita astaamaha iskahorimaadka hubeysan, gaar ahaan gelitaanka Taangiyada iyo Gaadiidka culus iyo in la geeyo goobaha muhiimka ah. Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay Al Carabiya.net, wuxuu rumeysan yahay in waayo-aragnimada sannadihii u dambeeyay ey caddaynayso in dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah loo isticmaalo awood siyaasadeed iyo mid milatari si loo horumariyo danaha iyo shuruudo cusub oo lagu soo rogo inta lagu jiro wadahadalka, halkii loo diyaarin lahaa dagaal furan. Waxa uu aaminsan yahay in dhinacyadu ey u badan tahay iney dib u laabtaan daqiiqadaha ugu dambeeya, taasoo ey ugu wacan tahay cadaadiska caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay si looga hortago in caasimadda ey u gudubto dagaal khasaare badan iyo kharash badan ku baxaya. Dhanka kale, Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku sugan caasimadda Tripoli, iney xaaladda dejiyaan "si deg deg ah," iyagoo ku boorriyay "in ey si deg deg ah uga fogaadaan fal kasta oo khatar gelin kara dadka rayidka ah," iyagoo ka digaya in colaad kasta oo cusub "eysan halis gelinayn oo keliya ammaanka Tripoli, laakiin ey ku fidi karto qaybaha kale ee dalka." Isla xaaladdan, dadka degan Tripoli, Tajoora’a, Zaawiya, iyo magaalooyinka kale ee galbeedka Liibiya, ayaa bayaan ey soo saareen fiidnimadii Isniinta waxay ugu baaqeen Abdelxamid Dbeybah inuu 24 saacadood gudahood uga saaro kolonyada hubaysan ee caasimadda, soona celiyo joogitaanka rayidka. Waxa ey ka digeen in caasimadda laga dhigo ciidan, waxa eyna ku hanjabeen iney sameyn doonaan kacdoon shacab iyo iney ka horimanayaan dawladiisa.
ISHA-AA.
SURIYA IYO LUBNAAN OO MAXAABIIS ISDHAAFSANAAYO.
(SAWIRKA)-XUDUUDA SURIYA IYI LUBNAAN.
(SYRIA/LEBNAN)-Dalalka Lubnaan iyo Suuriya waxay ku heshiiyeen iney sameeyaan laba guddi oo gaar ah si ey u diyaariyaan qoraallada diyaarinta ee heshiis garsoor oo u dhexeeya labada waddan iyo mid kale oo la xiriira xuduudaha, si loo diyaariyo booqasho Wasiiro Suuriyaan ah oo mustaqbalka dhow ku imanayso Beyrut. Saraakiisha Garsoorka iyo Amniga ayaa sheegay in Lubnaan iyo Suuriya ey samayn doonaan guddiyo si ey u go'aamiyaan masiirka ku dhawaad 2,000 oo Maxaabiis oo Suuriyaan ah oo ku xiran xabsiyada dalka Lubnaan, soo saarida muwaadiniinta Lubnaan ee lagu la'yahay Suuriya sannado badan, iyo xallinta xuduudaha aan calaamdsaneyn. Ku dhawaaqista Isniinta maanta ah ayaa ku soo beegantay iyadoo wafdi Suuriyaan ah oo ey ku jiraan laba Wasiiro hore iyo Madaxa Guddiga Qaran ee dadka lagu la’yahay Suuriyiinta ah ey booqdeen caasimadda Lubnaan ee Beirut, waana markii ugu horeysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad horaantii bishii December. Heshiiskan ayaa yimid intii lagu guda jiray kulan dhexmaray Raysal Wasaare Ku Xigeenka Lubnaan Dhaariq Mitri iyo wafdi rasmi ah oo Suuriya ka socda oo ka kooban Wasiirkii hore iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxammed Dhaha AL-Ahmad, Wasiirkii hore ee Maxammed Yacquub AL-Cumar, Madaxa maamulka Qunsuliyadda, iyo Maxammed Reda’a Mundir Jalkhi, Madaxa Guddiga Qaranka ee dadka la la'yahay iyo kuwa si qasab ah lagu waayay. Isniinta maanta ah,Mitri wuxuu sharaxay in labada dhinac ey ka wadahadleen "Arrimaha guud iyo siyaabaha looga hortagi karo si kor loogu qaado kalsoonida, ixtiraamka labada dal, iyo rabitaan dhab ah oo iskaashi ah oo u dhexeeya labada dal. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Arrimaha Maxaabiista Suuriya iyo dadka la la'yahay ee Lubnaan iyo Lubnaan dadka lagu la'yahay Suuriya, iyo sidoo kale iskaashiga ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagga tahriibinta." Mitri waxa kale oo uu xusay in “arrinta ku saabsan dadka Suuriyaanka ah ee barakacay iyo dib ugu soo laabashada dalkooda iyo muhiimadda ey leedahay in la fududeeyo laga wada hadlay, isagoo xusay in la isla gartay in dib u eegis iyo hagaajin lagu sameeyo heshiisyada Lubnaan iyo Suuriya, lana tixgeliyo heshiisyada iyo hababka kobcinayo iskaashiga dhaqaale ee labada dal. Waxa uu ku dhawaaqay in "la go'aamiyey in la sameeyo laba guddi oo gaar ah si ey u diyaariyaan qoraallada diyaarinta ee heshiis garsoor iyo mid kale oo la xiriira xuduudaha, si loo diyaariyo booqasho Wasiiro Suuriyaan ah oo ku wajahan Beyrut mustaqbalka dhow." Kulankan iyo heshiiskan ayaa imaanaya kadib markii wafdi ka socda dowladda Suuriya oo todobaadkii hore booqasho ku tagi lahaa magaalada Beyruut dib loo dhigay iyadoo aan la ogeyn sababta keentay. In ka badan 2,000 oo Maxbuus ayaa ku jira xabsiyada Lubnaan, oo ey ku jiraan ku dhawaad 800 oo lagu maxkamadeynayo dembiyo la xiriira ammaanka. Garsoorka militariga Lubnaan ayaa ku eedeeyay "iney galeen dambiyo Argagixiso." Tani waxay ku kaliftay maxaabiistan iney si isdaba joog ah uga codsadaan Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac inuu ka shaqeeyo sidii loogu wareejin lahaa Suuriya si ey halkaas ugu dhamaystaan Maxkamadayntooda. Maamulka cusub ee Suuriya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Axmad AL-Sharac ayaa doonaya in ey "bog cusub ka furaan" Lubnaan oo ey u gogol xaarto booqasho ey ku yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo cadaalada ee Suuriya, inkastoo aan wali la cayimin taariikhda, sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan iyo laba sarkaal oo dhinaca ammaanka ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee (Associated Press). Booqashada mustaqbalka waxay calaamad u noqon kartaa horumar suurtagal ah oo dhexmara labada dal kuwaaso xiriirkoodu uu xumaa muddo dhan tobanaan sano.
ISHA-AA.
LIIBIYA OO HUBKA KA GUREYSA GOOBAHA LA DEGAN YAHAY.
(SAWIRKA)-GOOB HUB YAALLO.
(MISTARATA/LIBYA)-Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa bilaabay iney qorsheeyaan iney ka saaraan bakhaarada rasaasta iyo bakhaarada hubka ee xaafadaha la degan yahay ka dib Qaraxii weynaa ee gilgilay magaalada Misrata, kaasoo geystay khasaare nafeed iyo mid maalba. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo laga jawaabayo dalabaadkii shacabka ee ahaa in hubka laga qaado goobaha ey dadku degan yihiin. Xaaladdan oo kale, Ku-Xigeenka Wasaaradda Difaaca ee Arrimaha Gobolka iyo Milatariga ee Xukuumadda Midnimada Qaranka, Cabdul Salam AL-Zuubi, ayaa soo saaray go'aan maanta oo Isniin ah si loo sameeyo guddi si loo ogaado goobo kale oo lagu kaydiyo hubka iyo rasaasta ka baxsan aagagga la degan yahay.AL-Zuubi ayaa guddiga u xilsaaray iney soo baaraan oo ogaadaan bakhaarrada hadda jira iyo iney dayactiraan ama dhisaan kuwo cusub, iyadoo ey u dheer tahay iney ka guuraan dhammaan goobaha lagu kaydiyo rasaasta ee ku yaalla xaafadaha la degan yahay, xarumaha iyo dhismooyinka aan ciidamada xiriirka la lahayn, iyadoo lagama maarmaan ey tahay iney dib ugu celiyaan hay'adaha ey xiriirka la leeyihiin, hadday tahay mid guud ama mid gaar ah, iyo iney kaydiyaan wixii bakhaar ah ee lagu wareejiyo. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii bakhaar rasaas ah uu ku Qarxay aagga AL-Sukeyraat ee Misrata habeenimadii Axadda, halkaasoo ey ku dhaawacmeen 16 qof ayna burburiyeen dhismayaal dhowr ah iyo guryo dad rayid ah ey degan yihiin. Tallaabadan ayaa jawaab u ah dalabaadkii shacabka, iyadoo dibadbaxayaashu ey ku baaqayeen in la joojiyo hubka lagu keydiyo goobaha rayidka, si looga fogaado dhibaatooyinka soo noqnoqda, loona ilaaliyo nafta iyo hantida shacabka. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, dhowr magaalo oo Liibiyaan ah ayaa lagu arkay Qaraxyo bakhaar rasaas ah oo ey sabab u tahay kaydinta, dabka, ama la'aanta heerarka badbaadada, taasoo keentay khasaare bini'aadan iyo maadi ah.
ISHA-AA.
XUUTIYIINTA OO AAS WADAREED U SAMEEYEY SARAAKIISHII LAGA DILAY.
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Maanta oo Isniin ah, magaalada caasimadda ah ee Sanca, ey maleeshiyada Xuuthiyiinta ku Aaseen meydadka 11-Sarkaal oo ka tirsan dowladda aan la aqoonsan, oo uu ku jiro Madaxii waxa loogu yeero "Dowladda Isbeddelka iyo Dhismaha," Axmed Qaalib AL-Rahwi. Saraakiishan ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo Isra’iil ey la beegsatay goob ey shir ku lahaayeen Dowladda Xuutiyiinta Khamiistii la soo dhaafay. Sida ey ku warantay Wakaalada Wararka ee Xuutiyiinta, Marxuumiinta la Aasay ayaa waxaa ka mid ahaa:
(1)-Axmed AL-Rahwi – Raysal Wasaare.
(2)-Mujaahid Cali – Wasiirka Cadaaladda.
(3)-Muceen AL-Maxqari – Wasiirka Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Maalgashiga.
(4)-Radwan AL-Rubaaci – Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
(5)-Jamal Caamir – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta.
(6)-Cali Seef AL-Saamici – Wasiirka Korontada, Tamarta iyo Biyaha.
(7)-Cali Qaasim AL-Yaafici – Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska.
(8)-Samiir Baa-Jicaala – Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqada.
(9)-Haashim Sharaf EL-Din – Wasiirka Warfaafinta.
(10)-Maxamed AL-Mawalad – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
(11)-Maxammed AL-Kibsi - Agaasimaha Xafiiska Raysal Wasaaraha.
(12)-Zahid Maxammed AL-Camdi - Xoghayaha guud ee Golaha Wasiirada.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah oo lagu bartilmaameedsado Madaxda ugu sareysa kooxda tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay dalka Yemen iyo billowgii duullaanka ey Isra’iil ku heyso degaanadda ey maamulaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Waxaa xusid mudan,Madaxa Glaha Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta Mahdi Mashaadh iyo Xubno ka tirsan Golaha degaanka sida Maxamed Cali AL-Xuuti ayaa ka maqnaay madasha Aaska Marxuumiinta,in kastoo horay ey uga qeybgaleen aaska hogaamiyeyaal ka darajada yar kuwa maanta la aasay,kuwaaso maamulka dawladda Xuutiyiinta ee magac u yaalka ah ey soo magacawday. Aaska ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda Maxamed AL-Nuceymi iyo Hogaamiye Maxammed Miftaax, oo loo xilsaaray maamulida dowlada kooxda, oo ey wehliyaan Caalimka Dhinaca Diinta ee Xuutiyiinta Shams AL-Din Sharaf AL-Din iyo Madax kale. Intii uu socday aaska, hoggaamiye Miftaax waxa uu ku andacoodey in kooxdu ey ka hortimid "Imbaraadooriyadda sirdoon ee ugu awoodda badan caalamka," isagoo xusay in "dhammaan nidaamka Sahyuuniyadda, laga soo bilaabo maamulka Mareykanka ilaa Sahyuuniyadda Carabta, ey bartilmaansadeen dowladda iyada oo qayb ka ah ololaheeda ey ku beegsaneyso cid kasta oo hor istaagta gumeysiga Sahyuuniyadda ee gobolka." Miftaax waxa uu carabka ku adkeeyay isku dhafka ciidamada dawladda ee maleeshiyada, “iyaga oo u shaqaynaya si wadajir ah, oo ey taageero weyn ka helayaan shacabka iyo rabitaanka Yemen, iyo caqliga hoggaamiyaha weyn”. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in eysan jiri doonin qalqal amni, sahay iyo maamul midna, maadaama xaaladdu ey tahay mid degan oo ah heerkii ugu sareeyay, ugu wanagsan iyo ugu xooggan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka la eego waxyaabaha lagu hadal hayo baraha bulshada iyo kuwa cadawga ku ah amniga, waxaan idiin xaqiijinayaa in Hay’adaha Amnigu ey marayaan heerkii ugu sareeyay, wax walbana waa hagaagsan yihiin, si ka duwan sida buunbuuninta ey muujinayaan qaar ka mid ah dadka arrimahaas ka hadlaya. Wuxuu ku andacoodey in dowladooda ey tahay mid dadka u dhow oo ey dhex joogaan, Raysal Wasaaraha iyo Wasiiraduna ey u baxaan sidii ey u ogaan lahaayeen baahiyaha shacabka, taasoo qeyb ka ah la socodka dhaq-dhaqaaqa maalinlaha ah, dhaq dhaqaaqa iyo dhacdooyinka guud, la socodka xubnaha dowladda uma baahna howlo sirdoon oo adag. Waxa uu yiri, "Hase yeeshee, waxaan idiin xaqiijinayaa in dhacdada iyo burburka hoostiisaba ey ku fashilmeen, tallaabooyinkayaguna aad buu u xoog badan yahay oo aan ka yarayn." Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan galnay dagaal weyn, ma fududa mana fududa, waa dagaal xooggan oo baaxad leh, waxaana isku dhacnay Mareykanka, dagaalkani ma ahayn mid milateri oo keliya, balse wuxuu ahaa dagaal lagu qaaday dhaqaalaha, isgaarsiinta, korontada, saliidda, iyo dhammaan xarumaha dalka. "Cadowgu wuu fashilmayaa, ciidamada qalabka sidana waxay weerar ku yihiin cadowga, oo uu ugu dambeeyay Markabka Saliidda ee Isra’iil saaka," ayuu yiri Miftaax, isagoo raaciyay, "Waxaan si wadajir ah u qiimeynay shaqada dowladda, dib u eegis iyo dib u eegis qorshaha sanadka soo socda, iyo ka fikirida mashaariicda muhiimka ah ee istiraatiijiga ah si ey u degaan Warshadaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira alaabta ceeriin ee Yemen ee macdanta iyo arrimo aad u waa-weyn, waxaan diyaarinay qorshooyinka maalinlaha ah." Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kuwa dhintay Waxa "Ey si buuxda ugu qanacsan yihiin oo ey ugu han weyn yihiin mawqifkooda, waxa eyna qinaaco dhammaystiran ku qabeen u diyaargaraw geeri."
ISHA-WAKAALADDO.
XUUTIYIINTA OO BERRI U SAMEYNAAYO AAS RAGII ISRA’IIL KA LAAYSAY.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIRADA XUUTIYINTA EE LA DILAY.
(SANA’A)-Weli waxaa sii socda cawaaqibta ka dhalatay duqeynta Israa’iil ee lala beegsaday goob shir ey lahaayeen Hogaamiyayaasha sare ee dowladda aan la aqoonsan ee Xuutiyiinta ee Koonfurta caasimadda Sanca. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Ali Abdul Karim Ali Shayban, oo kooxda loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Deegaanka, uu u dhintay dhaawacii soo gaaray ka dib saddex maalmood oo uu ku jiray daryeel deg deg ah, sida laga soo xigtay Difaynas Online. Dhinaca kale, Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay xilliga la aasayo Raysal Wasaarahooda Axmed Qaalib AL-Rahwi iyo tiro Wasiirro ah oo lagu dilay isla weerarkaas. Maleeshiyada ayaa intaa ku dartay in aaska uu ka dhici doono barqanimadii maalinta Isniinta ah fagaaraha AL-Sabeen ee caasimadda Sanca. In kasta oo la qabtay wakhtiga aaska, kooxda ayaa sii wada iney qariyaan magacyada Wasiiradii lagu dilay weerarka, iyagoo bayaankooda ku xusay “AL-Rahwi iyo Wasiiradii la shaqayn jiray”, tallaabadan oo su’aalo badan ka keenaysa inta uu la’eg yahay khasaaraha soo gaaray kooxda Xuutiyiinta. Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili kooxdan eysan si rasmi ah ugu dhawaaqin baroor diiq ku aadan geeridii ku timid Raysal Wasaarahooda iyo inta badan xubnihii ka tirsanaa Xukuumadda Xuutiyiinta. Tani waxay ka duwan tahay mawqifyadii ey horay kooxda Xuutiyiinta u qaadatay oo ay ka mid yihiin Baroordiiqda iyo Hoos u dhigista Calanka Jamhuuriyada Yemen ka dib dilkii Hogaamiyaha Ururka Xizbullah ee Lubnaan Sheekh Xasan Nasrallah iyo Madaxweynihii Iraan Ibraahim Raysi,kooxda ayaa dhimashada labadaas shaqsi u sameysay Baroordiiq laga sameeyey dhulka ey maamulaan oo dhan, halka maanta aan waxba laga sameyn.
ISHA-Q28.
ISRA’IIL OO BAADI GOOB ADAG UGU JIRTA DILKA CIZADIIN AL-XADDAAD.
(SAWIRKA)-CIZADIIN AL-XADDAAD.
(MARINKA GAZA)-Hal magac oo kaliya ayaa ku haray liiska Hogaamiyayaasha Xamaas ee Isra’iil ka raadineyso Marinka Qaza, ka dib markii lagu dhawaaqay in afhayeenka ciidamada Xamaas Abu Cubeyda lagu bartilmaameedsaday duqayn ey Israa’iil ka geysteen Marinka Qaza. Ninka ugu dambeeya ee la raadinayo waa Cizadiin AL-Xaddad, oo ah Taliyaha Guutada magaalada Gaza, sida laga soo xigtay ilo-wareedka Isra’iil. Wargeyska Cibraaniga ah ee Maariv ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya laamaha ammaanka ee Isra’iill, in Xaddaad uu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee ka haray liiska dilalka ee ey kormeerayaan Agaasinka Sirdoonka Militariga iyo Adeegga Amniga Guud (Shin Bet). Marka laga soo tago isaga, waxaa jira Madax kale oo Xamaas ah oo dibadda ah, waxaana ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ey xaqiijinayaan in kormeerkooda uu yahay mid ey gacanta ku hayso Mossad oo salka ku haysa go’aan Siyaasadeed oo ka soo baxay Madaxda sare. Abuu Cubeyda waxaa loo tixgeliyey inuu ahaa weji warbaahineed oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa iyo cudud dacaayad oo xooggan. Magaciisa waxa lala xiriirin jiray hadallo ciidan muddo sanado ah, waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay Ololihii Siyaasadda iyo Warbaahinta ee dhaqdhaqaaqa. Dilkiisa, marka loo eego qiyaasta Isra’iil, waxay dhabarjab ku tahay "ka warqabka dadweynaha" gudaha iyo dibadda MarinkaGaza. Ka dib markii Xamaas ey xaqiijisay dhimashada Muxamed Sinwar, taliyihii ugu caansanaa Guutada Qasaam, garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa,ma jiro qof ey yaqaaniin Brigades, ama ka qaybqaatay qorsheynta iyo fulinta weerarkii Oktoobar 7, 2023, ayaa weli ah marka laga reebo taliyaha guutada magaalada Gaza, Cizadiin AL-Xaddad, oo ey sidoo kale Israa'iil baacsato. Intii uu socday dagaalka Gaza, Israa’iil waxay dishay taliyihii guutada Qasaam Maxammed Deyf, taliyaha qaybta guutada Maxammed Sinwar, iyo ku xigeenkii Deif, Marwan Ciisa. Heerka taliyayaasha mudnaanta leh, Israa'iil waxay sidoo kale dishay Axmed AL-Ganduur, taliyihii Guutada Woqooyi, Ayman Nofal, taliyaha Guutada dhexe, Rafic Salama, taliyaha Guutada Khaan Yoonis iyo Maxammed Shabaana, taliyaha Guutada Rafax. Saddexduba waxay ka koobnaayeen Golaha Milateriga ee Guutada Qasaam Brigades, iyo AL-Xaddad. Haddaba, waxa la odhan karaa AL-Xaddaad waa calaamadii ugu dambaysay ee ka hartay dhaqdhaqaaqii Oktoobar 7-2023-kii. Avi Ashkenazi, oo ka faallooda Arrimaha Amniga ee Wargeyska Maariv, ayaa qoray in magaca Haddad uu ka muuqdo meesha ugu sareysa "Liiska Aargoosiga ee 7-da Oktoobar." Waxa uu intaaS ku daray, "Hadda waxaa jira hal magac oo ku haray liiska Madaxda Sare ee Xamaas ee Gaza oo Hogaaminayey oo maamulay hawlgalkii Oktoobar 7, Cizadiin AL-Xaddad, taliyaha Guutada magaalada Gaza." Marka laga soo tago AL-Xaddad, waxaa jira kuwa kale, laakiin dhammaantood waxay hadda degan yihiin meel ka baxsan Gaza.
WAA KUMA CIZDIIN AL-XADDAAD?
Xog yar ayaa laga helayaa AL-Xaddad iyo korintiisa, balse warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay inuu madax xanuun u geystay ciidamada Israa’iil ka dib markii Ey ku guul-darreysteen iney dilaan dhowr jeer oo uu ugu horeeyay dagaalkii 2008-dii. Wararku waxay sheegayaan in millatariga Israa’iil ay saddex jeer duqeeyeen gurigiisa, sannadihii 2008, 2012, iyo 2021, waxayna sidoo kale weerareen intii uu socday dagaalka, iyagoo helay sawirro isaga oo ay la socdaan hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Xamaas iyo garabkeeda milateri.
Warbaahinta Falastiin ayaa xaqiijisay in AL-Xaddad uu Hogaaminayay dagaalyahanada qeybta bari ee magaalada Gaza intii uu socday dagaalkii 2008-dii, ka hor inta uusan la wareegin taliyaha guutada Qasaam ee Koonfurta Gaza intii uu socday dagaalkii 2012-kii. Waxa uu sii waday inuu qabto jagadan intii lagu jiray 2021 "Dagaalka Seefta Qudus," oo ey weheliso amarka taageerada dagaalka ee Marinka Gaza oo dhan. Warar kale ayaa tilmaamaya in Cizadiin AL-Xaddad uu door muuqda ku lahaa ururka "Majd" ee ka tirsan guutooyinka Qasaam, kuwasoo mas'uul ka ah baacsiga wakiilada iyo basaasiinta la shaqeeya Isra’iil.AL-Xaddad, oo loo yaqaan naaneyska "Abu Suhayb," wuxuu ku dhashay Gaza sannadkii 1970-kii. Waxa uu ku biiray Xamaas markii la aasaasay sannadkii 1987-kii, waxaanu isla markiiba ku biiray guutada Qasaam, isagoo ka soo kicitimay dagaalyahannadii caadiga ahaa, waxaanu noqday taliye kooxeed ka tirsan guutada Gaza, ka dibna taliye guuto, ugu dambayntii 2021, ka dib markii la dilay taliyihii hore ee guutada Gaza, Baseem Ciise, waxa uu noqday taliyaha hadda ee guutada Qasaam. Intii uu xilka hayay, Xaddad waxa uu xubin ka ahaa Hay’adda Amniga Gudaha ee Xamaas, oo u xilsaaran dabagalka kuwa wada-shaqeynta la leh Israa’iil. Ninkan ayaa lagu naaneeso "JINIGII QASAAM" oo ah naanays ey warbaahinta Israa'iil ku sheegtay inuu awood u lahaa inuu ka baxsado oo uu ka badbaado dhowr isku day dil. Israa'iil waxay isku dayday iney disho wax ka badan hal jeer ka hor iyo intii lagu jiray dagaalka hadda, waxay ku garaacday gurigiisa inta badan dagaalladii hore, bishii November 2023 waxay abaal-marin lacageed oo dhan $750,000 ku yaboohday xog kasta oo horseedda in la qabto. Isagoo isku dayaya inuu soo qabto, Israa'iil waxay dishay wiilkiisa ugu weynaa, Suhayb, horaantii sanadkan, weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Gaza. Sidoo kale waxay dishay wiil kale, kaasoo aan lagu arag aaskooda. Waxa uu la xiriiray hoggaanka Guutada Qasaam, waxana la ogaa in uu si toos ah u agaasimay, isaga iyo dhawr hoggaamiye oo kale oo Qasaam ah, weerarkii 7-dii Oktoobar. Intaa ka hor, waxa uu kormeeray wax-soo-saarka gantaallada “Yaasiin 105” oo uu amray in la kordhiyo wax-soo-saarkooda. Waxa uu ka soo muuqday cajalado intii lagu jiray xabbad joojintii dhawaan ka dhacday Marinka Gaza, isaga oo caddaynaya lama huraanka guusha iska caabinta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu mar kale la waayay markii uu dib u bilowday dagaalka, ka hor inta aysan ciidamada Isra’iil soo saarin sawiro cusub bishii July ee la soo dhaafay, oo ey ku andacoonayaan iney muujinayaan isaga oo is qarinaya.
DAWACADII HOGAANKA:
Taageerayaasha Xamaas iyo xubnaha Guutada Qasaam waxay door bidaan iney ku tilmaamaan "Dawacada Guutooyinka." Waxa kale oo loo yaqaan, sida laga soo xigtay warbixinnada lagu daabacay Wall Street Journal iyo mareegaha Israa'iil, xirfaddiisa qarinta iyo dhuumashada, iyo inuu si faseexa ugu hadlo Cibraaniga. Warbaahinta Cibraaniga ayaa soo xigatay warbixinno sirdoon oo sheegaya in saacado ka hor weerarkii lama filaanka ahaa ee Oktoobar 7, 2023, ee loo yaqaan “Hawlgalkii Nuux”, Xaddad uu u yeeray taliyayaashiisa oo uu u dhiibay warqad ey ku daabacan tahay astaanta Guutada Qasaam. Waxay u qornayd sidan: "Iyadoo la aaminsan yahay in guul la taaban karo ey gaareen, hoggaanka guutooyinku waxay isku raaceen in la bilaabo hawlgalka weyn ee militariga (Howlgalka Nuux). Maxbuus Israa’iili ah oo la sii daayey oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta Cibraaniga u sheegay in uu AL-Xaddaad kula kulmay Gaza shan jeer, xitaa waxa uu ku hoyday isla gurigii uu ku sugnaa, AL-Xaddad waxa uu u sheegay maxbuuska iyo intii la socotay in uu mas’uul ka yahay dhammaan maxaabiista. Sida laga soo xigtay maxbuuskii hore, AL-Xaddad "wuxuu xiisaynayay sida Ey maxaabiistu u sifayn lahaayeen sida loola dhaqmayo, markii maxbuusku u sheegay in qaar ka mid ah ilaaladooda ey ka wanaagsan yihiin kuwa kale," AL-Xaddad wuxuu ku jawaabay "Taasi waa nolosha, waxaa jira dad wanaagsan, waxaana jira dad xun." Ka dib markii milatarigu uu xaqiijiyay dhimashada Maxammed Sinwar dabayaaqadii May, Wasiirka Difaaca Isra’iil Yisrael Katz ayaa uga digay hogaamiyayaasha Xamas ee ku haray Gaza iyo dibadda: "Cizadiin AL-Xaddad oo ku sugan Gaza, Khalil AL-Xaya oo dibadda ah, iyo dhammaan gacan-siiyeyaashooda dambiyada - adinkaa ku xiga," ayuu yiri Katz. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan militariga Isra’iil iyo Waaxda Amniga Guud (Shin Bet), ICizadiin AL-Xaddad ayaa durba ku jira liiska bartilmaameedka Isra’iil, ka dib dilkii Abu Cubayda. Israa'iil ayaa sidoo kale qorsheynaysa iney disho dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Xamaas oo dibadda ah.
QOFKA KOOWAAD:
Qoraal hore oo uu soo dhigay masraxa X, af hayeenka milatariga Israa’iil Afikhaay Adraci ayaa Xaddad ku daray ninka lambarka koowaad ee la raadinayo. Adraci waxa uu qoray wakhtigaas in ciidamada Israa’iil ey sii wadaan burburinta guutada Gaza ee Xamaas. Boos ka mid ah guutada todobada taliye ee sar-sare, afar ka mid ah ayaa la baabi’iyay ilaa hadda, waxana ku haray saddex taliye oo sar-sare oo ka tirsan silsiladda taliska”,waxaane ugu sareeyo Cizadiin AL-Xaddaad. Ciidamada Isra’iil ayaa intii uu socday dagaalka Gaza qaybiyay waraaqo ey ku bixinayaan abaal marin dhan 750,000 oo dollar cidii keenta xog ku saabsan AL-Xadaad iyo Hogaamiyeyaasha kaleee Ururka Xamaas.
ISHA-AA.
DAROOGO LAGU QABTAY MAGAALADDA DUBAI EE IMAARAATKA.
(SAWIRKA)-RAGA LA QABTAY.
(DUBAI)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa dabagal ku sameysay dhaq-dhaqaaqyada shabakadaha ka Ganacsata Daroogada waxa ey keentay in xogta ey siiso Hay’adda dhiggeeda ah ee Imaaraadka. Natiijo ahaan, maamulka Imaaraadku wuxuu fashiliyay isku day lagu doonayey in lagu tahriibiyo (89,760) Kaniiniyada Amphetamine, oo lagu soo qariyay shixnadaha dharka lagu xiro. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Sareeye Guuto Dhalal AL-Shalhuub, ayaa sheegay in Boqortooyadu ey sii wadeyso dabagalka, la dagaallanka, iyo ka hortagga falalka dambiyada ah ee lagu bar-tilmaameedsanayo ammaanka Boqortooyada, Dhallinyarada, iyo kuwa dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee ka Ganacsiga Daroogada. Haddaba, iyadoo xogtan laga duulayo, waxay Booliska Dubai qabteen koox burcad ah oo ka kooban Saddex qof oo labo ka mid ah ey yihiin Carab iyo mid Aasiyaan ah, kuwaasi oo isku dayey iney tahriibiyaan 89,760 Kaniiniga Captagon ah oo lagu soo qariyey badhamada dharka guri dabaq ah oo ku yaalla Dubai iyo Imaaraada kale. Qiimaha alaabta la qabtay ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad AED 4,488,000, ka hor inta aan dalka laga dhoofin, iyadoo la kaashanaysa Waaxda Guud ee Xakamaynta Maandooriyaha ee Sucuudiga. Booliska Dubai ayaa sheegay in Hawlgalka Badhamada Sunta ey qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Taliska Guud ee Booliska Dubai uu kula dagaallamayo laguna fashilinayo qorshayaasha Ganacsatada, kuwa wax tahriibiya iyo kuwa wax tahriibiya ee doonaya iney suntooda ku dhex faafiyaan dhalinyarada. Marka la eego tafaasiisha hawlgalka “Badhamada Sunta” ee Booliska Dubai, waxa uu ku macneeyey inuu bilaabmay ka dib markii ey heleen xogo lagu kalsoon yahay oo tilmaamaya iney dalka gudihiisa ku sugan yihiin koox burcad ah oo ka kooban saddex qof oo laba ka mid ah ey u dhasheen dalalka Carabta iyo Asiyaan kale, kuwaasoo qorshaynayey iney qaataan tiro Maandooriye ah iyo walxo caqliga wax u dhima, ka dibna u tahriibiya dal jaar ah. Kooxdan burcadda ah ayaa waxaa hagayey hogaamiyihii Ururkaas oo fadhigiisu ahaa dalkiisa. Intaasi ka dib, Booliska Dubai ayaa qabtay “eber saac” si ey u soo qabtaan tuhmanayaasha, una soo burburiyaan, una soo bandhigaan Kaniiniyada Maandooriyaha ah, oo si taxadar leh loogu dhex qariyay badhanka dharka. Booliisku waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la Xoojiyo Iskaashiga Caalamiga ah si loo abuuro Bulsho ka caagan Daroogada.
ISHA-AA.
ISRA’IIL OO SHEEGTAY INEY DISHAY AFHAYEENKII GARABKA MILETERI EE XAMAAS.
(SAWIRKA)-ABU CUBEYDA.
(GAZA)-Ilo Falastiini ah ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya subaxnimadii Axada maanta ah in la dilay afhayeenkii Guutada Qasaam, garabka Garabka Milatari ee Xamaas, oo loo yaqaan “Abu Cubeyda,”. Ilaha Falastiiniyiinta ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ey beegsatay guri uu ku sugnaa afhayeenka Qasaam, waxaana duqeynta Israa’iil ey sababtay dhimashada qof kasta oo ku sugnaa gurigaas. Ilahan ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya in xubno ka tirsan Qoyska Abu Cubeyda iyo Madaxda Guutada Qasaam ey xaqiijiyeen dhimashadiisa ka dib markii ey baareen meydadka.
CODKII CAANKA AHAA EE “AL-QASAAM”:
In ka badan 20 sano, ninka dahsoon ee wejiga soo duubtay ee loo yaqaan "Abu Cubeyda" wuxuu ahaa mid ka mid ah codadka ugu caansan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin iyo garabkeeda militariga, guutooyinka Qasaam. In kasta oo magaciisa dhabta ah iyo muuqaalkiisa dhabta ah aanay cidina ka warhayn marka laga reebo meelaha uu ku sugan yahay, haddana waxa uu caan ku noqday hadalladiisa, dharka ciidanka, iyo Koofiyad cas oo astaamihiisa qarinaya. Magaca “Abu Cubeyda” waxa uu si weyn u soo shaac baxay dagaalkii 55-ta maalmood socday ee Israa’iil ey ku qaaday Marinka Gaza sanadkii 2014. Intii uu socday dagaalkan, ninka wejiga soo duubtay waxa uu u adeegay isku xirka dagaalyahannada ku sugan tunnel-ka iyo goobaha dagaalka ee kala duwan iyo dadka Gaza, iyo sidoo kale inta u dhaxaysa Gaza iyo adduunka. Abuu Cubeyda waligiis ma soo muuqan isagoo wejigiisa qaawan furan yahay, Ka dib markii uu markii hore xirtay maaskaro madow, wuxuu bilaabay inuu xirto Koofiyad Cas oo xijaab ah oo daboolay inta badan wejigiisa marka laga reebo indhaha. Tani waxay ku kasbatay naanays caan ah "midka daboolan." Waxa uu tusaale u soo qaatay Taliyihii hore ee Guutada Qasaam Imad Caqli oo ey Israa’iil dishay 1993-kii, waxa uuna fuliyay dhammaan howlgalladiisa isaga oo wajigiisa ku qariyay Koofiyad Cas. Ka dib ka bixitaankii Israa’iil ee Qaza 2005, Abu Cubeyda waxa si rasmi ah loogu magacaabay afhayeenka guutada Qasaam. Ninkan indho-shareerka ah ayaa caan ka helay Falastiin iyo wadamo kala duwan oo Carabta ah, taasoo ey ugu wacan tahay kalsoonida lagu qabo, buunbuunin la'aantiisa marka uu tilmaamo hawlgallada ciidan, iyo aftahannimada iyo awoodda uu u leeyahay luqadda Carabiga.
MACLUUMAAD KU SAABSAN NINKA WIJIYADDA QARSOON EE “ABU CUBEYDA”:
*Ila wareedyo aan rasmi ahayn ayaa ku waramaya in uu ka soo jeedo magaalada laga barakiciyay ee Nacliya, uuna hadda degan yahay xerada Jabaliya ee Waqooyiga Marinka Gaza.
* Gurigiisa ayaa la duqeeyay in ka badan hal jeer (2008, 2012, 2014, iyo 2023), taasoo soo keeneysa inuu ka mid yahay tirooyinka ku taxan liiska bartilmaameedka Isra’iil.
*Waxa uu markii u horaysay ka soo muuqday intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2003 isaga oo ka mid ahaa saraakiishii guutada Qasaam.
*Wuxuu Shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyay ku qabtay 2-dii Oktoobar 2004, Masjidka AL-Nuur ee Waqooyiga Marinka Gaza, halkaasoo uu kaga dhawaaqay dhowr hawlgal oo millatari oo ey guutooyinka AL-Qasaam ku qaadeen ciidammada Israa’iil iyo dabaabadaha dagaalka, taasoo qayb ka ah hawlgallada loogu magac daray “Maalmaha Carada”, taasoo jawaab u ahayd hawlgalkii Israa’iil ee Marinka Gaza ee loogu magac daray “Maalmaha Qoomamada”.
*June 2006, Abu Cubeyda ayaa soo muuqday markii ugu horeysay, isagoo ku dhawaaqay in Xamaas ey ka fulisay Bariga Rafah, taasoo keentay in la dilo labo askari oo Isra’iil ah, laguna soo qabto askari Gilad Shalit.
* Wuxuu khudbadiisa ku daabacay Telegram.
*Waxay soo shaacbaxday ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar oo ey qaadeen Xamaas.
* Israa’iil waxa ey bartilmaameedsatay 4 jeer sannadihii 2008, 2012 iyo 2014, taasoo u dambaysay dhimashadiisa.
MA XUDEYFAH AL-KAHLUUD BAA?:
Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa ilo-wareedyo milateri iyo kuwa ammaanka ayaa waxa ey daabacday sawirka afhayeenka ciidamada Cizz-adiin AL-Qasaam Brigades oo ah Garabka milateri ee Xamaas oo loo yaqaan “Abu Cubeyda” oo aan lahayn wajigiisii caanka ahaa, taas oo muujinaysa aqoonsigiisa dhabta ah ka dib dhimashadiisa. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in afhayeenka Xamaas Abu Cubeyda uu yahay Hudayfah Samiir Cabdullah AL-Kaxluut, sida ey muujinayaan sawirro ey sii daayeen Ciidamada Difaaca Israa'iil bishii Oktoobar 2023, kuwaas oo hadda la faafiyey ka dib markii la helay warka ku saabsan dhimashadiisa. Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay dilka Abu Cubeyda, afhayeenkii garabka militariga Xamaas ee Gaza. Channel 14 ayaa sheegay in laamaha amaanka Isra’iil ey heleen xaqiijinta ugu dambeysa ee dhimashada Abu Cubeyda, afhayeenkii Mileteriga Xamaas.
XIGASHO-AL-CARABIYA.
XUUTIYIINTA YEMEN IYO ISRA’IIL OO HANJABAAD HAWADA ISU MARIYEY.
(SAWIRKA)-SANCA/YEMEN.
(ISRAEL)-Milatariga Israa’iil ayaa sheegay iney xaqiijinayaan joogitaanka Hogaamiyayaasha sare ee militariga ee ku sugan kulanka la bartilmaameedsaday ee Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta Yemen. Afhayeenka ciidanka Isra’iil ayaa sheegay in howlgalka uu yimid saacado un ka dib markii ey heleen xog ku saabsan kulanka, isagoo xusay in howlgalka uu ahaa mid si sax ah loo fuliyay, ujeedkuna uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Madaxda caanka ah. Waxa uu intaasi ku daray iney weli socdaan baaritaano lagu ogaanayo Madaxdii goobta ku sugnaa. Dhanka kale, weriyaha Tv-ga AL-Carabiya ee ku suga Yeman ayaa soo sheegay in Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta ey u carareen Gobolada Sacda iyo Camraan ee Waqooyiga Caasimadda Sanca ka dib duulaanka Isra’iil.
“BILAAW UUN AH”:
Mar sii horeysay, Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa ku hanjabay in waxa Israa’iil ey ku samaysay kooxda Xuutiyiinta ey tahay bilow, isaga oo ula jeeday dilka Raysal Wasaare, Ahmed Qaalib AL-Rahwi, oo ey weheliyaan tiro Wasiirro ah duqeyn cirka ah oo ka dhacday Sanca Khamiistii hore. Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ey ku faantay iney jab iyo dharbaaxo aan hore loo arag u gaysatay Hoggaamiyeyaasha sare ee Xuutiyiinta. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Tel Aviv ey tahay tan go’aamisa xilliga uu dhamaanayo dagaalka Xuutiyiinta. Arrintan ayaa timid ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ey Sabtida maanta ah ku dhawaaqeen iney jawaab ka bixin doonaan dilka Raysal wasaaraha iyo tiro kale oo Wasiirro ah.
XUUTIYIINTA AYAA KU HANJABAY:
Mahdi AL-Mashaadh oo ah Madaxa waxa loogu yeero Golaha Sare ee Siyaasada ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono falkii ey Israa’iil ku dishay Raysal Wasaaraha iyo dhowr Wasiir. Arrintan ayaa timid ka dib markii ey kooxdu bayaan ey soo saartay ku sheegtay in Israa’iil “ey bartilmaameedsatay Raysal Wasaaraha iyo tiro Wasiirro ah intii lagu jiray Aqoon-is-weydaarsi caadi ah oo ey dowladdu qabatay oo lagu qiimeynayey waxqabadkeeda iyo waxqabadkeedii sannadkii hore” oo ka dhacay caasimadda Sanca. Waxa ey intaa ku dartay in “tiro Wasiiro ah ey soo gaareen dhaawacyo fudud iyo kuwo halis ah oo ey ku jiraan daryeel caafimaad,” iyadoo aan la sheegin tiradooda saxda ah. Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay xaqiijiyeen in "Ganacsiga sidii caadiga ahayd" ka dhex jiray hay'adaha uu sii socon doono, iyadoo Maxammed Axmed Miftaax loo magacaabay Ku-simaha Raysal Wasaaraha. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in kooxdu ey sii wadi doonto iska horimaadka ey kula jirto Israa'iil, "si ey u taageeraan dadka Falastiiniyiinta ee Gaza," waa sida ey hadalka u dhigeen.Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay iney geeriyoodeen Wasiirkii Warfaafinta Xuutiyiinta Hashem Axmed Sharaf-AL-Diin, Wasiirkii Waxbarashada Xasan Abdullah Yaxya AL-Sacadi, iyo Wasiirkii Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Samir Baajacaala. Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya dhimashada Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta, Wasiirkii Cadaaladda, Wasiirkii dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirkii Korontada iyo tamarta, Wasiir Ku Xigeenkii Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimihii Xafiiska Raysal Wasaaraha, Maxammed AL-Kabsi.
WEERAR NUUCAAN AH WAA KII UGU HREEYEY:
Waxaa xusid mudan in duqeymahan ey ka dhigan yihiin kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah oo ey Israa’iil isku daydo iney ku disho hoggaamiyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta, taasoo ah xaalad ey dad badan oo indha-indheeya la barbar dhigeen wixii ka dhacay Lubnaan xagaagii hore. Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Marinka Gaza 7-dii Oktoobar, 2023, Xuutiyiintu waxay si joogto ah u bilaabeen gantaalada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku wajahan Israa'iil, kuwaasoo intooda badan la qabtay. Waxay qaadeen daraasiin weeraro ah maraakiibta ganacsiga, iyagoo ku andacoonaya iney xiriir la leeyihiin Isra’iil, waxayna wacad ku mareen iney wax badan ka qaban doonaan si "ey u taageeraan dadka Falastiiniyiinta ee Gaza." Iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil ey qaadeen daraasiin weerar iyo duqaymo ah oo ey ku qaadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen ka hor inta eysan Washington ku dhawaaqin Xabbad-joojin bilo ka hor, Israa’iil ayaa xaqiijisay iney sii wadi doonto duqeymaha ey ku hayso kooxda ey Iran taageerto.
XIGASHO-ALCARABIYA.
KOOXDA XUUTIYIINTA YEMEN OO QIRTAY IN ISRA’IIL DISHAY REYSAL WASAARE AL-RAHWI.
(SAWIRKA)XUKUUMADDA XUUTIYIINTA YEMEN.
(SANA’A/YEMEN)-Ilo-wareedyo kala duwan ayaa shaaca ka qaaday in dhowr Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda fallaagada Xuutiyiinta lagu dilay duqeymo ey diyaaradaha Israa’iil la beegsadeen caasimadda Yemen ee Sanca, Khamiistii la soo dhaafay. TV-ga Al-carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegay in warbixinada ey muujinayaan geerida Jalal AL-Ruwayshan ahne Raysal Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Xuutiyiinta, Cabdul-Majiid AL-Murtada oo ah Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Moceen AL-Maxaaqari oo ah Wasiirka Warshadaha, Haashim Sharafa AL-Diin oo ah Wasiirka Warfaafinta iyo Xasan AL-Sacadi oo ah Wasiirka Waxbarashada. Gelinkii dambe ee Sabtida maanta ah ayey kooxda Xuutiyiinta Yemen ku dhawaaqeen Geerida Raysal Wasaarihii Xukuumada Xuutiyiinta ey ka dhiseen caasimadda Sanca lana yiraahdo Axmed Qaalib AL-Rahwi, oo ey weheliyaan xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, duqeynta ey Israa'iil la beegsatay caasimadda Yemen ee Sanca, Khamiistii hore. Kooxda ayaa war rasmi ah oo ey soo saartay ku sheegtay in weerarku uu dhacay xilli ey masuuliyiintu ku guda jireen fadhi shaqo oo caadi ah oo ey lahayd dowladda, iyadoo sidoo kalena sheegay iney dhaawacyo kasoo gaareen tiro Wasiirro ah waxa eyna kooxdu ku tilmaameen mid dhexdhexaad ah iyo mid culus. War qoraal ah oo ey kooxdu ka soo saartay waxa loogu yeero "Madaxtooyada Jamhuuriyadda" oo ey arkeen Warbaahinta Maxaliga ah, ayaa lagu faahfaahiyay in Axmed Qaalib AL-Rahwi, oo magac ahaan loo magacaabay Raysal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah, oo loogu yeero "Dowladda Isbeddelka iyo Dhismaha," oo aan caalamku aqoonsaneyn, lala dilay tiro Wasiirro ah oo tirsan Xukuumadiisa,Warku wuxuu intaa ku daray in "dambiile, cadawga khiyaanada Isra’iil" ey beegsadeen dhibanayaasha intii lagu guda jiray "tababar caadi ah," iyadoo ey xusid mudan tahay in Wasiiro kale ey soo gaareen dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo kuwo halis ah oo hadda la daweynayo. Bayaanka ayaa lagu sheegay in xilliga weerarka uu dhacay galabnimadii Khamiista, kuna beegan Rabiic AL-Awal 5, 1447 Hijriyada. Horaantii Khamiista, Agoosto 28, kooxdu waxay beenisay in mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasheeda lagu bartilmaameedsaday duqaymaha cirka ee Israa'iil ee Sanca, iyagoo caddeeyay in duqaynta lala beegsaday goobo rayid ah. Milatariga Israa’iil, ayaa ku dhawaaqay in duqeymaha cirka ah lala beegsaday Madaxa shaqaalaha ee Xuutiyiinta Maxammed AL-Gamaari iyo Wasiirka G/dhiga kooxdaas Maxamed Naasir AL-Caadhifi, isku day dilkooda. FADLAN LA SOCO WIXI SO KORDHA.
ISHA-WAKAALADDO.
SARAAKIIL SAR SARE OO LOOGA DILAY XUUTIYIINTA WEERARKII ISRA’IIL EE SHALAY.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA-YEMEN.
(ADEN/YEMEN)-Iyadoo ey ku soo beegantay xilli ey Israa’iil duqeymo la beegsanayso goobaha ey Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Sanca, ayaa warbaahinta Isra’iil waxay daabacday magacyada 8 ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, iyagoo sheegay iney ku jiraan liiska dilalka Qorsheysan ee Israa'iil. Wargeyska “Israel Today” ayaa daabacay sawirka siddeed ka mid ah Hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Xuutiyiinta, oo Ey ku jiraan: Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdulmalik AL-Xuuti, Sarkaalka Iran u qaabilsan Yemen Abdulredha Shahlay iyo Hogaamiyayaasha Mahdi AL-Mashaadh, Maxammed Abdulkarim AL-Gamaari iyo Maxammed AL-Dhaalibi, marka laga soo tago Wasiirka Difaaca Xuutiyiinta Maxammed Nasser AL-Caadhifi, Taliyaha Ciidamada Badda ee Xuutiyiinta Maxammed Cabdulnabi iyo Taliyaha Guutada Ilaalada Xeebaha Xuutiyiinta Maxammed AL-Qaadiri. Wargayska AL-Ain News ayaa daabacday tafaasiil ku saabsan Hoggaamiyayaashan iyo saamaynta ey ku dhex leeyihiin Xuutiyiinta.
Cabdulmalik AL-Xuuti:
AL-Xuuti waxa uu ku dhashay Gobolka Sacda sannadkii 1979-kii.
Wuxuu noloshiisa ku nool yahay inta u dhaxaysa buuraha iyo Godadka Maraan ee degmada Haydaan ee Sacda.
Waxa uu Hogaaminayay maleeshiyadan tan iyo bishii September 2004-tii, isagoo xilka kala wareegay walaalkiis, aasaasihii Xuseen AL-Xuuti oo ey dileen ciidamada Yemen.
Intii uu Hoggaaminayay, Abdulmalik, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Jibril, wuxuu ahaa mid qarsoon oo aan la arki karin ilaa uu markii ugu horeysay ka soo muuqday 2008-dii mareegaha ey sameeyeen kooxda oo taageero ka helaysa Iran.
Hadaladiisii ayaa markii dambe isu beddelay tilmaamo wax ku ool ah oo loogu talagalay xertiisa.
Dad badan oo Yemeniiyiin ah ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maleeshiyada uu yahay oo kaliya horjo ey adeegsadaan Saraakiisha Militariga ee Ilaalada Kacaanka Iran iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xizbullah iyo Xoogaga Quds, gaar ahaan Abdul Reza Shahlai.
Abdulreda’a Shahla’i:
Waa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Iran oo darajadiisu ahayd Sareeye Guuto
Waxa uu u shaqeeyaa Taliyaha Qaybta Yemen ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran.
Waxa lagu tiriyaa inuu yahay Maalgeliyaha iyo Hoggaamiyaha Yemen.
Waa mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha ugu caansan Iran iyo maskaxda kooxda.
Waxa uu ahaa bartilmaameedka duqeymaha Mareykanka ee aan lagu guuleysan sanadihii la soo dhaafay isaga oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Militariga Iran ee ugu caansan Yemen.
Marka loo eego Abaalmarinta Mareykanka ee Barnaamijka Cadaaladda, Shahla’i waxa uu ka howlgalaa Yaman Magacyada Yuusuf Abu AL-Karkh iyo Xaaji Yuusuf. Waxa uu ku sugan yahay magaalada Sanca ee dalka Yemen, waxaana uu leeyahay taariikh dheer oo uu ku beegsanayo dadka Mareykanka iyo xulafada la ah Mareykanka ee caalamka. Ilo wareedyo Yemeni ah ayaa Wargayska AL-ceyn AL-Akhbaariya ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta u xaqiijiyay in Shahlaay uu ahaa maskaxdii iyo shaqsigii qarsoonaa ee Xuutiyiinta tan iyo markii la dilay Hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Maleeshiyada Xuseen AL-Xuuti sannadkii 2004-tii iyo dhaxal-sugaha walaalkii markii uu yaraa oo aan u qalmin Maareynta Arrimaha kooxda Xuutiyiinta. Waxa uu ka qaybqaatay diyaarinta qorshayaasha dagaalka ee dagaalada Sacda iyo dagaaladda gudaha ee Yemen tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii maleeshiyada ee dabayaaqadii 2014-kii, ilaa iyo intii ey bilaabeen weeraro xudduudaha isaga gudba iyo in Yemen laga dhigo goob ey ku sugan yihiin Ilaalada Kacaanka Iran, sida ey sheegeen ilo-wareedyada.
Mahdi Al-Mashaadh:
Waxa uu Madax u yahay Golaha Maamulka ee Xuutiyiinta.
Waa mid ka mid ah Madaxda Garabka Siyaasadeed ee Xuutiyiinta, kuwaas oo ka walaacsan maaraynta arrimaha bulshada ee goobaha ey ka taliyaan Xuutiyiinta.
Waxa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii kooxda ka hor inta eysan maleeshiyaadku u magacaabin Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda sanadkii 2018-kii, isagoo xilka kala wareegay Saalax AL-Samaad oo xilligaasi lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah.
Maxammed Cabdulkarim AL-Gamaari:
Waxa uu hore u ahaa bartilmaameedka weerar ey Israa’iil ku qaadday June 15-keedii.
Ilo wareedyo Yemeni ah ayaa xilligaasi xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarun qarsoodi ah oo ey ku sugnaayeen Ciidamada Sirdoonka ee Maleeshiyada.
Madaxa shaqaalaha ee Xuutiyiinta, Maxammed Cabdul Karim AL-Gamaari, ayaa ku sugnaa halkaas.
AL-Gamaari, oo la siiyay darajada "General" iyo darajada Madaxa Guud ee maleeshiyada, ayaa loo arkaa huriyaha dhabta ah ee dagaalka iyo go'aanka milatari ee maleeshiyaadka.
Ilaha Yemen ayaa tilmaamaya in AL-Gamaari uu dhawaan noqday ninka leh go'aanka ka dambeeysta ah ee in la rido gantaallada ballistic-ga.
Waxay tilmaameysaa meelaha la beegsanayo iyadoo la raacayo hagitaan hawleed oo ka timid Tehran iyo khubarada Xizbollah ee Yemen.
Abuu Jacfar AL-Dhaalibi:
Waa Muxammad Axmad Muxammad Qaasim AL-Dhaalibi (Abuu Jacfar AL-Dhaalibi)
Waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Sacda.
Hadda waxa uu ahaa Kaaliyaha Wasiirka Difaaca ee Xuutiyiinta.
Waa Maskaxdii ka dambeysay dhaq-dhaqaaqyada hub-ku-haynta ee maleeshiyada.
Ilaha Yemen ayaa tilmaamaya in AL-Dhaalibi uu bilaabay isu socodka Yemen iyo Iran.
Waxa uu ka faa’iidaystaa doorkii uu ku lahaa Maamulka Arrimaha Saadka ee maleeshiyada Xuutiyiinta, waxa uuna u dalacay darajada Sareeye Guuto, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay “Madaxa mukhalasiinta”.
Sida ey sheegayaan ilo-wareedyo gaar ah oo ey heshay shabakadda AL-Cayn Al-Akhbaariya, Horjoogaha maleeshiyada Dhaalibi ayaa loo xil saaray isku xirka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran si ey ula socdaan shixnadaha hubka ee dhawaan laga soo daabulay dalka Iran ee loo waday dalka Yemen.
Maxamed Naasir AL-Caadhifi:
Waxa uu ahaa Wasiirka Difaaca Maleeshiyada Xuutiyiinta tan iyo 28-kii November 2016-kii.
Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah Hogaamiyayaasha hore ee doorkooda loo arko kuwa yar, marka loo eego in Hogaamiyaha dhabta ah ee militariga uu yahay Maxammed Cabdel Karim AL-Gamaari.
AL-Caadhifi ayaa horay u maamuli jiray Guutada Gantaallada ka hor inta eysan maleeshiyaadka soo qaadin magaalada Sanca. Maleeshiyada ayaa ka dib ka xayuubiyay jagadii Hogaamineed ee uu hayay, waxaana lagu bedelay horjooge ka tirsan Sacda oo lagu magacaabo Cabdul-Xafiz AL-Hilali, kaasoo hadda ah Taliyaha Guutada Gantaalaha, sida ey sheegeen ilo xog ogaal ah.
Maxammed Cabdel-nabi:
Maxammed Fadli Cabdul Nabi, oo maleeshiyada Xuutiyiinta ey u magacaabeen Taliyaha Ciidamada Badda.
isagoo iska dhigaya darajada Sareeye Guuto.
Waa mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha aan firfircoonayn ee goobaha dagaalka.
Ciidamada Badda waxaa si hufan u Hogaaminaya Taliye lagu magacaabo Mansuur AL-Sacaadi, kaasoo la sheegay in lagu dilay weerar uu Mareykanku qaaday bishii March 2025-kii.
Maxamed AL-Qaadiri
Magaciisa: Maxamed Cali Maxamed AL-Qaadiri.
Waa Taliyaha Guutooyinka Difaaca Xeebaha ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
Waxa uu xirtay darajada Sareeye Guuto, waana xubin firfircoon oo ka tirsan Ciidamada Badda.
Maleeshiyada ayaa horey AL-Qaadiri ugu magacawday Maamulaha Kuliyada Ciidamada Badda iyo Wakiilkooda kooxda dib u dajinta ee Xudeyda, oo lagu dhisay heshiiskii STOCKHOLM lana saxiixay sannadkii 2018-kii.
XIGASHO-AY.
ISRA’IIL OO SANCA KU DISHAY HOGAAMIYEYAAL XUUTIYIIN AH.
(SAWIRKA)-SANCA.
(SANA’A)-Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ey la beegsatay caasimadda Yemen ee Sanca gelinkii dambe ee Khamiista, lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta, oo uu ku jiro Axmed Qaalib AL-Rahwi, Raysal Wasaaraha kooxda Xuutiyiinta, Sakhar AL-Sharqabi, Agaasimaha Xafiiska Taliyaha Guud ee Ciidamada Xuutiyiinta, Maxammed AL-Gamari iyo Cabdulsalam AL-Manbahi, oo ah Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxa Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta Mahdi AL-Mashaadh. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in warkan uu yahay mid wali la xaqiijinayo, lagana yaabo in la xaqiijiyo ama la beeniyo maalmaha soo socda. Sida ey sheegayaan ilo-wareedyo isku mid ah duqeymahaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac ku dhawaad 8-ruux oo isugu jira Nabad Sugid iyo Milatari, iyadoo ey u sii dheer tahay burbur loo geystay Xarumo iyo Dhismayaal dad rayid ah ey ku lahaayeen qeybo ka mid ah caasimadda Sanca.
JAWAABTII UGU HOREYSAY EE RASMIGA AH EE XUUTIYIINTA EE KU SAABSAN DILKA HOGAAMIYEYAASHA XUUTIYIINTA EE SANCA:
Duulaanka ayaa lagu kala qeybiyay dhowr goobood, gaar ahaan deegaanka Xadda oo ah halka la beegsaday guriga Hogaamiyaha Xuutiyiinta ee Jamal Zabarah iyo buurta Cadhaan oo ey ku yaalaan Bakhaarada Hubka iyo Difaaca Hawada. Sidoo kale, duqeynta ayaa lagu garaacay goobo ku dhow Madaxtooyada, oo ku dhagan Xarun lagu keydiyo Hubka oo horay sidan oo kale loogu weeraray Axadii la soo dhaafay, kaasoo sababay dhimashada laba dagaalyahan oo Xuutiyiinta ah, laguna burburiyay tiro saanad ah. Iyadoo warbaahinta Israa'iil ey sheegtay in Madaxa shaqaalaha ee Xuutiyiinta, Maxammed CabdulKarim AL-Gamaari, uu ka mid yahay dadka la beegsaday, haddana ilo isku mid ah ayaa xaqiijiyay in uusan dhiman ama dhaawacmin.
DILKII AL-RAHWI:
Habeenimadii dambe ee Khamiista, ilo ku dhow dhow Raysal Wasaaraha Xuutiyiinta Axmed AL-Rahwi ayaa sheegay in lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lala beegsaday guri ku yaalla Sanca, isaga iyo tiro saaxiibbadiis ah. AL-Rahwi ayaa si rasmi ah u haayey jagada Madaxa kooxda "Dowladda Isbeddelka iyo Dhismaha," oo awoodeeda ey leedahay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Maxammed Miftaax, oo loo magacaabay "Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka koowaad." Inkasta oo xogtan si weyn loo faafiyey, haddana kooxda Xuutiyiinta ayaa si deg deg ah u beenisay in Hoggaamiyeyaashooda lagu dilay ama lagu dhaawacay weeraradaas, taasoo ah mowqif aan caadi ahayn oo kooxdan, oo inta badan ka aamusan khasaarahooda. Warbaahinta Isra’iil ayaa ku warantay in ciidamada guumaysiga Israa’iil ey qaadeen duqaymo sax ah oo ey ku bartilmaameedsanayaan Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo Militariga ee Kooxda Xuutiyiinta, iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijin aqoonsiga dadka dhintay ilaa hadda.
XIGASHO-MY.